Manchester United oo qorshaheeda soo qaadashada Marko Arnautovic wax ka beddeshay
Kooxda kubadda cagta ee Manchester United waxa ay aheyd koox aad u xiiseyneysay saxiixa ciyaaryahanka West Ham United u ciyaarra ee Marko Arnautovic, balse wararka ka imaanaya gudaha Ingiriiska waxa ay sheegayaan in aysan January u dhaqaaqi doonin.
Macallin Jose Mourinho ayaa si aad ah u bartilmaameedsanaya 29-jirkan, waxaana uu doonayaa inuu ku xoojiyo safkiisa weerarka, ka dib bandhig hoose oo ay ku billaawdeen weeraryahannadiisa.
Laacibka reer Austria ayaa noqday mid hormuud u ah kooxda ka dhisan caasimadda England ee London tan iyo markii uu kasoo dhaqaaqay Stoke City xagaagii 2017.
Hase ahaatee Hammers oo ka warqabta xiisaha loo qabo ciyaaryahankeeda ayaa horraan iskaga diidday laba dalab oo ku qotomay xiddigeeda, inkastoo wakiilka laacibkan oo ah walaalka la dhashay uu doonayo inuu Arnautovic uu ku biirriyo kooxo waaweyn si uu tallaabo horumareed u qaado.
Waxaa hadda lagu soo warramayaa in kooxda Red Devils ay dooneyso inay laacibkan kor ka wiideystaan illaa xagaaga, isla markaasna bisha Janaury aysan u dhaqaaqi doonin.
onaya oo uu bartilmaameed u yahay kooxo kale oo ka dhisan gudaha England, waxaana ka mid ah kooxda Chelsea.