Koulibaly oo ka careysiinaya Manchester United

0
Monday December 24, 2018 - 23:36:40 in Wararka by
  • Visits: 642
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Koulibaly oo ka careysiinaya Manchester United

    Difaaca kooxda Napoli ee Kalidou Koulibaly ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu la galay kooxdiisa heshiis cusub oo uu ku qaadan doono sanadkii €6m, oo aan la socon qiimo lagu burburin karo heshiiskiisa. Sida laga soo xigtay Tuttomercatoweb, war

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Difaaca kooxda Napoli ee Kalidou Koulibaly ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu la galay kooxdiisa heshiis cusub oo uu ku qaadan doono sanadkii €6m, oo aan la socon qiimo lagu burburin karo heshiiskiisa. Sida laga soo xigtay Tuttomercatoweb, warqadaha heshiiska waa ay gaareen ciyaaryahanka, waxaana la fahansanyahay inuu qalinka dul dhigay, balse si rasmi ah loo shaacin doono maalmaha soo aaddan.

Mushaarka €6m sanadkii ah waxa uu Koulibaly ka dhigayaa xiddigga mushaaraadka ugu badan ka qaadanaya garoonka San Paolo.

Waxaa xusid mudan in heshiiskan aysan ku xusneyn qiimo lagu jebin karo heshiiskiisa, taasoo la micno ah in kooxdii dooneysa saxiixiisa ay si toos ah ula xaajoon doonto madaxweynaha Napoli ee Aurelio De Laurentiis.

Horraan ayay ahayd in kooxda Napoli ay iska diidday dalabaad qaalli ah oo u imaanayay difaaca reer Senegal, waxaana ka mid ahaa dalab ku kacayay £90m oo ay ka diideen Manchester United.

Barcelona, Paris Saint-Germain, Manchester City iyo Chelsea ayaa dhammaantood baadi goob ugu jiray saxiixa ciyaaryahankan, balse kooxda Napoli ayaanan qorshaha ku darsan inay iibiyaan Koulibaly.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip