Maamulka Gobolka oo Muqdisho ku soo dhaweeyey Ciyaartoyda ee Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Australia.+Sawirro

0
Wednesday December 05, 2018 - 23:59:25 in Wararka by Mogadishu Times
  • Visits: 34
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maamulka Gobolka oo Muqdisho ku soo dhaweeyey Ciyaartoyda ee Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Australia.+Sawirro

    Muqdisho-Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) oo weheliso Wasiirka Dhalinyarada iyo Cayaaraha Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa maanta magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyey kooxda kubadda ca

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho-Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) oo weheliso Wasiirka Dhalinyarada iyo Cayaaraha Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa maanta magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyey kooxda kubadda cagta oo ka socotay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee waddanka Australia.

Duqa Muqdisho ayaa horey ugu martiqaaday Muqdisho kooxdan, iyagoo la ciyaari doona qaar kamid ah kooxaha kubadda cagta ee ka dhisan Caasimadda dalka, Shacabka Caasimadda ayuuna ugu baaqay in ay soo dhaweeyaan dhalinyaradan Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa tilmaamay in Ciyaaraha ka sakow ay kooxdani ku jiraan samafalayaal caafimaad oo bulshada kuwooda nugul gargaar Caafimaad bilaash ah u fidin doona, waxuna uga mahadceliyey dadaalkooda.

"Waxay halkan u yimaadeen inay arkaan dalkooda kuna soo bandhigaan xirfadahooda dhinaca kubadda cagta, waana tallaabo aan boggaadinayno , waxaana qeyb ka ah samafalayaal Caafimaad oo mudada ay joogaan magaalada Muqdisho ka fulin doona gargaar Caafimaad”.

Munaasabad soo dhaweyn ah oo Muqdisho loogu sameeyey Ciyaartoyda ayaa waxaa ka qeyb galay Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed S/G Bashiir Maxamed jaamac, Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha Bulshada Maamulka Gobolka Banaadir Marwo Basmo Caamir Axmed iyo Marti sharaf kale.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip