CAAFIMAADKA: Cudurka baabasiirka siduu ku abuurmo.

0
Tuesday December 25, 2018 - 23:13:30 in Wararka by
  • Visits: 949
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    CAAFIMAADKA: Cudurka baabasiirka siduu ku abuurmo.

    Qof kasta wuxuu dabada iyo malawadka ku leeyahay xiddido dhiig. Xiddidadaasi marka ay kala fidaan oo dhumacdoodu baahdo ayaa waxaa dhaca Baabasiirka ama qoor-maaleyda. Marka caddaadis iyo riixitaan ku dhaco xiddidka ayaa waxaa dhacda in xiddidku lumi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qof kasta wuxuu dabada iyo malawadka ku leeyahay xiddido dhiig. Xiddidadaasi marka ay kala fidaan oo dhumacdoodu baahdo ayaa waxaa dhaca Baabasiirka ama qoor-maaleyda. Marka caddaadis iyo riixitaan ku dhaco xiddidka ayaa waxaa dhacda in xiddidku lumiyo laastiigiisii oo ay dhumucdiisu waynaato ilaa uu noqdo kiish uu dhiiggu ku xayirmo.

Luuqada Ingiriiska Baabasiirka waxaa lagu yiraahdaa Hemorrhoids ama Piles.

Baabasiirku wuxuu dadka ku keenaa xannuun badan, cuncun badan, welwel, mana jecla in sheegaan xanunkaan ilaa xaalku xumaada


NOOYADA BAABASIIRKA

1: Baabasiirka banaanka ama External hemorrhoids: Noocani wuxuu ku dhacaa agagaarka godka dabada(Anus). Waxaa la dareemaa xilliyada saxarada haddii docosho jirto.

2: Baabasiirka Gudaha ama Internal Hemorrhoids: Noocan wuxuu ku dhacaa gudaha shishe ee xigta malawadka(Rectum). Noocan ma dareemi kartid mana arki kartid haddii uusan imaan dhiigbax gudaha ka yimid. Inta badan xannuun badan ma laha maadaama ay ku lug leeyihiin neerfayaal shishe. Baabasiirkaani haddii uu wayn yahay waxaa suuragal ah inuu bannaanka.

MAXAA KEENA BAABASIIRKA?

Sababta ugu wayn ee keenta baabasiirka waa calool-qalaylka(Constipation)oo saxarada adagi dhaawacdo xiddidada nugul ee dhiigga ee mara godka dabada iyo malawadka. Marka saxarada adag lagu qasbo inay xoog ku soo baxdo ama la docdo waxaa xoqma gidaarka dabada oo ay ku taxan yihiin xiddidada dhiigga. Caddaadiska fuula xiddidka wuxuu ku keenaa inuu lumiyo laastikadiisa oo markaas dhumucdiisu waynaato oo dhiig ku xayirmo dhumucdii balaaratay ee xiddidka.

WAXYAALAHA KALE SABABI KARA BAASIRKA:

*Shubanka muddo dheer socda


*Cayilka saa’idka ah
*Docosho badan xilliga saxaroodka
*Musqusha oo muddo badan la fadhiyo
*Qaadista culays dheeraad ah.

CALAAMADAHA LAGU GARTO BAABASIIRKA:

*Xannuun iyo cuncun ka dib marka la saxaroodo
*Fadhiga oo qofka dhiba xannuunka awgiis
*Cuncun agagaarka dabada
*Dhiig soo raaca saxarada
*Dhiigbax haddii ay qarxaan xiddidada
*Mararka qaar xiddidada baabasiirka oo dabada ka soo muuqda.

Asxaabey inaad fahamteen ayaan rajeynayaa.

Waxaa Diyaariyay:
Dr Abdirahman Walba oo idiin leh salaama



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip