Xaliimo Sacdiyo Sheekh Cumar, oo ah waayajoog hore islamarkaana ku xeel dheer arimaha ciyaaraha ayaa dhankeeda sheegtay in gudoomiyaha xiriirka uu dhabarka u xirtay horumarinta Sportiga dalka xili dhibaatooyin badan ay ka jireen.

Wasaaradda Ciyaaraha xukuumada Soomaaliya ayay Xaliimo si lamid ah ku bogaadisay kaalinta ay ka qaadatay dhisitaanka tuulada Sportiga ee Stadium Muqdisho, halkaasi oo dayactir lagu bilaabay.

Xaliimo oo hadalkeeda sii wadata ayaa waxay tilmaamtay garoonka marka uu dhismo uu xulka qaranka kubadda cagta Soomaaliyeed uu ku marti qaadi doono wadamo kale si ay ula dheelaan kulamo.

Cabdi Qani Saciid [Carab] ayaa la aaminsan yahay in ciyaaraha Soomaaliya soo gaarsiiyay heerka uu maanta marayo, waana tan keentay in markale loo doorto gudoomiye xilka sii haynayo afarta sano ee soo aadan kadib doorasho Muqdisho ka qabsoontay.