PSG oo Juventus kula loolamaysa xidig ka tirsan Primer League.
kooxda Psg Ayaa diyaarineysa Qorsho ay juventus kaga afduubanayaan Ciyaariyahanka reer Wales Ee Ramsey kasoo beeca xorta ah kaga dhaqaaqi doono kooxda Arsenal markii la gaaro bisha June ee dhamaadka xilli ciyaareedka.
kooxda Juventus ayaa Maalmo ka hor waxaa lagu xamanaaye in ay hishiis
hordhac ah la gaareen ramsey kasoo ay soo bandhigi doonaan Bisha
janaayo iyagoo sheegay inay beeca xorta ah ku qaadan doonaan Bisha June
Markaas oo hishiiskiisa Arsenal uu ku egyahay.
Kooxo Badan ayaa u hanqal taagaya qaadashada Ramsey balse Juventus ayaa ah kooxda ugu cadcad Qaadashada wiilkaa iyagoo u balan qaaday mushaaraad waali waxa uuna noqon doonaa hadii uu Juva ku biiro xidiga labaad ee ugu mushaarka badan kooxda marwada duqda ah.
Psg ayaa haatan waxaa lagu soo waramayaa in ay Arsenal u bandhigi doonto aduun lacageed gaaraya 15-20 Milyan oo yuuro ah si ay Janaayo ula wareegaan Ramsey.
Qorshahaan ayaa ah Mid u cuntami doona Arsenal maadaama uu laba goorba xor kaga tagi lahaa Xidigaan waxayn aqbali doonaan lacagaha ay ka helaayaan bartamaha xilli ciyaareedka.
27-sano jirkaan ayaa kursiga keedka ku soo bilaawday ciyaarti ay kooxdiisa 1-1 la gashay kooxda Brighton Ciyaartii ka dhacday Amex Stadium.