inta aadan Goballada u safrin Baro Luqada Isbara jooga, haddii kale=Nasashada Jimcadda. Q-124aad=

0
Friday November 30, 2018 - 21:54:12 in Wararka by
  • Visits: 879
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    inta aadan Goballada u safrin Baro Luqada Isbara jooga, haddii kale=Nasashada Jimcadda. Q-124aad=

    1-Nin doqon ah ayaa saaxiibkii ku yiri: Hurdadii ayaa ii goysay, Saaxiibkii ayaa ku yiri: Sariirta markii aad tagto tiri, tirada 1-600 adigoo niyeysanayo in aad Lacag tirinee, markii uu marayo 120 ayaa hurdo qabatay, wajiga ayuu soo dhaqday isaga oo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

1-Nin doqon ah ayaa saaxiibkii ku yiri: Hurdadii ayaa ii goysay, Saaxiibkii ayaa ku yiri: Sariirta markii aad tagto tiri, tirada 1-600 adigoo niyeysanayo in aad Lacag tirinee, markii uu marayo 120 ayaa hurdo qabatay, wajiga ayuu soo dhaqday isaga oo leh, Hurdo raqiis ah miyaan dalbaday. Hurdo markii ayaa ugu dambeysay. ( F.S: 1aad)

( Koo dibadda loogu soo sheegay Soomaaliya $10.000 ayaa la taliye lagu qaataa, ayaa diiday Xirfadiisii oo $3000 lagu siinayo. Weli saaxiibkey waa shaqa la’aan)

2- Casho ayaa waxaa soo wacay saaxiibkeed Cabdi. Waxa eyna ku tiri: maanta kuuma imaan karo oo Dhakhtarkii ayaan ballan la leeyahay. Cabdi ayaa ku yiri: u gooy dhakhtarka, Nooh maxaa ka macnaa, waxaadna ku tiraa, Maanta waan xanuunsanayaa. Caasho waa u gooysay dhakhtarkii daaweyn lahaa, maalintii xigtay ayey Isbitaalka tagtay, Gabdhii kalkaalisada aheyd ayaa ku tiri: Maanta dhakhtarkii waa fasax mana joogyo. Caasho ayaa ku tiri: Hadduu maqan yahay Bangiga dhiiga iga sii dhalo dhiig ah. Kalkaalisadii ayaa ku tiri: Nuucee?. Caasho ayaa tiri: Nuucuu doono ha noqdo. Waxaan rabaa in aan warqad jaceyl ah ugu qoro saaxiibkeey.

(Caasho danteeda ma aragto ee Jaceylka Cabdi ayaa u muuqda, Jaceylka Siyaasadduna waa sidaa, iska jir ).

3-0day Mareykanka ka yimid ayaa isbaaro Lafoole tiil ku dhacay, markii la baaray ayaa lugtiisa qow qow ka yeertay, waxa uu yiri : Laba Lugood oo caag ah ayaa iigu jirta, Lugihii ayaa laga furay, waxaa lagu yiri: Lugaha jiista lagu xiro waan arki jirnay kuwaan oo kale oo sidan u qurxan, weli lama arag, mid ayaa yiri: Aabaheey ayaan u geynayaa labadan lugood, si uu iigu duceeyo.



Hadana Waxaa la arkay in Gacan caag ah ey ugu jirto, waxaa la yiri: Tanna taliye Gacamey ayaa la siinayaa, kaba daran ilkaha oo dhan waa falso. kuwana Afloow ayaa la siinayaa. Waxaa la yiri: waa maxaay duqaan wada Spare part-ga ah, Iska bax Ayaa la yiri, waa diiday waxa uu yiri: Qalabkaan Mareykanka ha suko kama helayo, mana socon karo la’aantii , mana baxayo.

Mid ayaa yiri: Mareykan aa!! War duqa dila, anigaa garanayo Qalabkan waa kii Dayaaradaha Drone-ka lagu hago.

Alla ha u naxariisto, qabrigiisa waaxaa loo yaqaan Qabrigii Xaaji Spare part.

( intaadan Goballada u safrin Baro Luqada Isbara jooga, haddii kale)

4-Nin marqaan ah ayaa dharkiisii Musqusha ku soo hilmaamay, wuxuu soo dhax maray Haween Barxadda Guriga fadhiyay. kadibna Saaxiibadiisii uu la qayilayay ayuu ugu tagay qolkii qayilaada waxay ku yiraahdeen: War aaway dharkaagii. intuu noqday asaga oo weli qaawan ayuu haweenkii mar kale sii dhax maray kuna yiri: iga raali ahaada markii hore waxaan idin soo dhaxmaray aniga oo qaawan.

(Nin siyaasi ah ayaa Maalin ku fashilmay war bixin laga sugayay, Maalintii kale ayuu yiri: waxaan idinka raali galinaa warbixintii, warbixintana anigaa miisaamayo kaligeey, maxaa xigay?). ( F.S: 2aad)

5-Nin reer Miyi ah ayaa Xaaskiisii ku yiri: Walaaley Habeenka Jimcaha oo kaliya aan kulano, waxaa lagu jiraa waqti Jilaal ah.

Muddo kadib ayaa Roob da’ay markaa ayuu Islaantii la kulmay habeeno is xig xiga. Maalin kadib ayaa Naagtii ey tagatay meel Haween kale ey ku duceysanayaan. Waxa la yiri: Jimcuhu waa goormee?. Islaantii oo is hilmaantay ayaa tiri: war habeenadaan oo dhanba Jimco ayey aheyd. ( F.S: 3aad)

( koo mushaarku ka soo daahi jiray dhowr bilood ayaa loo soo bedelay Xafiiska Adeerkii madax ka yahay. Kii uu Hotelkiisa degenaa ayaa yiri: Ma la soctaa in Bishu dhamaad tahay, kirada iska diyaari. waxa uu yiri: kkkkkkk taa laga reeysay, xafiiska Adeerkeey mushaarku waa maalinle)

6- Naag ayaa iyada oo Radio dhageysaee. Haween kale weydiiyeen heblaay Ninkaagii Naag kale ayuu guursaday haddii lagu yiraa, maxaad sameyn laheyd?.

Iyada oo is leh yaan Maseeyr lagaa dareemin ayey tiri: Waxaas kama naxo, sida adinka oo kale, Maan Raadiyaheyga Naaska siisto, cunugeygana dhageyso. ( F.S: 4, 5aad)

( gudoomiyihii oo is leh yaan xanaaq lagaa fahmin, ayaa ………..)

Qore: Yahya Amir



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip