Madaxweynaha Eritrea Oo Dhawaan Booqan Doona Dalka Jabuuti

0
Wednesday December 05, 2018 - 22:03:10 in Wararka by
  • Visits: 266
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Eritrea Oo Dhawaan Booqan Doona Dalka Jabuuti

    Madaxwaynaha Dawladda Eritrea ayaa dhawaan booqan doona dalka Jabuuti, si loo dhamaystiro heshiis nabadeed oo ay labada dal ka gaaraan colaad sanado jirtay oo u dhaxaysay. Wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti Mudane Maxamuud Cali Yuusuf ayaa waraysi uu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxwaynaha Dawladda Eritrea ayaa dhawaan booqan doona dalka Jabuuti, si loo dhamaystiro heshiis nabadeed oo ay labada dal ka gaaraan colaad sanado jirtay oo u dhaxaysay. Wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti Mudane Maxamuud Cali Yuusuf ayaa waraysi uu siiyey wakaaladda wararka ee Anadol ku sheegay in madaxwayne Isiyas Afawarki uu dhawaan booqan doono Jabuuti, ka dib markii dawladdiisu aqbashay dalabka socdaalkiisa.

 
Afawarki ayaa waxa uu la kulmi doonaa dhiggiisa Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, waxaana ay ka wada hadli doonaan siddii loo soo afjari lahaa colaadda labada dal, looguna wada noolaan lahaa deris wanaag iyo nabadgalyo.
Wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti ayaa waxa uu ififaalo wanaagsan ka muujiyey wadaxaajoodka u socda Eritrea iyo Jabuuti, kaas oo mustaqbal wanaagsan u horseedi kara gobolka geeska Afrika.

Madaxwayneyaasha Jabuuti iyo Eritea ayaa bishii September ee la soo dhaafay ku kulmay magaalada Jiddah ee dalka Sucuudiga, kulankaas oo ahaa kii ugu horeeyey oo labada hoggaamiye yeeshaan wixii ka dambeeyey markii ay labada dawladood ku dagaalameen jasiiradda Dumera oo dal walba uu sheeganayo.

Sonna.so

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip