Manchester United oo Diyaar u ah in ay Chelsea iyo Liverpool Ka dulqaado Xidig

0
Thursday November 29, 2018 - 22:34:26 in Wararka by
  • Visits: 653
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Manchester United oo Diyaar u ah in ay Chelsea iyo Liverpool Ka dulqaado Xidig

    Manchester United ayaa ku soo biirtay loolanka adag ee loogu jiro helista kubad qaabeeyaha kooxda Dortmund garabka weerarka kaga ciyaaro eeChristian Pulisic. Da' yarkaan tayada wanaagsan ayaa xilli hore waxa uu sheegay in uu doonaayo ka ciyaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Manchester United ayaa ku soo biirtay loolanka adag ee loogu jiro helista kubad qaabeeyaha kooxda Dortmund garabka weerarka kaga ciyaaro eeChristian Pulisic. Da' yarkaan tayada wanaagsan ayaa xilli hore waxa uu sheegay in uu doonaayo ka ciyaarista horyaalka Egland taasoo dhalisay in ay dagaal adag u galaan kooxaha ugu tunka weyn horyaalka Epl-ka.

"Horyaalka Egland waa kan uu ku hamiyo da’ yar kasta oo kubadda ciyaara waana rajeynayaa in aan mar uun ka ciyaaro, waa horyaal wax badan ay ka faa’iidaan ciyaartooyda tayada leh” Ayuu u sheegay Pulisic mar uu u waramaaye wargeeska Germany ka soo baxa ee bild.

Chelsea ayaa si adag loola xiriirinaaye taas oo horay loo sheegay in ay diyaar la tahay £70 Million oo ay ku qiimeeso kooxdaBorussia Dortmund wiilka u dhashay USA.

Liverpool Iyo Klopp ayaa aaminsan in ay heli karaan laacibkaan iyagoo ka faa’iideesanaayo cilaaqaadka wanaagsan ee ka dhaxeeya Dortmund iyo macalin Klopp kaas oo horay u soo maamulay kooxda ka ciyaarta Bundusliga.

Sida uu saakay daabacay wargeeska Bild kooxda uu hogaamiyo Jose Mourinho ayaa haatan ku soo biirtay helista ciyaariyahan Pulisic kasoo la aamin san yahay in uu ka dhaqaaqi doono kooxda BVB.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip