Cashar: Dhibaatada heysata, Muslimiinta galbeedka Afrika!!!

0
Friday December 07, 2018 - 13:49:55 in Wararka by
  • Visits: 807
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cashar: Dhibaatada heysata, Muslimiinta galbeedka Afrika!!!

    Sidee Isticmaarku ula dhaqmay Dadkii Islaamka fidiyay ee ka haray Boqortooyadii Muusa ee Dunida ugu Hodonsaneyd ( F.S: 1aad)). Hotelkii aan ka deganaa Magaalada Accra ee Dalka Ghana ( F.S: 2 & 3aad) ayaan kula kulmay wiil dhalin yaro ah oo ka sh

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sidee Isticmaarku ula dhaqmay Dadkii Islaamka fidiyay ee ka haray Boqortooyadii Muusa ee Dunida ugu Hodonsaneyd ( F.S: 1aad)). Hotelkii aan ka deganaa Magaalada Accra ee Dalka Ghana ( F.S: 2 & 3aad) ayaan kula kulmay wiil dhalin yaro ah oo ka shaqeynayay laguna magacaabo Baba Moxamed.Waxa uu ka mid yahay Muslimiinta laga Tirada badan yahay ee Dalka kuwaa oo loola dhaqmo si aan wanaagsaneyn iyada oo inta bada la tirtiro Taariikhdoodii oo wax yar ey ka hartay ( F.S: 4 & 5aad).

Baba Mohaned Waxa uu dhameystay Dugsiga Sare isaga oo ku bixinaya dakhliga aadka u yar ee uu ka helo shaqada Hotelka, waxa uuna jeclaa in uu aqoontiisa sii wato, uuna barto Cilmiga Engineering, laakin dhaqaala ahaan suura gal uma aheyn, waxa uu ahaa qofka kaliya ee qooyskiisa ka joogo Magaalada, inta kale waxa ey ku noolyihiin Baadiyaha Fog, sida heerka noloshoodu u hooseeyo hadaan kuu sheego ma aamini kartid.

Waxaa laga eryay shaqadii Hotelka, Laakin ma dhumin Rajadii aheyd in uu sii wato wax barashadiisa.Waxaan kula taliyay in uu sii wato marka hore 2 Sanno oo Diploma ah kadibna uu Jaamacadda dhameysto, anna aan ka caawiyo wixii suura gal ah, Waana ka soo tagay Ghana. Muddo 3 Sanno ah ayaan Western Union ugu dirayay Lacag aad u yar oo aheyd Sanadkiiba 300-400$ (F.S: 6aad) warqada aan Lacagta ugu Diri jiray Xawaaladda Western Union.



Bacdamaa Anniga lafteeyda ey Duruufo ii gaar ahi i heeysteen, marna waxaa iga bixiyay 100$ Av. Zakriya Yusuf ( Somali) oo u shaqeeya ICG oo mar uu halkaa Seminar u tagay aan siiyay Telephonka Baba Mohamed. Waxaana ka codsaday in uu siiyo 100$, waana ku mahadsan yahay.

Baba Mohamed waxa uu dhameystay wax barashadiisii Diplomaha 2017, waxa uu imtixaan u galay Shaqo, waxa uu noqday qofka 1aad. Waxaa lagu yiri: waxaa tahay Nin wadanka u dhashay, haddiise aad rabto shaqadaan waxaan kugula tali neynaa iska bedel Magacaan Moxamed kuna bedel magac Krishtaan ah si ku meel gaar ah, kadibna waad helee shaqada, waxa diidyay in uu magaciisa bedelo anna waan ku raacay.

Dadka deegaankiisu weli waa ku ad adag yihiin Islaan nimada waxaana u madax ah Chief Imam Sheikh Ibrahim Nuru Shaributu, (F.S: 7aad) dhilinyaraduna waa ku faanaan Islaan nimadooda ( F.S: 8-12).

Sannadkan 2018 waxa loo ogolaaday Jaamacadda KAAL University ( F.S: 13-14), In kasta oo eyna badneeyn lacagta laga rabo oo ey ka yartahay 400 USD, haddana Aniga oo muddo Sannad ah aanan qaban shaqo rasmi ah iyo Baba Mohamed oo aanan shaqeyn Laba sannao waa nagu adkaatay. Lacagtii iigu dambeysay oo aan u diray 2018 ayaaba weli deyn igu aheyd markaa, Jaamacadiina Dib in loo dhigo ayaan ku heshiinay inta xaaladdu iska bedelee.

FG:Ha u qaaday in aan yabooh bilaawnay, hana u qaadan in Baba Maxamed aan Lacag ka rabo mustaqbalka, Hana u qaadan in aan kuugu faanayo xiriirka Aniga iyo Baba Moxamed, dar ALLA ayaan u sameeyay, xattaa ma hubo in aan dib isku arki doono, isagu waa Muslim ku nool Xeebta Afrikada galbeed ee Badda Atlantik- Afrika , anna xeebta bari ee badda Indian Ocean- Afrika, qadarka Alle se waa gooni.

FG. Yaab, Baaba Maxamed iyo Muslimiinta la joogto waxa ey ka soo jeedaan Dadkii iyo qoysaskii muslimka ahaa ee Dunida ugu Taajirsanaa taariikhda Beni aadanka 2000 Sanno ee ugu dambeysay.

Markii Isticmaarku soo galay, wadanka waxa ku badnaa Dadka Islaam ah, iyo Dad yar oo aan Diin leheyn, Dagaalo badan oo Reer galbeedku isku kaashadeen kadib ,waxaa la jabiyay Ciidamadii Fardooleeyda ahaa ee Muslimiinta, kadibna Markii ugu horeysay ayaa la bilaabay in Diinta Kirishtaanka la baro kuwii aan diinta leheyn, Jiilasha cusub ee Reer Ghanana lagala dagaalamo Muslinnimada, iyo in Taariikhda Islaamka laga been sheego oo la yiraa Carab wax adoonsaneysay ayaa islaamka keentay Dalka, si loo Naco asalka Diinta. Iyo in la qariyo in Diinta ey halkaa ku fidiyeen Dad Africaan ah, sida Indonisiya oo ah islaamka ugu badan aduunka (250 Million) loo yiri: Carab ganacsata ah oo kaliya ayaa geeysay Diinta, iyada oo la ogyahay in Nin reer Sudaan ah oo Xajka tagay uu hore u raacay Dad reer Indonisiya ah, kuna fidiyay Diinta Islaamka inta badan dalkaa iyada oo ey barbar socdeen Carab iyaguna Dadka diinta barayay.

Muslimiinta Ghana oo ahaa kuwa ugu Tirada badan uguna awooda badan Dalku, waxa ey nodeen 10%, lagu hayay cadaadis farabadan, xuriyadda kadib ayaa waxaa dib u soo noolaaday Dariiqadii Suufiyadii hore u jirtay waxa eyna gaarsiiyeen 35% tirada Muslimiinta, waxaa la qiyaasaa in 100.000 Qof ey ku soo biiriyaan Islamka 5tii Sannaba, muslimiinta Ghana 80% waa Dariiqada Axmadiyada.

Ogow mabaadi’da Isticmaarka waxaa ka mid ah, in uu Taariikhdaada tir tiro, tiisana uu been kaaga sheego.

FG: walaal wixii ka dhiman ku dar, wixii aqoon yaro ii geeysana ka raali ahaaw.

Qore: Yahya Amir



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip