AWR GUURTA MA XUMEE UUR KALA GUURAA XUN.!! Qalinkii Dulyar

0
Friday December 28, 2018 - 21:33:09 in Wararka by
  • Visits: 969
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    AWR GUURTA MA XUMEE UUR KALA GUURAA XUN.!! Qalinkii Dulyar

    FADLAN ADIGA OO DEGAN DHUUX QORMADAN:- Soomaalidu inkastoo ay kala Uur guurtay hadana waxaan mararka qaar isweydiiyaa Aaway dadkii Soomaaliyeed ee Damiirka, Caqliga, Cilmiga iyo Garashada lahaa? maxaa dadka wada seexshay? Toloow dadkaasi ma dhamaade

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

FADLAN ADIGA OO DEGAN DHUUX QORMADAN:- Soomaalidu inkastoo ay kala Uur guurtay hadana waxaan mararka qaar isweydiiyaa Aaway dadkii Soomaaliyeed ee Damiirka, Caqliga, Cilmiga iyo Garashada lahaa? maxaa dadka wada seexshay? Toloow dadkaasi ma dhamaadeen? Ma laga xoog iyo xoolo badiyay? Mala cabsi galiyay? Ma door soomeen? mise dadkii baa wada xumaaday?

-Waxaan kaloo isweydiiyaa Dadka hada nool maxaa helay? Xagee laga heystaa? Miyeysan dareen iyo damiir laheyn? Maxay u tarayaan, u tabcayaan, ugu daalayaan Caqligooda, Cilmigooda, Xoolahooda, Cibaadadooda iyo noloshooda 




hadii aaney -Aqoontu dareensiin karin waxa noloshooda ka maqan, -Xoolahooda u heli karin nabadgalyo, -Cibaada dooduna aaney ka raabi karin Qabyaalada & xumaanta,-Caqligoodana uu u garan la’yahay iney ku raadiyaan Dal ka duwan dalka ay iminka ku nool yihiin, Noloshuse maxay macno ah oo u sameyneysaa hadii aaney u heli karin waxa ay u baahan tahay.,

-Sidee Soomaalidu 10 sano iyo ka badan intey ka soo dagaalantay Dulmi & Cadaalad daro ay qaarkood ka tirsadeen qaarka kale hadana ay u aqbashay iney 30 ku noolaato Dowlad la’aan, Burbur, Dil, Qarax, Boob, Nidaam xumo, Kala tag,sadbursi, Nabadgalyo daro iyo is aamin daro?

-Sidee u aqbashay in 30 sano uu mustaqbalkeeda ku jiro gacmo shisheeye madax aysan dooran oo loo yeeriyo waxa ay dalka ka qabanayaan 4-tii Sanaba marna ay ugu kala sacbinayaan, una daawanayaan Siyaasiyiin ku hogaaminaya wado iyaga sii kala fogeyneysa,Wado mugdi ah oo sii dileysa rajadooda. Wado iyaga xuduudo loogu kala jeexayo, Oo aysan marna ku gaareyn waxa ay rabaan balse ay isdiidsiinayaan.

-Maxay u fahmi la’yihiin dadkeenu horta wey iska socdaane inta ay cuudu bileystaan iney hal mar dib u soo eegaan wadadii ay soomareen iyo waxa ay soo sameeyeen ama ay ka soo dhiseen iney yihiin wax saxan iyo iney yihiin wax qaldan si ay markaa u go’aan sadaan iney socodkooda sii wataan iyo iney yiraahdaan Aleylehe wadadaani nama geyneyso meesha aan rabno ee aan wado kale raadsano.

-Sidee dadkeenu u aqbalay muddo ka badan 10- Sano in 7-aadkiiba mar inta loo yimaado la xasuuqo hadana ay sugaan 7-aadka dambe in goob kale lagu xasuuqo? oo ay marna isku weydiin la’Yihiin waxaani sababta ay u dhacaan iyo ma jiraa waqti cayiman oo uu ku egyahay xasuuqoodu? Maxayse qabtaan 500 ee Corneyl, 100-ka Jeneral, 20-ka S/Gaas & 1-ka S/Guud ee Dowladu u xil saartay Amaanka marka ay wiilal yaryar oo aan 1-Jeneraal la socon ay maalin kasta dadka xasuuqayaan? Ama sida xal looga gaari karo waxaas oo dhan, ? Iyo qodobo kale.

-Maxaan horta isku weydiin la’nahay waa maxay waxa aan wadajirkeena ku weynay oo aan kala tageena ku heleyno? Maxaan uga wada hadli la’nahay waxa naga qaldan ,sababta keentay qaladka,waqtiga uu soo bilowday qaladku iyo waxa ugu horeeya ee aan u baahan nahay waa maxay? Si bal markaas aan u ogaano mushkiladeena lkn iminka waxaad moodaa in mushkiladeenii laftirkeeda sidii loo walaaqayay uu xalkeedii noqday mushkilad kale oo lama taabtaan ah..

Waa gar inaad hadaladeyda la yaabtaan waayoo weli maskaxdiinu isma weydiin su’aalo run ah oo ay aheyd iney mar hore isweydiiso, yaabkuna sida aan filayo waa idinku gabaabsi, balse marka uu dal ku dhaco burbur iyo qaran jab tilaabooyinka loo maro dib u dhiskooda waxaa lagu sheegaa labo qodob oo kala ah "Peace Building & State Building " Soomaaliya labadaas wado tii saxda aheyd ayaa laga weeciyay waxaana 30 sano lagu jehawareeriyay State Building, marna Soomaalidu isma weydiin Sidee dal aan dadkiisu nabadgalyo heysan oo aan ka heshiin wixii dhexmaray oo wada hubeysan maamul loogu dhisi karaa? Taasi waa tan sababtay in dalkeena lagu tijaabiyo nidaamyo uusan xamili karin oo sii kala dhantaalay awoodeenii iyo Qaran keeniiba, Ka warama hadii 1991-dii Peace Building laga bilaabi lahaa howsheena? Sidee xaalkeenu ahaan lahaa? Hubkana aan iska wada dhigno oo aan u dhiibano nidaamka aan markaas ku heshiino.?

Hadaba inta la leeyahay Soomaaliya dowlad haloo dhiso haba iska tabar yaraatee oo marba casharo laynoo yeeriyay sida loox Quraankii ka soo baxa nala leeyahay, runtana aan laga sheegeyn sida aan dowlad rasmiya ku heli karno oo Soomaalidu wey kala uur guurtaye aynaan kaba wada hadleyn sida uur kala guuray loo kala daweyn karo, Waxaan ku jiri doonaa dowlad Yacyacood ah oo aan keeni karin baahiyaheena inaan dhibkeeda dhaxlno mooyee balse tii Allah SWTC iyaduna waa gaar ee ROBOOW ROOB NOO KEEN AAMIIN AAMIIN AAMIIN,!!

WAXAAD MAANTA BI’ISAAN BIRI HA U SHALAAYINA.!!!

W/Q Wariye Abdulkadir Farah Dulyar
Muqdisho



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip