Jose Mourinho oo laga eryay shaqada Tababarnimo ee Kooxda Manchester United

0
Tuesday December 18, 2018 - 21:22:09 in Wararka by
  • Visits: 591
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jose Mourinho oo laga eryay shaqada Tababarnimo ee Kooxda Manchester United

    Kooxda Manchester United ayaa ku dhawaaqday inay shaqada Tababarnimo ka ceyrisay Jose Mourinho, kaddib guuldaradii Axadii la soo dhaafay ay Kooxda ka soo gaartay Liverpool. Maamulka Kooxda Man United ayaa go'aansaday inay ceyriyaan Mourinho oo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxda Manchester United ayaa ku dhawaaqday inay shaqada Tababarnimo ka ceyrisay Jose Mourinho, kaddib guuldaradii Axadii la soo dhaafay ay Kooxda ka soo gaartay Liverpool. Maamulka Kooxda Man United ayaa go'aansaday inay ceyriyaan Mourinho oo qaab ciyaareed liita ku bilowday xilligan.

Jose Mourinho ayaa labo sano iyo bar leylinayay Kooxda Manchester, inkastoo uu kooxda kula guuleystay illaa saddex koob uu ka mid ahaa Europe League, hadana waxaa uu Manchester u qaadi waayay Horyaalka Ingiriiska.

Arrinta lama filaanka ah ayaa ah in labada jeer ee Mourinho la eryay ay ka badineysay Kooxda Liverpool, sanadkii 2015 bishii december ayaa laga eryay shaqada Tababarnimo ee Chelsea, haatan waxaa la eryay bishan december ee sanadkan 2018 Kooxda Man United, waana markii labaad oo tababare Jurgen Klopp sabab u noqonayo ceyrintiisa.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip