Johorad Soomaaliya Ka dhuntay!!!!!.

0
Friday November 30, 2018 - 21:34:44 in Wararka by
  • Visits: 982
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Johorad Soomaaliya Ka dhuntay!!!!!.

    Culumada Geology-ga iyo Taariikhda qaarkood waa na wareeriyeen, hadda markey qalab Cusub heleen ayey yiraahdeen: wixii hore been. Oday la yiraa Jarles Darwin oo dadka qaar ey Ku sheegaan Caalim ayaa hadda Ka hor yiri: Dadku waxa ey Ka yimideen Daany

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Culumada Geology-ga iyo Taariikhda qaarkood waa na wareeriyeen, hadda markey qalab Cusub heleen ayey yiraahdeen: wixii hore been. Oday la yiraa Jarles Darwin oo dadka qaar ey Ku sheegaan Caalim ayaa hadda Ka hor yiri: Dadku waxa ey Ka yimideen Daanyeer asal ahaan, welina Afrikaanku isbedel ayuu Ku jiraa. (F.S: 1aad) Been koow.


Lafa yiil Museum London Ku yiil oo loo daliishan jirayna mar dambe ayaa la yiri: waa lafa dad iyo kuwa Daanyeer oo la isku keen keenay , waana la beeniyay.

Aragtidiisa laguma soo koobin Dad Daanyeer Ka yeel oo kaliya ” Theory of Evolution” .waxaaba loo isticmaala Siyaasada. Hadda Ka hor ayaa Jaamcad yurub Ku taal waxa ey heshay Mashruuc Cilmi baaris la xiriirta Siyaasada ( Darwin theory of politics)oo 4 qof oo 4 qaaradood Ka socota loo xulay.

Doodii ugu horeeysay ee hor dhaca aheyd ayaan ku iri: war anigu Siyaasi ma ihi Laakin waan Ka qeyb qaadanayaa Cilmi baaristaan, ee waxaan idin weydiiyay Darwinku soow ma ahan kii yiri: Dadku Daanyeer ayeey Ka yimaadeen ?. waxaan sii raaciyay Sabatu waa Isaga ayaaba u eg Daanyeer cad. ( F.S:2aad). Laba bil kadib markii aan bilaabi lahaa shaqadii waxaa la ii soo Qoray qoraal ah Cilmi baaristii Siyaasada waa la joojiyay. ma ogi in la wada joojiyay iyo in aniga kaliya la iga joojiyay oo laga xanaaqay adeerkiin asaaba Daanyeer cad u eg.

Culumadii Geology-ga ayaa hadana war Cusub keentay, hore waxa ey u dhihi jireen Beni aadamka asalkiisu waxa uu Ka yimid yurub iyo Asiya, waxa ey yiraahdeen hadda qalab Cusub oo wax lagu baaro ayaan helnay, Dadku asal ahaan intaan dhulka baduhu soo Kala dhaxgalin ( F.S: 3,4 & 5aad) ayuu Afrika Ku noolaa, Beni aadamkii ugu horeeyayna East Afrika, Rift valley, Kenya ayaa buunbuunisya Dalxiis badan ayaa halkaa tagay, dhaqaale ayeey Ka heshay goobtaa ( Anigaaba qaar u raacay) ,haddana Ethiopian ayaa la yiri koofurteeda ayaa asal ah ( F.S: 6aad) Dalxiis yaal ayaa Ku qulqulay. Haddana waxaa la sheegayaa in Beni aadamkii ugu horeeyay uu Somalia Ku noolaa. Yaa noo iibgeeynayaa fekerkaa.

Culumada Taariikhda ee u Abtirisa luqadaha ayaa yiri: Luqadii uu Ku hadli jiray ( Nabi Aadam CS) hadda Laguma hadlo, Laakin kalmadaha ugu badan ee Ka haray waxaa laga Heli karaa luqada Somaliga.

Qasriga Aqsar ee Ku yaal Masar oo ey degeneed Boqoradii Faraacinada ee Xasabshuud, darbiga waxaa Ku qoran kalmado badan oo Af Somali ah sida la xaqiijiyay.

Waxaa kale oo la yiraa Muqadishu waxaa Ku aasan 7 saxaabi. Waxaa kale oo aad arki kartaa Mogadishu Qabri lagu aasay haweeney dhimatay 40 Sanno kadib markii Diinta Islaamu soo baxay, waxa eyna aheyd muslimad.

Waddamada Masar, Shiino iyo Greek ayaa Ku faanaya kumanyaal sanno Ka hor ayaan Boqortooyooyinkii somaliya ganacsi la leheeyn.

Somaaliyeey Shalay iyo Daraad ayaanba hilmaanay ee 1000 yaal sanno Ka hor ma Ku faani karnaa, haddii ummadaha qaar ey taariikhdaan oo kale lahaan lahaayeen waa Ku faani lahaayeen, kuwaaba taariikh been ah Ku faanaya.

Somaliya Taariikh Johorad ah ayaa Ka dhumay, iyada ayaanba ogeeyn ama aanba aamineyn waxa Ka maqan iyo sida loo keeydsado oo dhaqaale looga abuuro.

FG: arragtidaa xur ayaad u tahay, wixii Ka khaldan Ka Sax wixii Ka dhimana Ku dar.

Qore: Yahya Amir




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip