Ar, Abii Axmadaa!!!! Amuu na ajaraa?=Nasashada Jimcaha. Q -123aad=

0
Friday November 23, 2018 - 22:01:30 in Wararka by
  • Visits: 858
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ar, Abii Axmadaa!!!! Amuu na ajaraa?=Nasashada Jimcaha. Q -123aad=

    1-Nin ayaa yiri: Hal mar ayaa weligey la i kufsaday. Naag Ceelasha Biyaha (K 13)- Xamar, degan ayaan sheeko caadi ah ugu imaan jiray sannadkii 2009, damacna igama galin, Laakin iyadii ayaa iga heshay. Habeen ayey igu tri: i guurso,wuxuu ku yiri: Maxa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

1-Nin ayaa yiri: Hal mar ayaa weligey la i kufsaday. Naag Ceelasha Biyaha (K 13)- Xamar, degan ayaan sheeko caadi ah ugu imaan jiray sannadkii 2009, damacna igama galin, Laakin iyadii ayaa iga heshay. Habeen ayey igu tri: i guurso,wuxuu ku yiri: Maxaa jira xirriirba nagama dhexeeyee. Waxey igu tiri: Baryo ma ahan ee waa qasab. Waxaan ku iri: Sidee, soow ma ogid in aan Xaas leeyahay? waxay igu tiri: Xisbul Islaam ayaan u tagayaa waxana ku leeyahay dhagax hala igu dilo, Ninkaan ayaa Sino iigu tagaye, waana nala wada dilayaa. Waan mehersaday, hal usbuuc kadibna waan furay. Halkaas mar ayaana la igu kufsaday.

( iska jirahee, Haweenka qaar wixii ay rabaan waa isku qisaasi kartaan!!! Wiiloow, Adiga weligaa ma lagu kufsaday?).

2-Xildhibaan ayaa dhakhtarkii ku yiri: Datoore waan Xanaaq badanahay, qofkii iga xanaajiyay qof aan aheyn ayaana eedeeyaa, ilaa yaraanteydii ayaana sidaas ahaa. Dhakhratkii ayaa ku yiri: Maxaad sameyn jirtay yaraantaadii haddii aad xanaaqdo?. Xildhibaankii ayaa yiri: waxaan tagi jiray Masjidka. Dhakhtarkii ayaa ku yiri: Wiil fiican ayaad aheyd hadiiba Baytka Alla aad tagi jirtay markii aad Carooto, kabacdina, Maxaa kale oo aad sameyn jirtay?. Waxaan isku qasi jiray Kabaha Masjidka hor yaal, markaa ayaan dhinac fadhiisan jiray, si aan u daawado dadku sida ey isagu wareerayaan, waana ku farxi jiray. (F.S: 1 & 2aad).

( Haddana danta dadkii iyo dowlada ayuu isku qastaa.. Akhristoow, Xildhibaankaa maxaa u daawo ah?)

3-Axmed ayaa yiri: Wiil wanaagsan oo edeb leh ayaa ii jooga. Cali, ayaa ku yiri: Armuu Jaadka cunaa? Axmed ayaa yiri: Maya. Cali ayaa yiri: Sigaarkana?. Maya. Cali: Mukhaadaraad kalena? Axmed: maya. Cali: Habeenkii amuu saacad dambe yimaad. Axmed: Maya. Cali: Aleeylehe wiil wanaagsan ayaa kuu jooga, Waa meeqa sana jir? Axmed: Berri Dambe ayaa hooyadii ummusha ka bexee , waxa uu jiraa 38 maalmood. ( F.S: 3aad)

(Ar, Abii Axmadaa!!!! Amuu na ajaraa? Isagaaba weli xilkiisa siyaasadeed saqiir ku ah, oo Ummushii Siyaasadda aan weli lagala bixin, oo Sacab mugiis ah)

4-Nin ayaa isaga oo safar aadayo ayuu Xaaskiisii ku yiri: ii soo gad Laba darsi (24 xabo ) oo kastuumooyin ah, hore ayuuna u sii qaatay isaga oo aan iska fiirin. Makuu uu tagay halkii uu u safray, ayey wacday kuna tiri : Alla ma ku sama geeyay?. Waxa uu ku yiri: war sama tageeygu ha kuu dambeeyee, maxaad iigu soo iibisay 24 kastuumo oo isku wada midab ah?.

Waxa ey ku tiri: Maxaa ku jaban? Waxa uu ku yiri: Maxaa ku jabnaa waayay, soow dadku u maleyn maayaan in aan wato hal kastuumo oo kaliya oo aanan iska bedelin. waxa ey ku tiri: Yaa waaye qofka kastuumada kuugu jirto ka war qabi karo? Waan ogaa, Xaaji Saqajaan in aad Naaga kale u socoto. Soo noqo war waa jiri doonaahe. ( F.S: 4aad)

( Ar Ragoow, Xaajigu inta uunan Noqon, tala siiya)

5-Oday ayaa cid u soo martiyay, waa soo dhaweeyeen waxa eyna siiyeen weel Caano ka buuxaan, markii uu cabay ayuu yiri: Waad mahadsantihiin. Maxaa loo lahaa Reerkaasi waa bakhiil?.

Waxa ey ku yiraahdeen: Caanaha xalay ayaa Dooli ku dhax bakhtiyay, waxaan ka baqnay in caruurtu nooga sumoowdo.

Ninkii intuu xanaaqay ayuu weelkii Caanaha lagu siiyay dhulka ku dhuftay, Ciddii ayaa ku tiri: War Weelka hana jabin, Caruurta ayaa habeenkii noogu xaartee. ( F.S: 5aad).

( Soomaaliyeey, Xoola waa noo joogaan, Allaana noogu deeqay ee Caanaha dibadda laga keeno ha la iska fiiriyo, waa iga talo).

6- Wiil Qurbaha ka yimid ayaa yiri: ha la’ii doono Gabar wanaagsan, oo aan weligeed gurigooda banaanka uga bixin. Waxa loo soo helay gabar weligeed aanan Suuqa adeeg loogu dirin, Deriskana aan kala aqoon.

Habeenkii ay Aqal galeen ayuu ku yiri: Walalaey intii aanan Adiga ku guursan, Habeen kasta intaanan seexan ka hor, waxaan "Video call” kula raaxeysan jiray Gabdho aad u fara badan, Laakin hadda Alla mahadii Dhilooyinkaa, Allaa i dhaafiyay, Xaas xalaal ah ayaan helay.

Gabadhii ayaa ku tiri: Dhowr jeer ayaan damcay in aan ku weydiiyo, Wiilkaan wajigiisu kuguma cusbee Xageed ku arki jirtay. ( F.S: 6aad)

( Gabadhu xagey ku aragtay Caawaaba isagu horeysee???.waalidoow, Mobile-da casriga ahi warey keeneen ee caruurta xaalkooda habeenkii la socda, waa iga talo).

Qore: Yahya Amir




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip