Daawo: General Gabre oo xabsiga Itoobiya loo taxaabay

0
Saturday November 17, 2018 - 21:54:46 in Wararka by
  • Visits: 1234
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo: General Gabre oo xabsiga Itoobiya loo taxaabay

    Dowladda Ethopia ayaa xabsi dhigtay Colonel Gebregziabher Alemseged oo ku magac dheeraa (Gebre Dilla) balse Soomaalidu ay u taqaan Cornel Gabre. Cornel Gabre oo soo noqday Taliyihii ciidamada Ethiopia ee Soomaaliya soo galay ayaa loo haystaa in uu d

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Ethopia ayaa xabsi dhigtay Colonel Gebregziabher Alemseged oo ku magac dheeraa (Gebre Dilla) balse Soomaalidu ay u taqaan Cornel Gabre. Cornel Gabre oo soo noqday Taliyihii ciidamada Ethiopia ee Soomaaliya soo galay ayaa loo haystaa in uu dambiyo kala duwan uu ka geystay dalka intii u dhaxeysay 2006-dii iyo ilaa 2007-dii.

Sidoo kale waxaa loo haystaa dambiyo la xiriira ku xad gudub xuquuqda aadanaha ee gobolka ay Soomalidu degto ee dalka Ethiopia iyo inuu ku lug lahaa banaanbaxyadii rabshadaha watay ee dadka badan ku dhinteen ee ka dhacay magaalada Jigjiga.

Gabre ayaa soo noqday lataliyaha dhinaca siyaasada ee urur goboleedka IGAD balse waxaa laga ceyriyay bishi June ee sanadkaan 2018-ka.

Dhanka kale Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo dhaweysay xariga Colonel Gebre, kaasi oo saameyn ku lahaa Siyaasadda Soomaaliya wixii ka horeeyay Dowladdda Madaxweyne Farmaajo.

Agaasimaha Warfaafinta Villa Soomaalia ayaa sheegay in Dowladda ay soo dhaweynayso xarigiisa,islamarkaana tani ay muujinaysa xiriirka wanaagsan ee u dhaxeeya Ethopia iyo Soomaaiya.

Dowladda Ethopia ayaa dhawaan bilowday in ay xabsiga dhigto saraakiishii ciidamada iyo kuwa rayid ah ee ee gabood falada ka geystey dalka Ethiopia sanadihii la soo dhaafay.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip