Baarlamaanka oo ansixiyay xeerka xuquuqda Siyaasiyiinta dowladda

0
Wednesday December 05, 2018 - 23:50:59 in Wararka by
  • Visits: 327
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Baarlamaanka oo ansixiyay xeerka xuquuqda Siyaasiyiinta dowladda

    Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ayaa goor dhow ansixiyay Hindise sharciyeedka xuquuqda Siyaasiyiinta dowladda oo muddooyinkii u dambeeyay ay ka doodayeen Xildhibaanada.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ayaa goor dhow ansixiyay Hindise sharciyeedka xuquuqda Siyaasiyiinta dowladda oo muddooyinkii u dambeeyay ay ka doodayeen Xildhibaanada.

Kulanka Xildhibaanada oo ay soo xaadireen 170 Mudane ayaa waxaa shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan.

Guddoomiyaha oo shirka furay ayaa ka dalbaday Guddoomiyaha Guddiga Xeer Hoosaadka Maxamuud Macalin Yaxye inuu akhriyo sharciga, si loo meel mariyo.

Intaas kaddib Guddoomiyaha Guddiga Xeer Hoosaadka ayaa akhriyay xeerka xuquuqda siyaasiyiinta dowladda, waxaana uu ka codsaday Xildhibaanada in la meel mariyo, isagoo tilmaamay in talooyinkii ay tilmaameen Xildhibaanada lagu soo daray

Guddoomiye Maxamed Mursal ayaa ku dhawaaqay natiijada codka ay u qaadeen Xildhibaanada Xeerka Xuquuqda Siyaasiyiinta Dowladda, waxaana xeerkaas cod gacan taag haa ugu codeysay 167 Xildhibaan, halka 1 Xildhibaan uu diiday, 2 Xildhibaan ka aamustay.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha ayaa soo xiray fadhiga, iyadoo kulankan uu ahaa mid saacad qaatay, iyadoo Xildhibaanada ay saacado fadhiyeen xarunta Golaha Shacabka.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip