Mowliidka Rasuulka CSW,Sideed u aragtaa?

0
Monday November 19, 2018 - 23:04:58 in Wararka by
  • Visits: 904
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mowliidka Rasuulka CSW,Sideed u aragtaa?

    Waxaa beryahan soo batay dood ah Mowliidku ma banaanyahay mise Maya?.Horta Masaladu ma ahan Masalo Caqiidi ah ee waa Masalo Fiqi ah. Sidaa darteed ma ahan mid Diinta looga baxayo. Annigu Qof ahaan waa Aamin sanahay Xuska Mowliidka. Rasuulkeena CS

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa beryahan soo batay dood ah Mowliidku ma banaanyahay mise Maya?.Horta Masaladu ma ahan Masalo Caqiidi ah ee waa Masalo Fiqi ah. Sidaa darteed ma ahan mid Diinta looga baxayo. Annigu Qof ahaan waa Aamin sanahay Xuska Mowliidka. Rasuulkeena CSW waxa uu dhashay Sanadkii Maroodiga waa berigii hore, maalin Isniin ah.

Rasuulku SCW waxa uu Soomi jiray Maalinta Isniina ah, markii la weeydiiyay Sababtana, Waxa uu yiri: waa maalintii aan dhaldhay, waxaana u soomayaa in aan ALLAAH uga shukriyo. Haddii uu ALLAAH ugu shukriyay maalintaa weyn, maxaa diidaya in annaguna aan Ku shukrino.

Doodda dadku i daali meeyso. Maanta waxaan Mogadishu Mall noogu yimid Nin aan aad u aqaan, waxa uu nagu bilaabay dood aanan markaa la hadal heyn oo Ku saabsan Mowliidka. Waxa uu Ku doodayay Mowliidku ma banaano.

Waan aqiin waxaan ku iri: Adigu ma Tukataa?.waxa uu igu yiri: Maya, Laain, Laakin.

Waan isaga tagay, Isaga oo Laakin,Laakin leh ayaana iigu dambeysay.


Muslimiinta caalamka 90/100 waa xisayaan maalintaa.
Iska hubi kalmadda Bidci, haddii aad u taqaan wixii Rasuulka Ka dambeyay oo aad u wada taqaan Xaaraan. Calanka Somalidu Bidco miyaa, Mobile Telephone kaagiga Rasuulka SCW, Asaxaabtii iyo taabiciyiintii ma isticmaali jirin. Baabuurka iyo Gaadiidka aad isticmaaleena waa Bidco.

Waxaa Jira dad hadalkooduba uu yahay Baabul (kha) Baabul khilaaf. Ey Aqoon la’aani u geysa.Iska jir kuwaa.

Hambalyo dhalashada Rasuulkeena SCW, ogow, Maalintaasi waxa eyna ka mid tahay 10 ka maalin ee Sannadka ee sharciga Somalidu u aqoonsan yahay Feesto Qaran.

Arragtidaada Xur ayaad u tahay. Wixii iga khaldan iga sax.

Qore: Yahya Amir



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip