Chelsea oo qarka u saarran in ay Liverpool ku garaacdo saxiixeeda ugu horreeya bisha January!

0
Saturday November 17, 2018 - 23:29:12 in Wararka by
  • Visits: 600
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Chelsea oo qarka u saarran in ay Liverpool ku garaacdo saxiixeeda ugu horreeya bisha January!

    Wararka ka imaanaya dalka Ingiriiska waxa ay sheegayaan in kooxda Chelsea ay u muuqato mid ka taqallustay kooxaha Liverpool iyo Tottenham oo hadda ay kaga dhowdaya hardanka loogu jiro Christian Pulisic. Laacibka u dhashay dalweynaha USA ayaa kullank

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya dalka Ingiriiska waxa ay sheegayaan in kooxda Chelsea ay u muuqato mid ka taqallustay kooxaha Liverpool iyo Tottenham oo hadda ay kaga dhowdaya hardanka loogu jiro Christian Pulisic. Laacibka u dhashay dalweynaha USA ayaa kullankii England ay xulkiisa la ciyaarreen waxa uu soo bandhigay qaab aad u sarreeya, tii oo ay jirto in qandaraaska uu kula jiro kooxdiisa Borussia Dortmund ay ka harsantahay 18-bilood.

Kooxo badan oo ka dhisan Ingiriiska ayaa laacibkan saxiixiisa ku hardamaya, iyadoo Chelsea, Liverpool iyo Tottenham Hotspur ay yihiin kooxaha dagaalka ugu xooggan uu ka dhexeeyo.

Daily Mail ayaa hadda werrineysa in Blues ay hooggaanka tartanka hadda ay heyso, maadaama ay la diyaar tahay in bisha January suuqa furmaya ay £70m kusoo qaataan.

Dortmund ayaa dhankeeda ku dagaallamaysa sidii ay kusii ceshan lahayd xiddiggan inta ka dhiman xilli ciyaareedka, hase ahaatee, Chelsea waxa ay isku dooneysaa in bisha January ay soo af-jarto heshiiska ciyaaryahankan.



20-jirkan ayaa lumiyay muhiimaddii uu ku lahaa garoonka Signal Iduna Park tan iyo bilawgii xilli ciyaareedkan, waxaana uu galay hooska Jadon Sancho oo ku guuleystay laacibka ugu wanaagsan Bundesliga ee bishii October.

Sidaas darteed waxa uu isha ku hayaa inuu usoo dhaqaaqo horyaalka Premier League-ga oo uu dhowaan qiray inay tahay riyadiisa.

Chelsea keliya safkeeda ayay ku xoojineysaa laacibkan, maadaama ay heystaan ciyaartoy dhowr ah oo khadka dhexe ka ciyaarra.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip