Barcelona oo weerar ku ah Juventus! Maxaa Juve lagu arkay ?

0
Wednesday December 19, 2018 - 22:17:15 in Wararka by
  • Visits: 574
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Barcelona oo weerar ku ah Juventus! Maxaa Juve lagu arkay ?

    Difaaca kooxda kubadda cagta Juventus ee Daniel Rugani ayaa waxa uu bartilmaameed u yahay kooxda Barcelona. Barca ayaa waxa ay la tacaaleysaa dhibaatooyin dhaawac, kuwaasoo soo gaaray difaacyadeeda kala Samuel Umtiti iyo Thomas Vermaelen. Sidaas

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Difaaca kooxda kubadda cagta Juventus ee Daniel Rugani ayaa waxa uu bartilmaameed u yahay kooxda Barcelona. Barca ayaa waxa ay la tacaaleysaa dhibaatooyin dhaawac, kuwaasoo soo gaaray difaacyadeeda kala Samuel Umtiti iyo Thomas Vermaelen. Sidaas darteed, Barcelona waxa ay dareemeysaa inay u baahantahay daafac dhexe, isla markaasna aysan ku filneyn Clement Lenglet iyo Gerard Pique.

Difaaca Juve ee Rugani ayaa si aad ah looga baadi goobayaa suuqa kala iibsiga Barcelona ayaana si lama filaan ah ugu soo biirtay loollanka loogu jiro saxiixa difaacan tayada wanaagsan.

Sidoo kale Vicente Kompany, Branislav Ivanovic iyo Martin Skrtel ayaa ka mid ah xiddigaha ay dooneyso kooxda Blaugrana.

Rugani ayaa mustaqbalkiisa Bianconeri waxa uu yahay mid aanan sal fadhiya lahayn, waxaana xusid mudan in suuqii xagaaga uu ku dhowaaday ka biirista kooxda Chelsea.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip