Falcao, Ibrahimovic iyo weeraryahannada kale ee bartilmaameedka u ah Real Madrid

0
Monday November 19, 2018 - 23:50:23 in Wararka by
  • Visits: 627
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Falcao, Ibrahimovic iyo weeraryahannada kale ee bartilmaameedka u ah Real Madrid

    Iyadoo Real Madrid ay la dhibaatooneyso dhibaato dhanka weerarka ka heysata, maadaama kooxda aysan heysan gooldhaliye la isku halleyn karo, ayaa waxaa diiwaanka ciyaartoyda lala xiriirinayo ka mid noqday weeraryahanka kooxda AS Roma ee Ede Dzeko. Ku

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Iyadoo Real Madrid ay la dhibaatooneyso dhibaato dhanka weerarka ka heysata, maadaama kooxda aysan heysan gooldhaliye la isku halleyn karo, ayaa waxaa diiwaanka ciyaartoyda lala xiriirinayo ka mid noqday weeraryahanka kooxda AS Roma ee Ede Dzeko. Kullankii saaxiibtinnimo ee xalay dhex maray xulalka qaranka Spain iyp Bosnia And Herzegovina ayaa waxaa lagu arkay wakiillo ka tirsan Real Madrid oo ciyaartaas daawanayay.

Warsidaha Spain kasoo baxa ee AS ayaa werrinaya in wakiilladaas ay indha-indheynayeen xiddigga Roma ee Eden Dzeko, ka hor kullanka labada koox ee Roma iyo Real Madrid ay ku wada ciyaari doonaan Stadio Olympico tartanka Champions League.

Abaarta weerarka kooxda Los Blancos waxa ay gaartay in lalal xiriiriyo weeraryahanno u badan kuwa da’dooda ay sareyso, waxaana ka mid ah Ramadel Falcoa, Zlatan Ibrahimovic iyo Eden Dzeko.

Tan iyo markii kooxda Real Madrid ay lumisay xagaagii matoorka gooldhalinta ee Cristiano Ronaldo oo Juventus ku biirray, xiddigaha kala ah Gareth Bale iyo Karim Benzema waa ay qaadi waayeen masuuliyadda gooldhalinta kooxda.

Sidaas darteed, weli waxa ay ku jirtaa baadi goob ay ku raadineyso ciyaaryahan si joogto ah u qaado masuuliyadda weerarka ee kooxda.






Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip