Iniesta oo eedeyn kulul u jeediyay Mourinho

0
Tuesday November 27, 2018 - 23:57:00 in Wararka by
  • Visits: 624
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Iniesta oo eedeyn kulul u jeediyay Mourinho

    Halyeeygii kooxda Barcelona ee Andres Iniesta ayaa ku eedeeyay macalinka Manchester United ee Jose Mourinho inuu naceyb ku dhex beerray kullankii El Classico xilligii uu ku sugnaa kooxda Real Madrid. Mourinho ayaa ka arriminayay caasimadda Spain int

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Halyeeygii kooxda Barcelona ee Andres Iniesta ayaa ku eedeeyay macalinka Manchester United ee Jose Mourinho inuu naceyb ku dhex beerray kullankii El Classico xilligii uu ku sugnaa kooxda Real Madrid. Mourinho ayaa ka arriminayay caasimadda Spain intii u dhexeysay 2010 illaa 2013, isagoona kula guuleystay La Liga xilli ciyaareedkiisii labaad ee xukunkiisa.

Waxaa kooxdiisa mar walba hor taagnaa kooxda Barca, waxaana macallinka Portuguese-ka ah uu la yimid xirfado cajiib leh oo ku dhisan dagaal iyo hardan aad u adag.

Waxa uu noqday mid si aad ah ula loollama macallinkii xilligaas ee Pep Guardiola, waxaana uu aloosay dagaal ka dhan ah ciyaartoyda United.

Waxaa si aad ah loo xasuustaa inay isku dhaceen isla markaasna uu fal aan wanaagsanayn kula kacay caawiyihii Guardiola xilligaas ee Tito Vilanova oo hadda geeriyooda, ka dib markii Marcelo uu jillaafo arxan darran ah ku sameeyay Cesc Fabregas intii ay socotay ciyaartii Final-ka Super Cup-ka Spain ee 2011, iyadoo Mourinho uu isha farta ka geliyay Vilanova.



Iniesta ayaana aaminsan in macallinka hadda United hooggaamiya uu mar walba ahaa mid diilintiisa soo dhaafa si uu qalalaaso u abuuro.

Mar uu kubbad sameeyaha reer Spain ka hadlayay xifaaltankii xad ka baxa ahaa ee El Classico ayaa waxa uu La Sexta u sheegay: "Ma ahan inaad noqoto Barcelona ama Real Madrid si aad u ogaato in xaaladdaasi ay ahayd mid aan wanaagsanayn”.

"Kullanka Barca-Madrid waxa uu Mourinho kusoo kordhiyay dhibaato, taasoo wax yeelleysay qaranka Spain iyo ciyaartoyda ka wada tirsan” ayuu yiri xiddigga hadda ka tirsan Vissel Kobe.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip