Maxaa Ka Jira In PSG Ay Real Madrid Kula Dagaallamayso Saxiixa Christian Erikson.?

0
Wednesday November 21, 2018 - 23:17:47 in Wararka by
  • Visits: 737
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaa Ka Jira In PSG Ay Real Madrid Kula Dagaallamayso Saxiixa Christian Erikson.?

    Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa maalmihii u danbeeyay lala xiriirinayay in ay soo qaadanayso xidiga ay baddal uga dhigto Luka Modric, kaas oo lala xiriirinayo in uu ka dhaqaaqayo caasimadda Spain. Kooxda ku ciyaarta Bernabeu ayaana diiradda sa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa maalmihii u danbeeyay lala xiriirinayay in ay soo qaadanayso xidiga ay baddal uga dhigto Luka Modric, kaas oo lala xiriirinayo in uu ka dhaqaaqayo caasimadda Spain. Kooxda ku ciyaarta Bernabeu ayaana diiradda saaratay xidiga qadka dhexe kaga ciyaara Tottenham Hotspur ee Christian Erikson.

Erikson ayaana la aaminsanyahay in uu buuxin karo booska Luka Modric, maadaama uu yahay xidig kubadda qaybin kara sidoo kalana ka mid ah xidigaha ugu argtida dheer kubadda cagta dunida.

Si kastaba ha ahaatee, warqaadka Daily Express ayaa shaaca ka qaaday in PSG ay diyaar u tahay in ay Real Madrid kula xifaaltanto saxiixa Christian Erikson.

Paris Saint Germain ayaa iyaduna dhankeeda doonaysa in ay kooxda keento xidig ay baddal uga dhigto xidigeeda qadka dhexe ee Adrien Rabiot.

Rabiot ayaa iska diiday in uu kooxda caasimadda u saxiixo heshiis cusub isaga oo la soo sheegayo in uu xagaaga soo aaddan ku biiri doono kooxda ka 

dhisan LaLiga ee Barcelona, taas oo heshiis hordhac ah la gaari doonta bisha janaayo.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip