Xusuus qorka dhakhtarka qaliin: Chris Giannou oo joogay Soomaaliya 1992

0
Friday January 15, 2016 - 17:34:02 in Maqaallo by
  • Visits: 1246
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xusuus qorka dhakhtarka qaliin: Chris Giannou oo joogay Soomaaliya 1992

    Gaari yar ayaa ku saaldaynaya wado wasaqeysan oo aadaysa dibadda magaalada. Labada dhinac wadada waxaa ku safan burjikada dhuxusha iyo bacaad. Badda waxaa laga arki karaa bacaadka dushiisa. Kursiga dambe ee gaari ayaan ku qaadeynaa nin da'yar oo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gaari yar ayaa ku saaldaynaya wado wasaqeysan oo aadaysa dibadda magaalada. Labada dhinac wadada waxaa ku safan burjikada dhuxusha iyo bacaad. Badda waxaa laga arki karaa bacaadka dushiisa. Kursiga dambe ee gaari ayaan ku qaadeynaa nin da'yar oo xanuun daran haya.

Dhiig farabadan ayaa buuxinaya cagtiisa hoosteedaa. Gaariga socodka ayuu gaabinyaa marka uu u soo dhowaado bar kontorool oo ay joogaan saddex rag oo maliishiyaha ah oo wata qoriga AK-47 iyo baasuuke. Si feejgan, waxaa jiray dhabogal dhacay- mid ka mid ah raggan wuu soo dhowaanayaa isla markaa qooransanayaa gudaha gaariga.

Dhowr ilbiriqsi ayaa neefta dib u ceshtay anigoo markaa kasoo daawanaya muuqaalka gaariga wehelka ee ICRC oo na daba socday.Wadaha gaariga ayaa farta ku fiiqay kursiga dambe waxaana maqlaayey isagoo ku qaylinaaya: "Keysaney.” Hadal la’aan gawaarideyna waa la sii daayey.

Wax yar ka dib, waxaan soo gaarnay meel darbiyo dhaadheer leh waana istaagnay. meesha ka muuqday calaamadda qoriga AK-47 oo ku qoran tahyay "X”: hub waa ka mamnuuc.Xarfo waaweyn oo casaan ah oo ku qoranaa gidaarka cad waxay oronayaan: Isbitaalka Keysaney.

illinka laga galo Isbitaalka Keysaney 1992 oo lagu calaamadeeyey astaamaha Laanqeyrta Cas iyo bisha Cas.

Dabayaaqadii 1991kii xukuumadii militariga ee Siyaad Barre ayaa dhacday Soomaaliyana waxay la kulantay dagaal sokeeye oo baahsan.Horraantii 1992kii, dagaal qaabiil ayaa caasimada Muqdisho u kala qeybiyey laba qeybood: waqooyi iyo koofur. Nasiib Juquraafi awgeed isbitaalada oo dhan waxay mareen qeybta koofurta laakin dhakhaatiir iyo kalkaaliyaal badan waxay ku noolaayeen waqooyiga.

Si loogu jawaab bixiyo baahida caafimaad ee sii kordheyso, Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed (SRCS) iyadoo la kaashaneysa Guddiga Caalamiga Laanqeyrta Cas (ICRC)waxay qorsheeyeen in xabsi dhowaan la dhisay u rogaan isbitaal qaliin kuna yaalo todobo kiiloomitir waqooyiga magaalada. Halkaas, Waxaan ku caawinayay saaxibadeyda Soomaaliyeed oo aan isla shaqaeynayney si aan u aasaasno habmaamusyada la xiriirta caafimaadka iyo maamulka iyo ku tababarida farsamooyinka qalliinka dagaalka iyo kalkaalinta. Barnaamijyada tababarka si fiican ayuu u shaqeeyey. Waxa aan ku guuleysaneyna in aan sameyno ma ahayn kaliya xarun daryeelka caafimaadka, laakin waa meel ay ku badbaadaan aadanaha.

image


Dagaalka qabiilka iyo bililiqo ballaaran oo u dheer abaar dabadheeraatay ayaa sababay macluul baahsan. Ilaa iyo 500 qof ayaa maalin kasta macluul u dhimanaayeen maalin kasta toddobaadyo isku xigay. Bililiqada iyo dagaalka ayaa Muqdisho ka dhigay magaalooyinka ugu khatarta badan caalamka.

Isbitaalka keysaney waxaan mashquul ku aheyn daaweynta dadka dhaawacyada ka soo gaarey dagaalka qabiilka iyo bililaqada wehlisay. Bililiqeytayasha waxay inta badan bartilmaameedsanaayeen raashinka. Dhaqtar qalliin ayaa dareen kaftan ah iigu sheegay in uusan weligii qalliin ku sameyn qof ka mid ah kuwa bililiqada ka qeyb qaata.

Marar badan bukaanada waxay ka kala imanayeen qabaa’ilka kala duwan oo midba midka kale la dagaalamaya. Hadana dhamman waxaa isbitaalka loogu daweynayey keliya si ku saleysan baahida caafimaad. Qoysasku waxay si nabad ah u booqanaayeen dhaawaca iyadoo maliishiyaadka ay ka soo kala jeedaan ay ku dagaalamayeen waddooyinka Muqdisho. Kalkaaliye caafimaad ayaa indha taag sameeyay mar uu sidan u sheegaya shaqaale caafimaad ee ICRCda: "Kani wuxuu ka tirsanyahay qabiil X, midka jiifa sariirta xigta wuxuu ka tirsanyahay qabiil Y- waa isla kuwa maanta ku dagaalamaaya suuqa.”

Sannooyin ka dib markii la aasaasay Isbitaalka Keysaney, fowdada ayaa ka sii socotay Muqdisho dhammaan isbitaalada ku yaalayna dhinaca koonfurta qeybta koofureed ee magaalada way xirmeen. Muddo Keysaney wuxuu noqday xarunta keliya ee magaalada oo bixiya qalliin ilaa iyo ICRC ay ku caawisay koox dhakhaatiir ah inay mid kale dib ugu bilaabaan koofurta sanadkii 2000. Haddaba, Keysaney wuxuu noqday caan wuxuuna qaabilay bukaano ka kala yimid labada qeybood ee magaalada. Isagoo ahaa ibsbitaalka ugu fiican (marmarna ahaa midka keliya) ee sameeya qalliin ee ka jira dalka, dhammaan bukaanada laga keeno Soomaaliy waxaa sidoo kale loo wareejin jiray halkaas.

Dhexdhexaadnimada isbitaalka ayaa si wanaagsan loo ixtiraamay, mabda’aasoo ka si weyn loola qabsaday bulshada Muqdisho dhexdeed. Tani waxay sidoo kale ku fiday wadada cidlada ah ka baxda magaalada ee aada isbitaalka kaasoo asna loo tixgelin jiray "dhexdhexaad.”

"Marka loo socdo Keysaney” dadka waxay ka soo qaylinayaan gawaaridooda, nimanka maliisiyaadka ahna way u ogolaanayeen iyagoon isku dhibayn inay ogaadaan qabiilka uu ka soo jeedo dadka saaraan. Dadku waxay wadadaan u arki jireen mid sii fidisay dhexdhexaadnimada isbitaalka.

Shaqaalaha Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed (SRCS) abaal ayay ku leeyihiin guushan, taasoo caddeyneysa in xitaa xaaladaha ugu adag fikradda gargaarka bani’aadamnimo- isbitaal dhexdhexaad ah – uu xidideysan karo uuna bulaalayo.

Ku dhowaad waa 25 sano ka dib markii la aasaasay Keysaney, dawladda caalamka laga aqoonsanyahay weli ma xukunto dalka oo dhan. Hay’adda keliya ee qaran ee la hartay ogolaansho caalami ah Ururka ayaa ah Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed oo keliya.

Isbitaalka Keysaney ee iminka jira, astaanta Bisha Cas oo meel kor ah laga taagay. Xarunta caafimaadka weli waxaa maamula Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed (SRCS) oo taageerro ka heleysa Guddiga Caalamiga ee Laanqeyrta Cas (ICRC) © ICRC/Pedram Yazdi

xigasho:-somaliweyn.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip