Nicklas Bendtner oo mar kale dhibaato lasoo laabtay, xabsi-na muteystay!
Laacibkii hore ee kooxda Arsenal,Nicklas Bendtner ayaa qaadan doono 50-maalmood oo xabsi ah, ka dib markii lagu soo eedeeyay inuu garaacay darawal Taksiile ah.
Horraantii bishan,Bendtner ayaa waxaa uu garaacay isla markaasna uu darbo la dhacay wade taksi 9-kii September.
30-jirka reer Denmark ayaa qirtay inuu feedh la dhacay darawalkii taksiga waday, waxaase uu ku andacooday inuu ahaa mid naftiisa difaacayay, ka dib markii ay murmeen.
Bendtner oo hadda ka tirsan naadiga reer Norway eeRosenborg ayaa lagu xukumay 50-maalmood oo uu xabsi ku qaadan doono, iyo ganaax lacageed oo gaaraya £179.
Shilkan ayaa dhacay2.41am September 9-keeda, waxaana weeraryahankii hore ee Arsenal iyo saaxiibtiisaPhiline Roepstorff ay waqti ku luminayeen hoteelka habeenkii lagu caweeyo eeLusso.
Maxkamadda ayaa dhageysatay dacwadda, waxaana u caddaatay isla markaasna xiddigga uu qirtay qudhiisa inay ku murmeen£4.80, dabadeednaBendtner uu feedh wejiga kaga dhuftay darawalkii taksiga ka hor inta uusan darbo u raacinin markii uu dhulka ku dhacay.
Laacibka qalalaasaha badan ayaa qirsan fal-dambiyeedka lagu soo eedeeyay, inkastoo uu ku dooday inuu is difaacayay.
Nicklas Bendtner oo mar kale dhibaato lasoo laabtay, xabsi-na muteystay!
Laacibkii hore ee kooxda Arsenal,Nicklas Bendtner ayaa qaadan doono 50-maalmood oo xabsi ah, ka dib markii lagu soo eedeeyay inuu garaacay darawal Taksiile ah. Horraantii bishan,Bendtner ayaa waxaa uu garaacay isla markaasna uu darbo la dhacay wad