Macalinka Liverpool Klopp Oo Ganaax garka loo gelin doono

0
Monday December 03, 2018 - 10:44:25 in Wararka by
  • Visits: 731
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Macalinka Liverpool Klopp Oo Ganaax garka loo gelin doono

    kooxda Liverpool ayaa daqiiqadii ugu dambeesay ciyaarta guul dirqi ah ka gaartay ciyaartii Derby Mersyside oo ay la ciyaareen kooxda Everton. Xiliga dhimashada ayay Liverpool u suurta gashay in ay helaan goolkooda guusha waxaana u dhaliyaya xidiga

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

kooxda Liverpool ayaa daqiiqadii ugu dambeesay ciyaarta guul dirqi ah ka gaartay ciyaartii Derby Mersyside oo ay la ciyaareen kooxda Everton. Xiliga dhimashada ayay Liverpool u suurta gashay in ay helaan goolkooda guusha waxaana u dhaliyaya xidiga reer Belgium ee David Origi.

Macalin Jurgen Klopp ayaa dabaal dag waali ah soo bandhiga kadib goolkii ay kooxdiisa heshay daqiiqadii 95-aad waxa uuna si caro leh ugu hor dabaal dagay macalinka kooxda Everton Marko Silva.

Kadib marki ay ciyaarta soo idlaatay ayuu raali gelin ka bixiye Klopp waloow aysan FA-ga ayan raalin gelintaas ku qanci soonin.

” Ma dooneynin in aan ku hor ordo qorsha heygana kuma jirin midaas, balse daqiiqadii ugu dambeesay ayaa dhacay wax muhiim ii ah sidaas ayayna ku dhacday” ayuu yiri Klopp.

Asigoo hadalkiisa sii wato ayuu raaciyay ” waan raali gelinayaa Marko Silva, waan ixtiraamaya shaqadiisa iyo sida wacan ee uu ciyaaro kubadda, balse wax aan ugu tala galay ma ahayn waxa dhacay aad ayan ugu xumay iga raali noqo Silva” ayuu saxaada u sheegay macalinka Liverpool.

Klopp ayaa haatan ah ganaax suge inkistoo aan la ogeen waxa ay xiriirka ingriiska ee FA-ga ay Ku Dhaqaaqi doonaan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip