Waxka baro Taariikhda Qaaradda Asia.

0
Monday December 17, 2018 - 19:45:52 in Wararka by
  • Visits: 306
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Waxka baro Taariikhda Qaaradda Asia.

    Qaaradda aanu maanta ka hadlayno ee Asia waa qaaradda adduunka ugu weyn uguna dadka badan. Asia waxay xaduud la leedahay qaaraddaha Afrika iyo Yurub waxaa sidoo kale mara badaha badda cas, badweynta Hindiya, Baasafik,ga Atrikada manatareeniyanka bad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qaaradda aanu maanta ka hadlayno ee Asia waa qaaradda adduunka ugu weyn uguna dadka badan. Asia waxay xaduud la leedahay qaaraddaha Afrika iyo Yurub waxaa sidoo kale mara badaha badda cas, badweynta Hindiya, Baasafik,ga Atrikada manatareeniyanka badda madow, badda Kasbiyanka iyo bada kale. Sidoo kale qaaradda waxaa ku yaala ama mara wabiyo iyo harooyin waa weyn.

Xaduuda Afrika iyo Asia u dhaxeeya waa gacanka Suweys taasoo ka dhigan in dalka Masar yahay kan isku xira Asia iyo Afrika waxaana qaaraddu waxay ka kooban tahay 49 wadan oo madax banaan.

Sadex wadan oo ka mid ah waxay dhinacna ka tirsan yihiin qaaradda Yurub.

Tiradda dadka qaaradda u dhashay waxay gaarayaan kudhawaad 4.5 billion oo ruux sida lagu sheegay tirokoob la sameeyay bishiiSeptember ee sanadkaan taasoo ka dhigan in 60% dadka adduunka ku nool ay kasoojeedaan qaaradda Asia.

Dalka ugu dadka badan qaaradda waa Shiinaha oo tirada dadkiisu gaarayaan in ka badan hal billion oo ruux waxaana ku xiga Hindiya Indonesia ayaa kaalinta sadeexaad ku jirta halka dalka Pakistan,na uu yahay dalka Afaraad ee qaaradda ugu dadka badan.

Dalka Rushka oo sidoo kalena ka mid ah Sadexda wadan ee dhanka Yurub ka tirsan ayaa ah kan ugu dhulka weyn Asia waxaana ku xiga Shiinaha, Hindiya Kasakhistan iyo Sacuudiga.

Wadamada dhanka Asia ka ah dhanka Africa waxaa ka mid ah Masar, Tunisia, Algeria iyo Morocco.

Waxaa kaloo jira dalal loo yaqaan dunnida Carabta oo qaaradda ku yaala waana dawladaha Carbeed.

Buuraha Himilaaya oo ah kuwa adduunka ugu dhaadheer ayaa qaaradda ku yaala waxayna xiriirsan yihiin laga bilaabo Nepol illaa Shiinaha.

Qaaradda waxaa loo qeybiyaa 5 qeybood oo kala ah Bariga Asia Koofurta Asia, Koofur Bari Asia, Bariga dhexe iyo bartamaha Asia isla sidaas ayayna dawladaha qaaraddu iskugu xiran yihiin.

Qaaradda Asia waxaa soo maray maamulo kala duwan sida boqortooyaddii Rushka oo ka talinaysay dhawr wadan oo qaaradda ku yaala qarnigii 17,aad iyo boqortooyaddii Cusmaaniyiinta oo ka talinaysay bariga, dhexe, waqooyiga, Afrika iyo dalalka Balkaniska qarnigii 16,aad.

Dhacdooyinka la xasuusto waxaa ka mid ah xasuuqii ay qaaradda ka geysteen Mangooloyiinta qarnigii 13,aad oo ay ku dileen in ka badan 60 million oo ruux.

Sidoo kale qaaradda waxaa ka dhacay dagaalo qaraar oo uu ka mid yahay dagaalkii Carabta iyo Yahuuda dhex maray intii u dhaxaysay 1948 illaa 1949 kuwaasoo galaaftay nolosha askar badan.

Dagaalkaas oo mar kale qarxay dhamaadka lixdamaadkii ayaa waxaa guul ka gaaray ciidamada Yahuuda waxaana dawladihii Carabta looga qabsaday dhul badan oo illaa hadda gacanta Israel ku jira.

Dagaalkaas waxaa uu bilowday markii Ingiriisku uu dal la yiraahdo Israel uga dhawaaqay bariga dhexe gaar ahaan dhulka Falastiin.

Colaado kale oo ay ka mid yihiin dagaalkii sokeeye ee Shiinaha, dagaalkii Ciraaq iyo Iran iyo kii Ciraaq iyo Kuwait dagaalkii labada Kuuriya Dagaalkii Fiyatnaam iyo dagaalo kale.

Hadda meelo ka mid ah qaaradda willi colaad ayaa ka jirta waxaana ugu weyn dagaalka ka dhanka ah kooxda sheegatay Khilaafadda Islaamka ee Daacish oo ka aas aasan bariga dhexe iyo kan lagula jiro ururka Taliban oo ku xoogan Afghanistan iyo Pakistan.

Labadaan urur faracyo ayay ku leeyihiin wadamada dunnida Muslimka.

Xagga dhaqaalaha haddaan eegno qaaradda Asia waxaa ku yaala wadamo dhaqaalaha adduunka kuwa ugu horeeya ah waxaana si gaar ah carrabka loogu dhuftaa Shiinaha, Japan, Hindiya, Rushk,Turkiga iyo Koofur Kuuriya.

Warbixin dhanka dhaqaalaha ah oo dhawaan la daabacay waxaa lagu sheegay in Hong Kong ay tahay halka shirkadaha adduunka ugu badan degenyihiin waxaana lagu qiyaasaa shirkadaha xarumaha ku leh Hong Kong 68% shirkaddaha adduunka.

Laga soo bilaabo dhamaadkii sagaashamaadkii illa 2000 dhaqaalaha dhawr wadan oo qaaradda ku yaala ayaa kor u kacayay wax ka badan 8% daqliga gudaha.

Asia waa halka ay ku yaalaan dalalka hodanka ku ah kheyraadka dabiiciga ah sida shidaalka kuwaasoo u badan kuwa dunnida Carabta la yiraahdo waxaana ka mid ah Qatar, Kuwait, Sacuudiga, Baxrain ,Cuman Imaaraatka Carabta, Kazakhstan, Turkmenistan, Iran iyo Brunei.

Wadanka dekadihiisu qaaradda ugu mashquulka badan yihiin waxaa loo aqoonsanyahay Singapore

Hadda qaaradda waxaa ugu dhaqaale badan Shiinaha waxaana ku xiga Hindiya iyo Japan.

Dadka arrimaha dhaqaalaha falanqeeya waxay sheegaan in dhaqaalaha qaaraddu inta badan ku tiirsan yahay kheyraadka dabiiciga ah sidda shidaalka, dahabka, kaluunka, iyo dalagyada la beerto gaar ahaan bariiska, dalxiiska iyo qalabka ay warshaduhu soo saaraan.

Dalalka ugu wax soo saarka badan waxaa ka mid ah Japan oo soo saarta baabuurta adduunka ugu badan iyo Kuuriyadda koofureed oo soo saarta qalabka electorooniga ugu badan ee adduunka xilligaan laga isticmaalo.

Sanadkii 2010 Dadka taajiriinta ah ee lacagaha badan haysta ee qaaradda u dhashay waxaa lagu qiyaasay in ka badan 3 million oo ruux.

Xagga afafka hadii aan eegnana qaaradda waxaa looga hadlaa luuqadaha adduunka ugu badan waxaana tusaale loo soo qaataa 600 oo af oo looga hadlo dalka Indonesia, Hindiya oo looga hadlo 800 oo af iyo 100 af oo Filibiin looga hadlo.

Luuqadda ugu faca weynse oo qaaradda looga hadlo waa afka Carabiga oo dadka ku hadla ay gaarayaan 270 million oo ruux.

Xagga diimahana dhulka qaaraddu ku taala waaba halka ay kusoo dageen diimaha Samaawiga ah oo dhan waana halka ay kasoo baxeen ambayadii Alle u doortay inay koonkaan xaqa u horseedaan.

Waa halka ay ku yaalaa dhulka barakaysan ee Islamka sida Mako iyo Madiino iyo Masjidka Qudus.

Diinta Islamka ayaa ah tan dadka ugu badan ee qaaradda ku nool haystaan waxaana ku yaala dalka adduunka ugu Muslimiinta badan waana dalka Indonesia.

In ka badan hal billion oo ruux oo Muslimiin ah ayaa qaaradda ku nool waxaana dalalka ugu Muslimiinta badan qaaradda ka mid ah Indonesia, oo kaalinta koowaad ku jira, Pakistan, Hindiya, Bangladesh, Sacuudiga Iran iyo Turkiga.

Sacuudiga waa halka ay ku yaalaan dhulka barakaysan ee laga soo saaray Nabigeena Mux’ed NNKH oo ay sanadka walbana booqdaan malaayiin Muslimiin ah halka dalka Iran,na uu yahay halka shiicadda ugu badan ku nooshahay.

Dhawr wadan oo Asia ku yaala sida Hindiya ama dhulka hadda loo yaqaan Bangladesh waxaa uu Islamku gaaray intii uu noolaa Nabigeena Mux’ed NNKH kadibna waxaa ku faaftay khilaafooyinka Islamka ee is xig xigay.



Masaajida ugu faca weyn ee qaaradda ku yaala waxaa ka mid ah Xaramka oo magaaladda Makka ku yaala, Masjidka Quba oo ku yaala magaalada Madiina iyo Masjidka Al-Aqsa oo ku yaala magaalada Qudus ee dhulka Falastiin.

Dalka Shiinaha waa meesha ugu badan ee Muslimiinta lagu dhibaateeyo loomana ogola inay si xor ah u cibaadaystaan dalka labaadna waa Burma oo xataa Muslimiinta dalkaas loo diido inay ku noolaadaan.

Dhaqanka marka le eegana dadka qaaradda ku nool waa ay kala dhaqan duwan yihiin waxaana isku dhaqan eg hadba sida wadamadu ay dadkoodu asal ahaan isku leeyihiin.

Xagga raashinka cunnadda ugu badan ee qaaradda laga cuno waa bariis hase ahaatee dalal badan ayay caado ka tahay in laga cunno hilbaha xawayaanka xalaasha aheyn sida eeyaha dofaarka, bisadaha jiirka ama dooliga iyo cayayaanka.

Dalalka Islamkana waxaa laga cunnaa raashinka xalaasha ah.

Xagga cayaarahana qaaradda dal walba waxaa uu leeyahay kooxo cayaaro waxaase jira xiriir qaaraddu leedahay AFC.

Ma jiro dal qaaradda ku yaala oo willi ku guulaystay koob adduun hase ahaatee cayaartoyda Kuuriyadda Koofureed ayaa heer wanaagsan ka gaaray cayaarihii adduunka ee sanadkii 2002 lagu qabtay Koofur Kuuriya iyo Japan oo qaaradda ka wada tirsan.

Cayaaro kale oo ay ka mid yihiin Rugbiga orodada feerka dabaasha fardo fuulka iyo awrta la tantansiiyo ayaa qaaradda aad looga xiiseeya.

W/soo ururshay Burhaan Diini Faarax.

E-mailburhandiini@gmail.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip