Khilaaf soo kala dhex galay Xildhibaanada iyo Gudoonka Baarlamaanka Jubbaland.

0
Wednesday December 05, 2018 - 22:14:34 in Wararka by
  • Visits: 281
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Khilaaf soo kala dhex galay Xildhibaanada iyo Gudoonka Baarlamaanka Jubbaland.

    Wararka naga soo gaaraya Magaalada Kismaayo Ee Xarunta Gobolka jubba Hoose ayaa ku soo waramaya in uu jira khilaaf sii xogeysanaya oo u dhaxeeyo qaar kamid ah Xildhibaanada Maamulka jubbaland kuwaasi oo ka gadoodsan labo sharci oo kala ah xaduuda ah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Kismaayo Ee Xarunta Gobolka jubba Hoose ayaa ku soo waramaya in uu jira khilaaf sii xogeysanaya oo u dhaxeeyo qaar kamid ah Xildhibaanada Maamulka jubbaland kuwaasi oo ka gadoodsan labo sharci oo kala ah xaduuda ah iyo dhismaha guddiga doorashada Jubbaland oo maalintii shalay xildhibaanada Maamulkaas Markii golaha la horgeeye ay ku kala qeybsameen.

Xildhibaanada kasoo horjeeda arimahaas ayaa waxaa lagu sheegay tiradooda in ay yihiin ilaa 30 xildhibaan oo jubbaland ka tirsan.

Qaar kamid ah xildhibaanada oo si hoose ula hadlay Warbaahinta Kulmiye ayaa waxaa ay sheegay in ay cabsi ka qabaan in la soo weeraro,waxaana ay tilmaameen in ay isaga baxeen hotelo qaar ah oo ay ka daganayeen magaalada Kismaayo Ee jubba Hoose iyagoona intaasi sii raaciyey in loo caga jugleeye.



Sidoo kale xildhibaanada waxaa ay sheegayaan in baarlamanka jubbaland uu u afduuban yahay  Madaxweynaha Maamulkaas Axmed Maxamed islam Axmed (Madoobe) iyo Guddomiyaha baarlamanka oo ay tilmaameen in iyaga waxa aysan rabi uusan baalamanka ka hadli Karin.

Maxamed Daa’uud Cumar waa xildhibaan ka tirsan baarlamanka Jubbaland oo Wareysi uu siiyay idaacada Kulmiye Ee Magaalada Muqdisho dhinaca kale waxaa uu tilmaamay in sidoo kale arimaha khilaafka ka jira uu qeyb ka yahay qodob dastuura ah oo uu sheegay in la doonayo in labadalo.

Dhinaca kale wararka aan ka heleeno Degmooyin ay kamid tahay Baardheere ee Gobolka Gado ayaa waxaa ay tilmaamayaan in Maamulka jubbaland uu bandow ku soo rogay dagmooyin ka tirsan gobolkaas,oo la sheegay in laga qorsheenaye Go’aan ka dhan Maamulka jubbaland.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip