Boqorka Sacuudiga oo ku martiqaaday Amiirka dalka Qatar Shirka Golaha Iskaashiga Khaliijka

0
Wednesday December 05, 2018 - 20:40:10 in Wararka by
  • Visits: 334
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Boqorka Sacuudiga oo ku martiqaaday Amiirka dalka Qatar Shirka Golaha Iskaashiga Khaliijka

    Boqorka Sacuudi Carabiya Salmaan Bin Cabdulcasiis ayaa martiqaad u diray Amiirka dalka Qatar Sheikh Tamim Bin Hamad Al Thani, si uu uga soo qeyb galo shirka Golaha Iskaashiga Khaliijka ee ka dhici doona magaalada Riyadh 9-ka bisha December.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Boqorka Sacuudi Carabiya Salmaan Bin Cabdulcasiis ayaa martiqaad u diray Amiirka dalka Qatar Sheikh Tamim Bin Hamad Al Thani, si uu uga soo qeyb galo shirka Golaha Iskaashiga Khaliijka ee ka dhici doona magaalada Riyadh 9-ka bisha December.

Sida ay shaacisay Wakaalada Wararka ee Qatar Amiirka dalka Qatar ayaa helay martiqaad uga yimid Boqorka Sacuudiga, balse ma sheegin inuu Amiirka ka qeyb galayo iyo in kale.

Dowladda Qatar ayaa weli shaacin heerka ay shirkaas uga qeyb geli doonto, iyadoo inta badan shirka Golaha Iskaashiga Khaliijka ee sanadlaha uu sanado ka hor ahaa mid ay ka qeyb geli jireen dhammaan madaxda dalalka Khaliijka

Martiqaadkan ayaa ku soo aaday, iyadoo Qatar ku dhawaaqday inay isaga baxday Ururka dalalka dhoofiya Saliida ee OPEC.

Shirkii sanadkii hore ee Golaha Iskaashiga Khaliijka ku yeesheen dalka Kuwait ayaa dalalka Sacuudiga, Imaaraadka Carabta iyo Baxreyn ay u direen Wasiiro iyo Ra’iisul Wasaare kuxigeeno, bedelkii la filayay in madaxdooda ay tagayaan

Isbaheysiga Sacuudiga hoggaamiyo ayaa xiriirka u jaray dalka Qatar, iyadoo ku soo rogay xayiraado hawada, badda iyo dhulka ah, kaddib markii ay ku eedeeyeen inay taageerto Argagixisada, inkastoo Qatar ay iska fogeysay eedeymahaas.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip