Real Madrid oo arrin aysan ku farxin looga soo sheegayo bartilmaameedkooda Rashford

0
Wednesday November 21, 2018 - 23:14:28 in Wararka by
  • Visits: 663
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Real Madrid oo arrin aysan ku farxin looga soo sheegayo bartilmaameedkooda Rashford

    Kooxda kubadda cagta ee Manchester United ayaa waxa ay dooneysaa in ay heshiis cusub u gacan geliyaan weeraryahankooda Marcus Rashford, iyadoo ay jiraan baacsi ka imaanaya Paris Saint-Germain iyo Real Madrid. Guddoomiye ku xigeenka United ee Ed Wood

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxda kubadda cagta ee Manchester United ayaa waxa ay dooneysaa in ay heshiis cusub u gacan geliyaan weeraryahankooda Marcus Rashford, iyadoo ay jiraan baacsi ka imaanaya Paris Saint-Germain iyo Real Madrid. Guddoomiye ku xigeenka United ee Ed Woodward ayaa lagu soo warramayaa inuu qorsheynayo inuu mustaqbalka fog sii adeegsado xiddigga qaranka Egland.

Woodward ayaa doonaya in Rashford uu heshiis cusub ka saxiixo ka hor inta uusan dhammaan xilli ciyaareedkan, waxaana uu rajeynayaa inuu u laballaabo mushaaraadka uu hadda Old Trafford ka qaato, isla markaasna ay siin doonaan £150,000 toddobaadkii oo lagu daray gunnooyin.

21-jirkan ayaa ka mid ah xiddigaha loo arko in ay yihiin kuwa ugu tayada badan weeraryahannada hadda soo kobcaya, waxaana uu hadda bartilmaameed u yahay Real Madrid iyo PSG.



Qandaraaska uu Rashford kula jiro Red Devils ayaa waxa uu ku qaataa mushaar dhan £75,000 toddobaadkii, waxaana uu dhici doonaa 2020 inkastoo ay United fursad hal sano ay ugu kordhineyso ay heysato.

Waxaase la fahansanyahay in maamulka Manchester United ay ka war qabaan in xiddiggan uu yahay mid ka mid ah weeraryahannada ugu tayada fiican kubadda cagta xilligan xiddigaha da’diisa jira, mana doonayaan in ay lumiyaan.

Rashford ayaa dhammaadka xilli ciyaareedkii hore kala hadlay Jose Mourinho doorka uu laacibkan kaga ciyaarayo safka kooxda iyo inuu waqti badan uu ciyaaro helo.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip