War waaye iyo Wabi kaa bareeyo!!!.

1
Monday December 03, 2018 - 23:44:46 in Wararka by
  • Visits: 874
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War waaye iyo Wabi kaa bareeyo!!!.

    Sheekadu shalay waa ka horeysay, Culumo iyo Ciidanba Duqii hore waa lala qorsheeyay Boqor: Rastafari oo loo yaqiin Haile Selassie ( F.S: 1, 2 & 3aad) ilaa yaraantiisii xeyle salaase ( F.S: 4 & 5aad) waxa uu ku dadaalayay in uu dhiso Ciidan Ba

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sheekadu shalay waa ka horeysay, Culumo iyo Ciidanba Duqii hore waa lala qorsheeyay Boqor: Rastafari oo loo yaqiin Haile Selassie ( F.S: 1, 2 & 3aad) ilaa yaraantiisii xeyle salaase ( F.S: 4 & 5aad) waxa uu ku dadaalayay in uu dhiso Ciidan Badeed, cadawga ugu weyn ee uu dareemayay in uu mustaqbalka wax yeeli karo waxa uu ahaa Somalia. Ilaa xad waa ku guuleystay in uu dhiso Ciidan Badeed isaga oo la kaashanayo waddamo gaar ah ( F.S: 6-13aad)
Markii Eretereya ka xuroowday Ethiopia 1993, Ciidankii Badda waa la kala diray. Waxaa u haray 11 Markab oo ah kuwa Ganacsiga ee hoos taga hayadda," Ethiopian Shipping & Logistic Service Enterprise” oo marka la soo gaabiyo loo yaqaan ( ESLSE) iyo "Civilian Maritime Institute- CMI ” oo sannadkiiba ey 500 Arday oo shibil ahi ey ka qalin jabiso. Hadda waxaa loo qorsheeyay in 1000 Sarkaal baddeed Sannadkiiba ey ka soo qalin jabiso ( waxaa la yiri: Tababarka Birriga kuma qaadan karaan ee Bad ha loo helo.

Maxaa ku khasbaya Itobiya oo aan Bad leheyn in ey dhisto Ciidan Badeed?. Taa waxaa ka jawaabay, Birhanemeskel Abebe oo ahaa Diplomasi Ethiopian ah oo yiri: Waxa nagu khasbayo in aan qorsheeyno Ciidan Badeed waa "Strategic & Geo- political Security” . Hadda waxa la soo nooleynayaa maraakiib uu ka mid yahay Markabkii lagu magacaabi jiray F.597 ee loogu magac daray halyeeygoodii Zerai Deres( F.S: 14 &15)

Hadda bishii November 2018 ayaa Barlamaanka Itobiya ansixiyay Dib u xoojinta Ciidanka Badda Ethiopia, Annag baarlamaaneenu muxuu iska yiri arrintaa??. (Adigaan ku weeydiiyay, Annigu weli war kama maqal).

Qoraala badan oo Talyaanigu qoray ayaa muujinaya in Bilawgii qarnigii 20aad ( 100 sanno) ka hor in Sir doonka Itobiya ey Dad Somaliya ku dileen Magaalada Marko, ( haddana Marko waa u soo socdaan ayaa la leeyahay, ma hubo, taa odayaashii Reer Marka caruurtii ka farcantay ayaa ka jawaabayo ( F.S: 16aad).



Duulaankii hore ee Itoobiyaanku ey rabeen in ey ku qabsadaan Xeebaha Somaliya waxaa jabiyay Qabiilka Moobleen sida taariikhda ku cad (F.S: 17aad). Ciidanka Alle ma yaro ee cid kale Alla ha u bixiyo.

Ar aaween saraakiishii Ciidanka Badda sida, Admiraal: Maxamed Cumar Cusman iyo Macallimkeygii Jaamacadda, Admiral: Farax Axmed Cumar "Farax Qare” iyo kuwa kale oo badan ( F.S: 18 &19aad).

waxaan leheyn Maraakiib Gantaalo ku xiran yihiin iyo Ciidan badeed, Itobiyana weligeed intii aan dagaalameynay ma haweeysan in ey dhinaca Badda naga soo weerarto, xataa Ciidankeena Baddu markii ey Hubsadeen Difaaca Badda waxa ey ka dagaalami jireen birriga. ( F.S: 20-23aad).

Deegaankii aan ku soo koray Wabigu waxa uu ka xigay Galbeed, Qofkii naga soo tago ee wabiga dhinaca kale ka maro waxa uu dhihi jiray "war waaye wabi kaa bareeyo” Hadda war waaye Amxaaro Barri kaaga soo duuli karta!!!.

Talo keen, Adiga oo og khatarta qoraalkaan.

Qore: Yahya Amir


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip