Ciyaaryahan Christian Pulisic oo kooxda Chelsea Ku Biiray

0
Saturday December 29, 2018 - 14:40:08 in Wararka by
  • Visits: 646
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciyaaryahan Christian Pulisic oo kooxda Chelsea Ku Biiray

    Sida ay warinayaan wargeesyada ka soo baxa gudaha Germany oo ugu horeeyo Bild, Kooxda Blues ayaa ku guuleesatay loolanka loogu jiray wiilka reer America ee Christian Pulisic kasoo ay ku qaadan doonaan aduun lacageed dhan £45 million, waxa uu im

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sida ay warinayaan wargeesyada ka soo baxa gudaha Germany oo ugu horeeyo Bild, Kooxda Blues ayaa ku guuleesatay loolanka loogu jiray wiilka reer America ee Christian Pulisic kasoo ay ku qaadan doonaan aduun lacageed dhan £45 million, waxa uu imaan doona kooxda Chelsea sedex maalmood kadib ama bilaawga bisha Janaayo.

Wiilka Reer United States ayaa kooxda Dortmund ku soo biiray sanadka 2016-ka tan iyo markaasna waxa uu u saftay kooxdiisa 100-kulan asagoo u dhaliyay 15-gool waxa uuna ku qaatay waqti wacan horyaalka Bundisliga.

xilli ciyaareedkaan waxa uu noqday ciyaariyahan aan muhiim u ahayn macalinka kooxda Ninka lagu magacaabo Lucien Favre kasoo inta badan adeegsada ciyaartooyda da’da yar ee jordan Sancho kaasi wacdaro fiican ka sameenaya kooxdooda Dortmund.

Dortmund ayaa aaminsan in xiligaan la joogo ay tahay xiliga saxda ah ay xidigaan ka iibin lahaayeen kooxaha xiiseenaayo maadama wiilka uu hishiiskiisa uu dhacaayo isna uu iska diiday in uu wax hishiis ah u kordhiyo kooxdiisa.

Kooxda Liverpool ayaa ahayd kooxdii lagu garaacay hishiiska Pulisic kasoo haatan la xaqiijiyay in uu Chelsea ku biiray bisha Janaayana uu imaan doono Garoonka Stamford Bridge.



Macalin Sarri ayaa la ogeen qaabka uu ugu faa’iidesan doono wiilkaan haatan kooxdiisa ku guuleesatay saxiixisa, blues ayaa heysata ciyaartooy badan oo qadka dhexe ka ciyaarta waxayna markaan ku soo darsadeen Pulisic.

Pulisic waxa uu noqonayaa saxiixa koowaad ee Chelsea imaan doono Janaayo.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip