Macallin Klopp oo ka war bixiyay qorshahiisa suuqa kala iibsiga bisha January

0
Monday December 24, 2018 - 23:33:06 in Wararka by
  • Visits: 639
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Macallin Klopp oo ka war bixiyay qorshahiisa suuqa kala iibsiga bisha January

    Macallinka kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa waxa uu albaabada u furay sidoo kalena uu macquul ka dhigay in kooxdiisa ay ciyaartoy cusub kusoo biirrin karaan bisha January ee soo aaddan. Reds ayaa suuqii jiilaalka ee sanadkii lasoo dhaafay waxa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Macallinka kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa waxa uu albaabada u furay sidoo kalena uu macquul ka dhigay in kooxdiisa ay ciyaartoy cusub kusoo biirrin karaan bisha January ee soo aaddan. Reds ayaa suuqii jiilaalka ee sanadkii lasoo dhaafay waxa ay £75million Southampton kaga soo qaadatay difaaca reer Holland ee Virgil Van Dijk, halka Philippe Coutinho uu isna qiimo sare ugu biirray kooxda Barcelona.

Inkastoo Klopp uusan dooneyn in suuqa sidii January-dii lasoo dhaafay, balse waxa uu meesha ka saari waayay inuu suuqa kala iibsiga kasoo qaadan doono ciyaartoy cusub.

Maadaama ay dhaawacanyihiin difaacyada Liverpool ee kala ah Joel Matip iyo Joe Gomez, waxaa Liverpool lala xiriiriyay inay xiddigo difaaca dhexe ka ciyaara ay soo iibsan doonto, hase ahaatee, waxa uu Klopp dafiray in baahidaas ay suuqa u geli doonaan.

"Waan ku faraxsanahay waxa aan heysto, balse ma aqaano si aan u dhaho, ma garaneyno”.

"Waa sababta aan u furayo albaabka, sababtoo ah haddii ay wax dhacaan, ka dib waxa aynu u baahnaan doonnaa inaan fiirinno.

"Waxaa jira ciyaarro dagaal ah oo tiro badan, waana muhiim inaan ka fal-celin karnaa, balse haddii aan ka fal-celin karno waa ay wanaagsantahay.

"Haddii ay wax is beddelaan, weynu u baahnaan doonnaa inaan fiirrinno, waa intaas. Haddii aysan waxba naga hallaabin, ka dib waxba ma sameyn doonno” ayuu yiri macallinka reer Germany.

Dhanka kale Liverpool ayaa war farxad leh heleysa ka hor kullanka Newcastle United ee maalmaha Boxing Day, waxaana tababarka kusoo laabtay Trent Alexander-Arnold.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip