Qoyska Talo sii.

0
Tuesday December 25, 2018 - 22:41:23 in Wararka by
  • Visits: 960
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qoyska Talo sii.

    Faadumo, waa gabar joogto Jiinka wabiga Hiiraan( F.S: 1aad). Dhibaatada kaliya oo ey Ka fekerto waa Xiliga Roobka oo isbedelo ama baaqdo ( F.S: 2aad). Iyo xanaanada Xoolaha iyo qooyska.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Faadumo, waa gabar joogto Jiinka wabiga Hiiraan( F.S: 1aad). Dhibaatada kaliya oo ey Ka fekerto waa Xiliga Roobka oo isbedelo ama baaqdo ( F.S: 2aad). Iyo xanaanada Xoolaha iyo qooyska.

Weligeed magaalo ma seexan, Mobile ma yeelan, Salon ma Maqal, Guri kiro ah habeen kuma hoyan, biil koronto iyo mid Caafimaad laguma soo dalicin, insurance dhagaheedu ma Maqal, Barafuun ma isticmaalin weligeed, Bushimaha ma caseysan, Candha celis ma xiran, surwaalna si loo xirto ma taqaan.

Sida timaheeda Ka muuqato Guud haldhaaley, hore looma guursan oo waa madax banaan, waxaa ey sugee in Maalin ey is calfadaan wiil deegaanka ah.

Maanta waxaa noo yimid Odayaal Ka socdo Reero aan qaraabo nahay, oo u soo Doonay Faadumo wiil Ka yimid Qurbaha, Cabsi jeek ( F.S:3aad), timuhu si kale ugu xiiran yihiin, dhaguhu u Duran yihiin, xabadkiisana sidii sabuurad qoraalo lagu hardhay, cabdi jeek waxaa u hore u guursaday 6 Xaas , Caasho Jeego ( F.S: 4aad)oo ugu dambeysay waxa uu furay 3 bil Ka hor.

Waxaan Ka walwalsanahay sida Fadumo iyo Cabdi Jeek Ku wada dhisi karaan qooys waara.

Odayaashii gogosha ayey noo soo galeen, bal Adiguna tala na sii, ma siinaa? ma u diidnaa ? qooyskaanu siduu Ku sii waari karaa ?

Mar kale fiiri sawirka Faadumo.

Qore: yahay Amir





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip