Liverpool oo u dhaqaaqeysa laacib Kale oo Jarmal ah, haddii Pulisic lagu garaaco!

0
Monday November 19, 2018 - 23:56:00 in Wararka by
  • Visits: 635
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Liverpool oo u dhaqaaqeysa laacib Kale oo Jarmal ah, haddii Pulisic lagu garaaco!

    Kooxda kubadda cagta ee Liverpool ayaa hadda loollan adag kala kulmeysa saxiixa laacibka Borussia Dortmund ee Chritsian Pulisic, kaasoo hadda saxiixiisa ay u cadcaddahay kooxda Chelsea. Sidaas darteed, haddii ay saxiixiisa ku guuldarreystaan, Reds w

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxda kubadda cagta ee Liverpool ayaa hadda loollan adag kala kulmeysa saxiixa laacibka Borussia Dortmund ee Chritsian Pulisic, kaasoo hadda saxiixiisa ay u cadcaddahay kooxda Chelsea. Sidaas darteed, haddii ay saxiixiisa ku guuldarreystaan, Reds waxa ay u dhaqaaqi doonaan laacibka khadka dhexe kaga ciyaara Hoffenheim ee Kerem Demirbay.

Laacibka reer Germany waxa uu bartilmaameed u yahay maamulaha Liverpool ee Jurgen Klopp.

25-jirkan kasoo baxay dhallinyarada Borussia Dortmund xilligii uu Macallinka halkaas ka ahaa Klopp ayaa hadda sameynaya bandhig horumareed, waxaana uu halbowle u noqday khadka dhexe ee Hoffenheim.

Laacibkan ayaa si aad ah ugu wanaagsan ka ciyaarista khadka dhexe, isagoo awooda inuu kubadda ku dagaallamo sidoo kalena weerarka wax ka dhisa.

Naby Keita oo dhaawacyo la tacaalaya iyo Fabinho oo aanan la qabsanin weli horyaalka Ingiriiska ayaa xagaagii kusoo biirray safka dhexe ee Anfield.

Hase ahaatee, waxaa weli jirta baahi ku aaddan kubbad sameeye yari inay ka jirto Liverpool, iyadoo Macallin Klopp uu doonayo inuu Mane ka ciyaarsiiyo dhanka kubbad sameynta.



Hoffenheim iyo kooxda ka dhisan Mersyside-ka ayaa xiriir wanaagsan uu ka dhexeeyaa, waxaana Liverpool ay sanaddii 2015 kala soo saxiixatay dhiggeeda reer Germany weeraryahanka lagu magacaabo Roberto Firmino.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip