Ex Xildhibaan Geedi iyo Batuulo Gaballe oo dhex martay dood aan waxba la iskula harin (Dhageyso)
Labadaan mas’uul oo iyagu si weyn ula socda isla markaana ku xeel dheer isbedelladii dalka ka dhacayay labadii xukuumadood ee ay kala hoggaaminayeen Madaxweynayaasha Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Xasan Sheekh Maxamuud xilli dalka uu ka baxay xukuumadihii KMG ahaa, ayaa midba kan kale waxa uu uga hadlay caqabadaha weli taagan, kuwo soo kordhay iyo horumarka la gaaray.
Dooda oo ahayd mid aan waxba la iskula harin isla markaana midba kan kale uu uga hadlayay aragti ka duwan, ayaa waxay noqotay mid ka mid ah doodihii ugu kululaa ee ka baxa idaacadda VOA-da sanadkaan sii dhammaanaya ee 2018-da.
"Waxaa cid kasta qireysaa in markii la doortay Madaxweyne Farmaajo in Soomaaliya waa cusub u baryay, in Soomaaliya u soo baxday bil 15 ah, dadkii ugu horeeyay ee taageera ayaan ka mid ahaa, waxaase nasiib darro ah in farxadaasi ay noqotay mid dhicisowday.
Dhinaca kale Guddoomiyaha ururka Haweenka Qaranka Batuulo Sheekh Axmed Gaballe ayaa iyadana dhinaceeda sheegtay in Soomaaliya markii uu ku guuleystay Madaxweynaha Maxamed Cabdullaahi Farmaajo runtii dhulka iyo cirka waa dhaqaaqeen, waxaana soo dhoweeyay ummadda Soomaaliyeed, waana ka jawaabay Madaxweynaha taageeradii dadweynaha Soomaaliyeed.
Halkaan ka dhageyso dooda
Waxaa Diyaariyay: Jabriil M. Nuur
E-mail: saxafi37@gmail.com
Ex Xildhibaan Geedi iyo Batuulo Gaballe oo dhex martay dood aan waxba la iskula harin (Dhageyso)
Ex Xildhibaan Maxamuud Geedi Aw Hilowle oo ka tirsanaa xildhibaanada Baarlamaankii hore iyo Batuulo Sheekh Axmed Gaballe oo ah Guddoomiyaha ururka Haweenka Qaranka ayaa waxaa dhex maray dood ay uga hadlayeen xaaladda dalka, gaar ahaan siyaasadda, wax