Dhacdo Naadir Ah: Haweeney Ku Dhalatay Ilmo-Galeen La'aan Oo Ubad Ku Dhashay Min Laga Soo Saaray Haweeney Horey U Geeriyootay
Dhakhaatiirta waxay guusha ilmaha ku dhashay qaabkaasi ku soo bandhigeen Wargeyska ka faallooda Arrimaha Caafimaadka ee The Lancet.
Dhakhaatiirta ka hawlgala Isbitaalka lagu magacaabo Das Clinicas ee Jaamacadda "the University of Sao Paulo” ayaa fuliyey Hawlgalkaasi, iyagoo sheegay in ay Haweeney geeriyootay bishii September ee sannadkii 2016-kii ay ku yaboohay Miinka lagu tallaalay Ilmo-galeenka Haweeneyda dhashay ilmaha ugu horreeyey ee ku dhashay Qaabkaasi.
Dhakhaatiirta waxay sheegeen in Haweeneyda ku deeqday Ilmo-galeenka oo 45-jir ah ay u geeriyootay Cuddurka Qalalka (Stroke), waxayna horey deeq ahaan dad kale u hibeysay Wadnaheeda iyo Kelyaheeda.
Gabadha yar ee ku dhalatay Qaabka cusub ee Ilmo-galeenka lagu tallaalay waxaa dhalatay 35 isbuuc iyo 3 maalmood kadib, markii Hooyadeeda uurka qaatay, waxaana gabadha yar dhererkeeda lagu sheegay 45 cm, oo ah celcelis ahaanta ay ilmaha yar ku dhashaan.
Si kastaba ha ahaatee, Bacrimintii ugu horreysay oo uu ku deeqo qof nool ayaa waxa uu ka dhacay dalka Sacuudiga sannadkii 2000, balse ma jirin ilmo ku dhashay qaabkaasi tan iyo sannadkii 2002-dii oo laga fuliyey dalka Sweden.
8 carruur ah ayaa waxay ku dhashay dalka Sweden, kuwaasi oo qeyb ka ah 9 hawlgal oo min loogu tallaalay Haween ilmo-doon ahaa,
Hawlgalka kale oo ay ku dhasheen 3 carruur ayaa la sheegay in laga fuliyey dalalka Maraykanka iyo Serbiya.
Dhacdo Naadir Ah: Haweeney Ku Dhalatay Ilmo-Galeen La'aan Oo Ubad Ku Dhashay Min Laga Soo Saaray Haweeney Horey U Geeriyootay
Dhakhaatiir ku sugan dalka Brazil ayaa sheegay inay ku guuleysteen Tijaabadii ugu horreysay ee uu ku dhasho ilmo lagu beeray Min lagu tallaalay Makaanka Ilmo-galeenka ee Hooyadiisa. Hooyo 32 jir oo ilmo-galeen la'aan ku dhalatay ayaa la sheeg