HALKAAN KA AKHRISO WAA BOGGA WARARKA WARGEYS KA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH KHAMIIS 6-DA DICEMBAR 2018-KA

0
Thursday December 06, 2018 - 09:34:12 in Wararka by
  • Visits: 585
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO WAA BOGGA WARARKA WARGEYS KA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH KHAMIIS 6-DA DICEMBAR 2018-KA

    JILAA MARAYKAN AH OO FILIM KA SAMEYNAYA DILKII JAMAL KHASHOGGI Jilaaga Maraykanka ah ee hore ugu guuleystey abaalmarinta Oscarka Sean Penn ayaa bilaabay inuu filim ka sameeyo dilkii Jamal Khashoggi ee lagu dhex diley qunsuliyada Sacudigu uu ku lee

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

JILAA MARAYKAN AH OO FILIM KA SAMEYNAYA DILKII JAMAL KHASHOGGI Jilaaga Maraykanka ah ee hore ugu guuleystey abaalmarinta Oscarka Sean Penn ayaa bilaabay inuu filim ka sameeyo dilkii Jamal Khashoggi ee lagu dhex diley qunsuliyada Sacudigu uu ku leeyahay magaalada Istanbul dalka Turkiga horaantii bishii Oktoobar ee sanadkan. Sean Penn oo ay weheliyaan koox ka kooban toban ruux oo ay ka mid yihiin ilaalo gaar ah ayaa lagu arkay iyagoo jooga afaafka hore ee dhismaha qunsuliyada Sacudiga ee magaalada Istanbul sida ay shaacisay wakaalada wararka ee Anadolu. Sidoo kale jilaaga ayaa lagu arkay afaafka hore ee dhismaha uu ka degenaa magaalada Istanbul qunsulka Sacudi Carabiya. Jilaaga ayaa lagu wadaa in uu la kulmo gabadhii u doonayay inuu guursado Khashoggi ee Hatice Cengiz sida laga soo xigtey wargeyska taageera dowlada Turkiga Penn ayaa waxaa uu soo jiitey indhaha caalamka kadib markii siyaasadda iyo arrimaha caalamka ee socda uu aflaam ka sameyay,waxana lagu xusuustaa isaga iyo aktarada MexicanAmerican ka ah ee Kate del Castillo markii ay wareysi ka qaadeen ninka caanka ku ahaa ka ganacsiga daroogada ee u dhashay dalka Mexico Joaquin "El Chapo" Guzman weliba xilli la baadigoobayay.

 

MAXAABIISTA XABSIGA DHEXE OO LA BARAYO GARAACISTA MIYUUSIGA

150 maxaabiista ku jirta xabsiga dhaxe ee Xamar iyo 150 Askari oo kala socda Ciidammada qalabka ee Soomaaliya,Booliska iyo Ciidanka Asluubta ayaa Talaadadii shalay waxaa u furmay tabbabar lagu baranayo garaacista Miyuusiga.

Ujeedka tabbabarka waxaa lagu sheegay in laga doonayo 'Si loo soo saaro dhallinyaro ka qeyb qaadata Wa cyigelinta Bulshadda',iyadoo taliyaha Ciidanka Xoogga Soomaaliy eed, S/Gaas Dahir Aadan Cilmi (Indhaqar she) uu ku booriyay dhallinyarada ta bbabarka qaadanaya in ay ka faa’ ideystaan darruusta la siinayo.

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaali yeed S/Guud Bashiir Maxamed Jaamac ayaa dhankiisa ka sheegay munaasabadda daahfurka tabbabarka in dhallinyaradda maxaabista ku jirta xabsiga dhaxe ay helaan waxbarasho, xannaano iyo barista xirfadaha, si ay aqoonta ay barteen uga faa’iideyaan dadka kale.

Ugu dambeyntii, muddada uu socdo tabbabarkan ayaa la sheegay inay bixin doonan macallimiin isugu jira Soomaali iyo ajaaniib,iyadoo oo u noqonayo tabbabarkii ugu ballaarna ee maxaabiista iyo ciidammada ay ku baranayaan garaacista Miyuusiga.

QAAB DHISMEEDKA CUSUB EE MAGAA LADA LAASCAANOOD YEELANAY SO OO LA SOO BANDHIGAY

Qorshe maalmihii u dambeeyey ka socdey magaalada Laascaanood oo dib loogu habaynayo qaab dhismeedka magaalada iyo diyaarinta iyo qaabaynta qorshaha Laascaan oodda cusub, ayaa lagu soo bandhig ay Hotel Mustaqbal.

Munaasibadan oo ay soo diyaariyeen Wasaaradda Hawlaha Guud iyo daw lada Hoose ayaa waxaa ka soo qayb galay masuuliyiinta Dawlada Hoose, Gobolka, Dadweyne iyo aqoonyahan ayaa waxaa shirgudoominayey Wasiir ka Hawlaha Guud Cabdirashiid Duca ale Qanbi.

"Muhiimada aan leenahay waa in la help magaalo la tartanta caasimad aha, cid gaar ah looma jeedo, ana guna wixii bilicda magaalada hagaaji naya cidna uga haybadaysan mayno" sidaana waxaa yidhi Gudoomiyaha degmada Laascaanood Cabdicasiid Xuseen Xasan.

Gudoomiyaha Gobolka Sool C/rashiid Xuseen Carab ayaa in badan ka warbixiyey faa'iidooyinka hawshan dadka u leedahay, waxaanu ku nuuxnuuxsaday gaadiidka loo yaqaan Bajaajta oo laga mamanuucay wadooyinka waaweyn oo uu sheegay in aan laga noqon doonin.

Qaad badan oo ka mid ah aqoonyah anka magaalada ayaa wax ay soo dhoweeyeen talaabadan la do onayo in wax lagaga bedelo muuqaalka mag aalada.

Ugu danbayn waxaa halkaasi hadal dheer ka soo jeediyey Wasiirka wasa arada Hawlaha Guud Cabdirashiid Ducaale Qanbi oo qaabkan la wado si aad ah ugu sharxay dadkii munaasib adaasi ka soo qayb galay, waxaanu sheegay in shalay aanay dareemayn ee ay arki doonaan marka la qabto ee faaiidadeedu bindhaanto.

Hawshan ayaa dad u badan dadka danyarta ah ee ku ganacsada darafyada wadooyinka oo u arka in ganacsigooda laga soo horjeedo, halka dadka qaarkiina ay qabaan in hawshani mar uun imaan lahayd hadii hada ay timina tahay mid muhiim ah.

Seynab Cabdi Warsame

SANATARO MAREYKAN AH OO MAS'UULIY ADA DILKII KHASHOGGI DUSHA U SAAR AY MAXAMED BUNU SALMAAN

Sanatarada dalka Mareykanka ayaa waxay sheegeen in imika in ka badan sidii hore ay u rumaysan yihiin in dhaxalsugaha Sacuudiga Maxamed Bunu Salmaan uu door ku lahaa dilkii wariye Jamal Khashoggi.

Sanatarada ayaa hadalkan sheegay ka dib markii ay kulan gaar ah la yeesheen saraakiisha laanta sirdoonka Mareykanka ee CIA.

Weerar dhanka afka ah oo uu Sanatar Lindsey Graham ku qaaday dhaxalsugaha ayaa waxa uu ku sheegay "in kalsooni sare uu ku qabo" uu ku lug lahaa dilka wariye Jamal Khashoggi.

Sanatarka ayaa ku tilmaamay boqort ooyada Sacuudiga in ay yihiin "kuwa waalan oo halis ah",.

Dowladda Sacuudiga ayaa dilka wariye Jamal waxa ay u maxkamadeysay 11 qof.

Balse dowladda Sacuudiga ayaa beenisay in dahaxalsuge binu Salman uu ku lug lahaa dilkaasi.

Xubnaha guddiga xiriirka arrimaha dibadda ee aqalka Sanetka lama aysan gabban erayadooda ka dib markii ay la kulmeen agaasimaha hay'ada CIA Gina Haspel.

Sanatar Lindsey Graham ayaa sheegay in uusan taageereyn dagaalka Sacuudiga ay ka wadaan Yemen ama in hub laga iibiyo xukuumadda Riyadh inta uu awoodda hayo dhaxalsugaha.

Sanatar Bob Menendez, oo ka tirsan xisbiga dimuqraadiga ayaa dhankiisa wariyayaasha u sheegay "in uu imika ku qanacsan yahay si ka badan sidii hore"in dhaxalsugaha Sacuudiga uu masuul ka ahaa.

Waxa uu intaa ku daray in Mareyk anka ay qasab tahay"in ay diraan far riin cad oo ah in ficilada noocaas oo kala ah aan la aqbali Karin marka la eego marxaladda uu shalay caalam ka marayo".

DHACDO NAADIR AH: HAWEENEY KU DHALATAY ILMOGALEEN LA’AAN OO UBAD KU DHASHAY MIN LAGA SOO SAARAY HAWEENEY HOREY U GEERIYOOTAY

Dhakhaatiir ku sugan dalka Brazil ayaa sheegay inayku guuleysteen Tijaabadii ugu horreysay ee uu ku dhasho ilmo lagu beeray Min lagu tallaalay Makaanka Ilmogaleenka ee Hooyadiisa.

Hooyo 32 jir oo ilmogaleen la’aan ku dhalatay ayaa la sheegay in lagu beeray Minka laga soo saaray Haweeney geeriyootay,

Ilmaha yar oo gabar ah oo caafimaad qabta ayaa la sheegay inay bishii Dec ember ee sannadkii hore ku dhalatay magaalladda Sao Paulo ee dalka Brazil.

Dhakhaatiirta waxay horey ugu guuldaraysteen 11 iskuday oo lagu beeray min laga soo saaray Haween kale.

Balse, dhalashadda gabadhaasi waxay Saynisyahanadda iyo Dha khaatiirta ku beertay Yididiilo, wax ayna codsiyo ka heleen Kumanaan Haween oo doonayo inay qaab bacri minta lagu beero Minka lagu same yo, si ay u helaan Ubad.

Dhakhaatiirta waxay guusha ilmaha ku dhashay qaabkaasi ku soo bandhi geen Wargeyska ka faallooda Arrima ha Caafimaadka ee The Lancet.

Dhakhaatiirta ka hawlgala Isbitaalka lagu magacaabo Das Clinicas ee Jaamacadda "the University of Sao Paulo” ayaa fuliyey Hawlgalkaasi, iyag oo sheegay in ay Haweeney geeriyo otay bishii September ee sannadkii 2016kii ay ku yaboohay Miinka lagu tallaalay Ilmogaleenka Haweeneydadhashay ilmaha ugu horreeyey ee ku dhashay Qaabkaasi.

SAFIIRKA CUSUB EE SOOMAALIYA U FADHIN DOONO KENYA OO LAGA GUDDO OMAY WARAAQAHA AQOONSIGA

Hooyada cusub ayaa la sheegay inay ku dhalatay Ilmogaleen la’aan, iyadoo Xaalladaasi ay Dhakhaatiirta ugu yeeraan MayerRokitanskyKusterHauser syndrome (MRKH).

Dhakhaatiirta waxay sheegeen in Haweeneyda ku deeqday Ilmogaleenka oo 45jir ah ay u geeriyootay Cuddurka Qalalka (Stroke), waxayna horey deeq ahaan dad kale u hibeysay Wadnaheeda iyo Kelyahee da.

Gabadha yar ee ku dhalatay Qaabka cusub ee Ilmogaleenka lagu tallaalay waxaa dhalatay 35 isbuuc iyo 3 maalmood kadib, markii Hooyadeeda uurka qaatay, waxaana gabadha yar dhererkeeda lagu sheegay 45 cm, oo ah celcelis ahaanta ay ilmaha yar ku dhashaan.

Si kastaba ha ahaatee, Bacrimintii ugu horreysay oo uu ku deeqo qof nool ayaa waxa uu ka dhacay dalka Sac uudiga sannadkii 2000, balse ma jirin ilmo ku dhashay qaabkaasi tan iyo sannadkii 2002dii oo laga fuliyey dalka Sweden.

8 carruur ah ayaa waxay ku dhashay dalka Sweden, kuwaasi oo qeyb ka ah 9 hawlgal oo min loogu tallaalay Haween ilmodoon ahaa,

Hawlgalka kale oo ay ku dhasheen 3 carruur ayaa la sheegay in laga fuliyey dalalka Maraykanka iyo Serbiya.

XUKUUMADDA SOOMAALIYA IYO MAAM ULKA GOBOLKA BANAADIR OO KA HADL AY WARIYE LAGU DHAAWACAY MUQDISHO

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle iyo Wasiir kuxiggeenka Wasaaradda Warfaafinta, Aadan Isaaq ayaa si wadajir ah u cambaareeyey weerarkii lagu dhaawacay Wariye Ismaaciil Sheekh Khaliifa oo qarax loogu xiray gaarigiisa oo uu dhaawac ka soo gaaray.

Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Eng,Yariisow Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaaladda Muqdisho ayaa dhankiisa Cambaaree yey dhaawaca soo gaaray Wariyaha.

Eng,Yariisow ayaa bartiisa xiriirka Bulshada ku yiri"Waxaan EEBBE uga baryayaa suxufi Ismail Sheikh Khalifa inuu caafimaad degdeg ah siiyo, waxaana cambaareynayaa falka miinada loogu xirey gaarigiisa, Aan u soo duceyno saaxiibkeen qaaliga ah Ismail oo bahda warbaahinta kaalin firfircoon ka qaata”.

Si wada jir ah ayay weerarkaasi ugu tilmaamay inuu ahaa mid waxuushnimmo ah oo ujeedka laga lahaa ay aheyd in dadka indhaha u ah Shacabka Soomaaliyeed lagu waxyeeleeyo, iyagoo Wariye Ismaaciil Sheekh Khaliifa si dhaqsa ah in uu u bogsiiyo ALLE uga baryay.

Xaaladda caafimaad ee Wariye Ismaaciil Sheekh Khaliifa oo lagu dabiibayo Isbitaalka ExDigfeer ayaa ah mid ka soo reysneysa, Mana jirto cid sheegatay mas’uuliyadda falkaasi lagu dhaawacay.

SAFIIRKA CUSUB EE SOOMAALIYA U FADHIN DOONO KENYA OO LAGA GUDD OOMAY WARAAQAHA AQOONSIGA

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa shalay waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay Safiirka cusub ee Soomaaliya u magacawday dalka Kenya Maxamuud Axmed Nuur Tarsan.

Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo maalin ka hor gaaray magaalada Nairobi ayaa dhowaan loo magaca abay Safiirka cusub ee Soomaaliya ee Kenya.

Mr Tarsan ayaa ka mid ahaa illaa 17 Safiir oo shalay waraaqahooda aqoo nsiga uu qasriga Madaxtooyada Nairobi kaga guddoomay Uhuru Kenyat ta.

Tarsan ayaa horay u ahaa La Tali yaha Madaxweyne Farmaajo, waxaa uu ka mid ahaa Musharaxiintii isu shar axday xilka Madaxweynaha Soomaal iya ee doorashadii 8 February.

Sidoo kale waxaa uu horay u soo noqday Guddoomiyaha Gobolka Bana adir iyo Duqa Muqdisho, xilligii ugu adkaa oo magaalada Muqdisho qeybo badan gacanta ku hayeen AlShaba ab.

Magacaabida Tarsan ee Safiirka Soomaaliya ee Kenya ayaa meesha ka saari doonta muddo sanad iyo bilo oyin oo ay Safaaradda Soomaaliya aheyd Safiir la’aan.

XILDHIBAANO KA TIRSAN BAARLAMAAN KA OO MOOSHIN KA KEENAY HESHIIS YADA UU GALAY MADAXWEYNE FARMAAJO

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa mooshin ka keenay heshiisyada iyo is afgaradyada lala galay dalal shisheeye.

Illaa 10 Xildhibaan ayaa saxiixay soo jeedin ku saabsan heshiisyada lala galay dalalka shisheeye, intii uu xilka hayay Madaxweyne Farmaajo, iyadoo laga codsaday Guddoonka inuu furo dooda ku saabsan heshiisyadaas.

Xildhibaanada ayaa si gaar ah u soo hadal qaaday safaradii Madaxweyne Farmaajo ku tagay dalalka Eritrea iyo Itoobiya iyo heshiisyadii is afgaradka saddexda dalka ee Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea.

BAARLAMAANKA OO ANSIXIYAY XEERKA XUQUUQDA SIYAASIYIINTA DOWLADDA

Xildhibaanada Baarlamaanka Fe deraalka ayaa shalay ansixiyay Hindise sharciyeedka xuquuqda Siy aasiyiinta dowladda oo muddooyinkii u dambeeyay ay ka doodayeen Xildhibaanada.

Kulanka Xildhibaanada oo ay soo xaadireen 170 Mudane ayaa waxaa shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan.

djibouti_eritrea_leaders_gGuddoomiyaha oo shirka furay ayaa ka dalbaday Guddoomiyaha Guddiga Xeer Hoosaadka Maxamuud Macalin Yaxye inuu akhriyo sharciga, si loo meel mariyo.

Intaas kaddib Guddoomiyaha Gu ddiga Xeer Hoosaadka ayaa akhriyay xeer ka xuquuqda siyaasiyiinta dowlad da, waxaana uu ka codsaday Xildhiba anada in la meel mariyo, isagoo tilma amay in talooyinkii ay tilmaameen Xil dhibaanada lagu soo daray

Guddoomiye Maxamed Mursal ayaa ku dhawaaqay natiijada codka ay u qaadeen Xildhibaanada Xeerka Xuq uuqda Siyaasiyiinta Dowladda, wax aana xeerkaas cod gacan taag haa ugu codeysay 167 Xildhibaan, halka 1 Xildhibaan uu diiday, 2 Xildhibaan ka aamustay.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha ayaa soo xiray fadhiga, iyadoo kulankan uu ahaa mid saacad qaatay, iyadoo Xildhibaanada ay saacado fadhiyeen xarunta Golaha Shacabka.

AMIIRKA QATAR OO OGOLAADAY CASUUMAAD UU KA HELAY BOQORKA SACUUDI CARABIYA

Boqorka dalka Saudi Arabia Salman ayaa Amiirka dalka Qadar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani ku martiqaaday in uu ka qeybgalo kulanka soo socda ee ay 9ka bishaan magaalada Riyadh isugu imaanayaan madaxda Ururka Iskaashigaa dalalka Khaliijka.

Warkan oo la shaaciyay maalinimadii shalay ayaa daba jooga go’aanka dalka Qadar ee maalin ka hor ay ku sheegtay in ay ka baxeyso Ururka dalalka dhoofiya Shidaalka ee OPEC.

Wakaaladda Wararka Qadar,ayaa sheegtay in Amiiirka dalkaasi uu casuumaad rasmi ah ka helay Boqorka dalka Saudi Arabia ,kaas oo la xiriira ka qeybgalka kulanka dalalka Khaliijka,balse ma caddeyn in Amiirkaasi uu u socdaali doono xagga Sacudiga.

Sanadkii hore kulanka dalalka Khaliijka oo lagu qabtay dalka Kuwait, dalalka Sacuudiga, Imaaraadka iyo Bahrain,waxaa shirkaasi uga qeybgalay Wasiirro iyo R/asaare ku xigeenno halkii la rabay inay soo xaadiraan Madaxda sare ee wadamadaasi.

Kuwait ayaa bishii hore ku dhawaaqday in ay fileyso in kulanka 9ka bishaan ka dhacaya magaalada Riyaad ay isugu imaan doonaan dhammaan madaxda Khaliijka ,ka dib dadaal dheer oo ay u gashay dhexdhexaadinta Qadar iyo isbaheysiga uu hoggaamiyo Sacuudiga oo xayiraad dhinacyo badan bishii June ee sanadkii hore ku soo rogay Qadar. Xigasho: SONNA

MADAXWEYNAHA ERITREA OO DHAWA AN BOOQAN DOONA DALKA JABUUTI

Madaxwaynaha Dawladda Eritrea ayaa dhawaan booqan doona dalka Jabuuti, si loo dhamaystiro heshiis nabadeed oo ay labada dal ka gaaraan colaad sanado jirtay oo u dhaxaysay.

Wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti Mudane Maxamuud Cali Yuusuf ayaa waraysi uu siiyey wakaaladda wararka ee Anadol ku sheegay in madaxwayne Isiyas Afawarki uu dhawaan booqan doono Jabuuti, ka dib markii dawladdiisu aqbashay dalabka socdaalkiisa.

Afawarki ayaa waxa uu la kulmi doonaa dhiggiisa Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, waxaana ay ka wada hadli doonaan siddii loo soo afjari lahaa colaadda labada dal, looguna wada noolaan lahaa deris wanaag iyo nabadgalyo.

Wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti ayaa waxa uu ififaalo wanaagsan ka muujiyey wadaxaajoodka u socda Eritrea iyo Jabuuti, kaas oo mustaqbal wanaagsan u horseedi kara gobolka geeska Afrika.

Madaxwayneyaasha Jabuuti iyo Eritea ayaa bishii September ee la soo dhaafay ku kulmay magaalada Jiddah ee dalka Sucuudiga, kulankaas oo ahaa kii ugu horeeyey oo labada hoggaamiye yeeshaan wixii ka dambeeyey markii ay labada dawladood ku dagaalameen jasiiradda Dumera oo dal walba uu sheeganayo.

MUWAADIN SOMALI AH OO MAXKAMAD LAGU SOO TAAGAY JASIIRADDA MALTA

Muwaadin Somali oo 28jir ah ayaa la soo taagayMaxkamad ku taalla magaalladda Zebbug ee Jesiiradda Malta, kadib, markii lagu soo oogay inuu dhawaacay Askari Bolis ah iyo inuu sameeyey iska caabin rabshadaysan.

Muwaadinka Soomaalida waxaa kaloo lagu soo oogay Amardiido iyo inuu tafaasiil dheer ah ka bixiyo waxa ku dhaliyey falkaasi.

Warbaahinta dalkaasi ayaa sheegtay in Ninkaasi lagu eedeynayo inuu weeraray qof 3aad, isagoo watay Tooreey, isla markaana uuSarqaansanaa.

Dhinaca kale, Eedeysanaha oo aan magaciisa la shaacinin waxa uu sheegay inuusan wax Dembi ah gelin, waxayna Maxkamaddu amartay in lagu sii hayo Xabsiga.

CIIDAMO SOOMAALI IYO MAREYKAN OO HABEEN HORE WEERARAY DEEGAANKA AWDHEEGLE

Ciidamada gaarka u tababaran ee dowladda Soomaaliya oo taageero ka helaya Ciidamo Mareykan ah ayaa habeen hore weerar ku qaaday deegaanka Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Sida wararka sheegayaan Ciidamada is garabsanaya ayaa diyaarado kuwa qumaatiga u kaca kaga degtay banaanka deegaanka Awdheegle, waxaa la sheegay in iska hor imaad uu dhex maray ciidamada huwanta iyo dagaalamayaasha Shabaab.

Qoraal lagu daabacay barta Twitterka ee NISA ayaa lagu sheegay in Ciidamada Amniga ay habeen hore howlgal ka fuliyeen xarun AlShabaab ku laheyd Awdhegle, isla markaana lagu soo qabtay walxaha qarxa.

Lama sheegin faah faahin intaas ka badan, hase ahaatee wararka qaar ayaa sheegaya in howlgalka lagu dilay dagaalamayaal ka tirsan AlShabaab.


SHIRKADDA KENYA AIRWAYS OO JOOJIS AY DUULLIMAADKII TOOSKA OO AY U GU GOOSHI LAHAYD NAIROBI IYO MUQDISHO

Guddoomiyaha Fulinta ee Shirkadda Kenya Airways, Sebastian Mikosz ayaa sheegay inay joojiyeen Qorshihii Duullimaadka Tooska ee ay isaga kala gooshi lahaayeen magaallooyinka Muqdisho iyo Nairobi.

Warqaoraal oo uu soo saaray waxa uu ku sheegay inay ilaa muddo ah hakinayaan Duullimaadyadaasi, kadib, markii ay soo wajaheen Dibudhac ku aadan sidii loo heli lahaa baahiyayaal farsamo oo dheeraad ah oo dhinaca Duullimaadka.

Guddoomiyaha Fulinta ee Shirkadda Kenya Airways, Sebastian Mikosz waxa uu xusay inaysan samayn doonin Duullimaadyada Tooska ee Nairobi iyo Muqdisho ilaa amar dambe oo dheeraad ah.

Shirkadda Diyaaradaha ee Kenya Airways oo ay leedahay Dowladda Kenya waxay horey u shaacisay inay Duullimaadyadaasi bilaabi doonaan 15kii bishii November ee la soo dhaafay.

Diyaarad nooceedu yahay Bombardier Dash 8 Q400 ayaa la qorsheynayeen in loo adeegsado Duullimaadyadda Kenya Airways ee isaga kala gooshi lahaa Garoonka Caalamiga ee Aadan Cadde iyo Jomo Kenyatta International Airport, iyadoo qiimaha Tikidhka ee Halka Duullimaad ee Muqdisho iyo Nairobi uu qiimihiisunoqon lahaa 403 Dollar.

Dibudhigista Qorshaha Duullimaadyadda ee Shirkadda Kenya Airways ayaa ku soo beegantay iyadoo ay dalalka Jabuuti, Burundi iyo South Sudan ka gaabsadeen qorshe ay Shirkadda Kenya Airways ku doonaysay inay Diyaaradaha nooca Bombardier duullimaad ka bilaabaan caasimadaha dalalkaasi.

Guddoomiyaha Fulinta ee Shirkadda Kenya Airways, Sebastian Mikos oo dhawaan Khudbad ka jeediyey Barlamaanka Kenya waxa uu sheegay inay sababo siyaasadeed ka dambeeyaan Diidmada ay qaar ka mid ah dalalka Bariga Afrika kaga mamnuuceen dalalkooda Duullimaa dyadda Kenya Airways.

Xigasho: Nation.co.ke

XIRIIR WANAAGSAN OO KA DHAXEYSA MUQDISHO & GAROWE,XILLI C/WALI GA AS LA DHACEYSANEYN SHAQADA VILLA SOMALIA

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Duqa magaalada Garoowe ee Caasimadda Dawlad Goboleedka Puntland Mudane Axmed Siciid Muuse.

Guddoomiyaha ayaa uga warbixiyey Duqa Garoowe horumarka ka socda Gobolka Banaadir, dadaallada loogu jiro dib u dejinta barakacayaasha, la dagaallanka musuqmaasuqa, xoojinta amniga iyo daris wanaagga.

Eng.Yarisow ayaa tilmaamay in Duqa Garoowe ay isla gorfeeyeen muhiimadda ay leedahay in mustaqbalka la asteeyo madal ay ku mideysan yihiin Maamullada Dawladaha Hoose ee dalka, si la isaga kaashado baahinta adeegyada asaasiga ah ee bulshada, dhisidda goleyaasha deeganka, faya dhawrka, dib u dhiska iyo dayactirka jidadka.

Dhankiisa, Duqa Garoowe Mudane Axmed Siciid Muuse ayaa uga mahadceliyey Maamulka Gobolka Banaadir soo dhaweynta wanaagsan ee ay u sameeyeen, isagoona bogaadiyey horumarka muuqda ee ay ku tallaabsatay Caasimaddu.

Duqa Caasimadda Dawlad Goboleedka Puntland ayaa xaqiijiyey muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo iskaashiga ka dhaxeeya Dawladaha Hoose ee magaalooyinka dalka, maadaama ay fursad u tahay kor u qaadista xirfadaha shaqaalaha, xoojinta amniga iyo isdhexgalka bulshada.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa guddoonsiiyey duqa Garoowe labo kamid ah basaska waaweyn ee dadweynaha oo loo qorsheeyey Caasimadda Puntland, isagoona ugu hambalyeeyay Duqa Garoowe, Kuxigeenkiisa iyo guud ahaan Golaha Deegaanka doorashadii dhawaan lagu soo doortay.

LA TALIYAHA AMNIGA EE MADAXWEY NE FARMAAJO OO DOOD KA KEENAY WARBIXIN VOA DIYAARISAY

La Taliyaha Amniga Qaranka Cabdisaciid Muuse Cali ayaa dood ka dhex dhaliyay barta Twitterka, kaddib markii uu dhaliil xooggan u jeediyay warbixin VOA ka diyaarisay AlShabaab iyo Daacish, taasoo ka hadl aysay dhaqaalaha kooxda ka helaan Shirkadaha Ganacsiga Soom aaliya oo ay ku soo rogeen inay bixiyaan lacago baad ah ama Canshuuro

Warbixinta ayaa si weyn u soo shaac bixisay tartanka kooxahan Islaamiga ugu jiraan inay dhaqaale ku helaan, si ay u maalgeliyaan ololahooda iyo dagaalka ay kala soo horjeedaan dowladda Soomaaliya iyo Nabad Ilaaliyeyaasha AMISOM.

Sidoo kale warbixinta ayaa tilmaame ysa khatarta iyo bartilmaameedka ay wajahayaan Shirkadaha Ganacsi ee Soomaaliya, iyadoo kooxahan ka dalbanayaan dhaqaale inay ka helaan.

Kooxda Daacish ayaa la sheegay inay bishii Agosto ee sanadkan ku dishay Boosaaso Sarkaal ka shaqeynayay mid ka mid ah Shirkadaha Isgaarsiinta, kaddib markii shirkadda ay bixin weyday lacago ay ku soo rogeen, sidoo kale Kooxda ayaa lagu eedeeyay inay toogasho ku dileen illaa sideed ka tirsan Shaqaalaha Shirkadda Hormuud, sida warbixinta VOA ay sheegtay.

Hase ahaatee La Taliyaha Amniga Qaranka Cabdisaciid Muuse Cali ayaa ku tilmaamay warbixinta VOA inay tahay mid neef siineysa Argagixisada, isla markaana looga baahan yahay lanata Afka Soomaaliga ee VOA inay dib u eegis ku sameyso warbixinada.

"Waxaan u maleynayaa in laanta Afka Soomaaliga ee VOA ay u baahan tahay in dib u eegis ku sameyso Warbixinada ay ka sameynayaan Argagixisada, kuwaasoo qaar sii xumeynaya Xaalada Soomaaliya, VOA ma ahan inay noqoto mid cabsi gelin waana inaanan iloobin dhammaan dadkii ay waxyeeladu ka soo gaartay Argagixisada, Dhibanayaasha argagaxisadu ay waxyeeleeyaan waa dad qoysas leh waana

in si la mid ah wararkooda la shaaciyo.”ayuu yiri Cabdisaciid oo si weyn u durayay warbixinta VOA.

Balse hadalka Cabdisaciid waxaa uu la kulmay falcelino kala duwan oo ka yimid siyaasiyiin iyo suxufiyiin, iyagoo bogaadiyay warbixinta uu diyaariyay Haaruun Macruuf.

Haaruun Macruuf oo ka jawaabayay hadalka Cabdisaciid ayaa sheegay in warbixinta lagu wareystay dhammaan ganacsatada la kulmay handadaada iyo inay bixiyaan lacago baad ah, isagoo xusay in iyagaba ay ka mid yihiin qoysaska dhabta ah ee dhibanaha u ah Argagixisada.

SAFIIRKA CUSUB EE TURKIGA U SOO MAGACAABAY SOOMAALIYA OO LAGA GUDDOOMAY NUQUL KA MID AH WARAAQIHIISA AQOONSIGA

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Turkiga u soo magacawday Soomaaliya Mehmet Yilmaz, kaasoo bedelay Safiirkii hore Olgen Bekar, kaddib markii ay u dhamaatay muddo xileedkiisa.

Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa nuqul ka mid ah waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay Safiirka idman ee Jamhuuriyadda Turkiga u qaabilsan Soomaaliya, kaasoo soo gaaray magaalada Muqdisho.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa u rajeeyay Safiirka cusub inuu ku guuleysto howsha loo igmaday, bogaadiyayna xiriirka taariikhiga ee uu dhexeeya labbada dal ee walaalaha ah, isagoo carabaabay sida uu u tixgelinayo dadaalka Ankara ee xoojinta xiriirka laba geesoodka ah.

Danjire Mehmet Yilmaz ayaa carabka ku adkeeyay inuu ka shaqeyn doono danaha labada dal iyo labada shacab ee walaalaha ah si loo xoojiyo, loona horumariyo xiriirka labba geesoodka ah.

Waa safiirkii 3aad ee Turkiga u soo magacaabo Soomaaliya, tan iyo sanadkii 2011 markii Turkiga bilaabay taageerida Soomaaliya iyo booqashadii u horeysay uu ku yimid Muqdisho Recep Tayyib Erdogan.

MAAMULKA SHABEELLAHA HOOSE OO KA QAADAYA HOWLGAL KA DHAN AH SHABaab

Gudoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose Maxamed Ibraahim Barre ayaa Risaala u sheegay in ciidamada dowladda Soomaaliya ay qorsheeyeen in ay weerar ku qaadan degaanada ay ku sugan yihiin Shabaab ee ku yaalla Shabeelaha Hoose.

Gudoomiyaha waxaa uu she dagaal (2)egay in ay qaadayaan howlgal lagu beegsanaayo Shabaabka ku sugan Magaalooyinka waa weyn ee Shabeellaha hoose si looga baaqsado in qaraxyo laga soo Abaabulo.

Waxaa uu sidoo kale xusay in Ciidanka dowladda ay xoojiyeen howlgallad ay ka waddaan Shabeellaha Hoose maalmihii lasoo dhaafay.

Shabaab ayaa wali ku gacanta ku haaya degaano muhiim ah oo ku yaalla gobolka Shabeellaha Hoose,halkaasoo marar qaar ay weeraro uga soo qaadaan ciidanka dowladda.

MAREYKANKA OO SHEEGAY INUU DUQEYN LA BEEGSADAY AL SHABAAB

duqeyn (4) Diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Mareykanka ayaa Arbacadii ina dhaaftay Duqeyn la beegsaday saldhig Ururka Alshabaab ay ku leeyihiin Degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha hoose.

War qoraal ah oo ka soo baxay Taliska Mareykanka Afrika ee AFRICOM ayaa waxaa lagu sheegay in Duqeyntan si gaar ah loola beegsaday goob ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan Shabaab.

Qoraal ka soo baxay Taliska Mareykanka ee Afrika ee loo yaqaan Africom, ayaa lagu sheegay in weerarkaas lagu dilay afar ka mid ah AlShabaab

Mareykanka qoraalkiisa kuma aanu sheegin khasaare nafeed oo soo gaaray dadka Shacabka ah ah ee ku sugan Awdheegle.

Mareykanka ayaa sheegay in weerarkaasi oo ay fuliyeen ciidamo iskaashanaya uu ka dambeeyay kaddib markii Mareykanka iyo ciidamada saaxiibada ah ay la kulmeen weerar islamarkaana uu weerarka Awdheegle ahaa is difaacid.

Mareykanka ayaa horay u sheegay in ay ka go’an tahay dagaalka kooxaha ka dagaalama Soomaaliya sida kooxda yar ee Daacish iyo Ururka Al Shabaab ee ku sugan meelo ka mid ah dalka, kuwaasi oo dagaal kula jira dowladda federaalka

ITOOBIYA OO QORSHEYNAYSA DHOOFINTA SHIDAALKA LAGA HELAAY DEGAANKA SOOMAALIDA

102297949_shidaalka Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay Soo saarista Shidaalka degaanka Soomaalida laga helay in lagu soo gabagabeeynayo saddex sano, islamarkaana intaasi ka dib la bilaabi doono dhoofinta Shidaalka.

Wasaaradda Macdinta, Shidaalka iyo Saliidda Dabiiciga ee Itoobiya ayaa sheegtay iney jiraan marxalado dhowr ah oo ka horreeya oo uu shidaalka soo saaristiisu marayo inta aan la isticmaalin ka hor.

Waxayna intaa ku dartay "in la qodayo boqollaal ceel oo kale islamarkaana la fulinayo mashaariic waaweyn oo dhinaca kaabayaasha dhaqaalaha ah oo fududeynayo shidaalka in muddada looga tala galay dalku uu ku soo saaro.”

Degaanka Soomaalida shidaalka laga helay oo keli ah iyada oo aan lagu ekaaneyn waxaa sida oo kale baarid iyo soo saaridba laga sameeynayaa qaybaha kale ee dalka ee shidaalka laga helay.

Waxayna wasaaradda macdinta Bishi June ee Sanadkan shaaca ka qaadday in keyd shidaal oo aad u badan laga helay degaanka Soomaalida ee ku yaallo bariga dalka Itoobiya.

Ilaa iyo hadda waxaa shidaal laga helay shan qaybood oo dalka Itoobiya ka mid ah sida Rift Valley, Abbay, Mekelle, Metema iyo Gambella balse waxaa marki ugu horreysay shidaal laga soo saaray degaanka Soomaalida qaybo ka mid ah tijaabadi la sameeyeyna lagu guuleystay.

OGEYSIISKA GUUD



Ogeysiiska waxaa loola jeedaa in Renault S.A.S. of F-92100 Boulogne-Billancourt, France


waa mulkiilayaasha kelida ah ee Soomaliya iyo dhamaan dalalka kale ee Markhaatiyada Ganacsiga soo socda:-

                           RENAULT

Taas oo loo adeegsanayo gaadiidka iyo taraafigga; qaybo, qalabyo iyo qalabyada dhammaan badeec-adaha kor lagu soo sheegay; iyo walxaha kale ee ku jira Fasalka 13.


Qofkasta oo nuqul ka dhigaya, ku takooraya, ama hab kale oo kasta oo xadgudub ku ah xuquuqda ku qoran Xawaaladda Ganacsiga Markasta waxaa loo sii wadi doonaa si waafaqsan Sharciyada ku dhaqanka Soom-aaliya si looga hortago in lagu sameeyo Markhaa-tiyada been abuurka ah ee ganacsiga.

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip