Chelsea iyo Manchester City oo ku dagaallamaya saxiixa laacib ka tirsan Real Madrid
Waxaa si aad ah isu qabsaday wargeysyada Ingiriiska wararka sheegaya in kooxda Real Madrid laacibkeeda khadka dhexe ee Isco uu bartilmaameed u yahay kooxaha Manchester City iyo Chelsea.
Labada naadi ee ka dhisan England ayaa si aad ah ugu dagaallami doono saxiixa kubbad sameeyahan, kaasoo qaab ciyaareedkiisa ay aad ula dhacsanyihiin.
Xiddiggii hore ee Malaga ayaa waxa uu lumiyay dookha koowaad ee Macallin Santiago Solari, kaasoo xiriirka kala dhexeeya uusan ahayn mid wanaagsan.
Waxaa sidoo kale xusid mudan in laacibkan ay ku orriyeen taageerayaasha Los Blancos kullankii guuldarrada kala kulmeen CSKA Moscow, taasoo dhalisay in 26-jirkan uu niyadda geliyo sidii uu kaga tagi lahaa kooxda.
Lacag dhan £70m ayaa lagu qiimeeyaa xiddiggan, waana qiimaha ay Cityzens iyo Blues ay ku doonayaan lasoo saxiixashadiisa.
Isco ayaa kula jira Real Madrid qandaraas dhici doona illaa 2022, waxaana heshiiskiisa lagu jebin karaa €700m, balse waxaa la fahansanyahay in Kooxda ka dhisan caasimadda Spain ay keliya dooneyso €100m si ciyaaryahankan ay u iibiyaan.
Chelsea iyo Manchester City oo ku dagaallamaya saxiixa laacib ka tirsan Real Madrid
Waxaa si aad ah isu qabsaday wargeysyada Ingiriiska wararka sheegaya in kooxda Real Madrid laacibkeeda khadka dhexe ee Isco uu bartilmaameed u yahay kooxaha Manchester City iyo Chelsea. Labada naadi ee ka dhisan England ayaa si aad ah ugu dagaallami