Maxaad ka taqaan Gas calooleed- Gastirig?!!

0
Wednesday January 13, 2016 - 17:05:27 in Maqaallo by
  • Visits: 2469
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaad ka taqaan Gas calooleed- Gastirig?!!

    Cudurka ay soomaalidu u taqaano gastirig wuxuu ku bilowdaa boogo yar yar oo ku samaysma darbiyada caloosha, iyo qeybta ugu horeysa ee xiidmaha yar yar ee loo yaqaano duodenum. Waxaa badanaa caabuqaan keena bakteriyada loo yaqaano H. Pylori iyo aashit

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cudurka ay soomaalidu u taqaano gastirig wuxuu ku bilowdaa boogo yar yar oo ku samaysma darbiyada caloosha, iyo qeybta ugu horeysa ee xiidmaha yar yar ee loo yaqaano duodenum. Waxaa badanaa caabuqaan keena bakteriyada loo yaqaano H. Pylori iyo aashitada caloosha oo xaalufisa lakabyada maqaarka ee caloosha,

 taasoo sababta in xuubka jilicsan ee calooshu uu dhaawacmo kadibna qofku uu damqasho dareemo mar walba oo aashitada calooshu taabato boogta samaysantay. H. Pylori Ayaa ah bakteeriyada ugu badan ee sababta xanuunkaan.

gas-calooleed

Noocyada gastirig waxaa kamid ah

Gaas calooleed: waa boogo ku samaysanta gudaha caloosha


Gaas hunguriyeed: waa boogo ku samaysanta tuubada cuntadu soo marto
Gaas min-dhicireed: waa boogo ku samaysma qaybta hore ee mindhiciraha yar yar
Maxaa sababa gastirig

Qodobo badan ayaa ka danbeeya in darbiga caloosha, xiidmaha, iyo hunguriguba ay boogo yeeshaan balse kuwa ugu muhiimsan waxaa kamid ah;

Bakteriyada helicobacter pylori: waa bakteeriya awood u leh inay sababto infekshin iyo caabuq halis ah oo ku dhaca caloosha. Bakteeriyadan waxay si sahlan ku daloolisaa xuubka caloosha ayadoo adeegsanaysa dheecaano ay soo dayso.

Isticmaalka badan ee kaniinada NSAIDS sida, Aspirin, Ibuprofen , iyo dawooyinka kale ee loo isticmaalo ka hortaga caabuqa boogaha jirka. Dadkeenu inta badan waxay aad u isticmaalaan kaniinada aan soo sheegnay siiba Aspirinka oo badanaa si joogtaa aan u isticmaalno.

Sigaar cabida: sigaar cabidu waxay kamid tahay qodobada sahla in qofka uu ku dhaco gastirigu.
Kansarka calooshaCunooyinka qaar: cunooyinka bisbaaska badan (spicy food) ayaa waxaa la aamin sanyahay iney sahli karaan boogahaanWaa maxay astaamaha?

Calaamadaha ugu muhiimsan ee dadka qaba gastirigu ay dareemaan waxaa kamid ah, caloosha oo xanuun gubasho oo kale ah laga dareemo, xanuunku wuu kala duwanaan karaa asagoo dadka qaarkood ku noqda mid aad u daran, halka dadka qaarna uu u sahlanaado. Mararka qaarkood xanuunka ayaa laga yaabaa inuu hurdada kasoo kiciyo qofka taasoo ku xidhan hadba xaalada uu bukaanku ku suganyahay.

Calaamadaha kale ee gastarig waxaa kamid ah; abataytka oo qofka ka xidhma, lallabo, saxarada oo dhiig yeelata ama midabkeedu madaw noqdo, miisaan ka qofka oo yaraada, matag, iyo xabad xanuun, ama laabjeex.

Dhibaatooyinka ka dhalan kara

Cudur walba oo aan la dawayn wuxuu ku reebaa jirka dibaatooyin wax yeeleyn kara, amaba sababi kara dhimasho. Sidaa si la mid ah cudurka gastirig hadaan la dawayn wuu kasii daraa wuxuuna sababaa xaalado caafimaad daro oo halis ah sida:

Boogaha caloosha ku samaysma xiliga uu cudurku yahay bilowga oo isku badala daloolo ama Godad, kaasoo keena caabuq khatar ah oo isku badali Kara cudurka kansarka.

Dhiig bax ka dhaca gudaha jirka: boogaha caloosha oo bilaaba inay dhiig baxaan waxay keeni kartaa in qofka ay ku dhiig yari taasoo halis galin karta nolosha qofka.calaamadaha lagu garto qofka gaastariigiisu marayo xaalad dhiig bax waxaa kamid ah; dawakhaad, ama madaxa oo wareera qofka, iyo saxarada oo madoobaata.

Dhinaatooyinka ka dhasha cudurka gaastariigu badanaa waa kuwo u baahda qaliin deg deg ah maadaama ay yihiin xaalado halis ah. Hadii aad qabtid cudurka gaastariiga oo aad isku aragtid Madax Wareer ama saxarada oo ku madoobaata fadlan la xiriir dhakhtar.

Sidee looga hortagi karaa gaastariiga

Isbadal uu qofku ku sameeyo hab nololeedkiisa iyo dhaqamada noloshiisa ayaa ka caawin kara inuu yareeyo khatarta cudurkaan uu ku yeelan karo noloshiisa. Waxaa kamid ah qodobadaas; gacmahaaga oo aad dhaqdid mar walba oo aad was cunaysid taasoo yaraynkarta faafitaanka bakteeriyada, yaree isticmaalka kaniiniyada aspirin, ibuprofen iyo naproxen sodium,hadiise ay khasab tahay inaad qaadato aspirin sababo laxariira marxalad caafimaad oo kale, laxariir dhaqtarkaaga ,waxuu dhaqtarku kuu qori karaa kaniinyo kahortagi kara ama difaac u ah lakabyada caloosha

Joogtaynta nolol isku dheeli tiran oo qofku uu joogteeyo cunida cuno caafimaad qabta, qudaar, midho iyo cunooyinka dabiiciga ah ee uu fibarku ku badan yahay, joojinta sigaar cabida iyo tubaakada, ayaa qofka ka caawin karta inuu noqdo mid ka bad baada cudurkaan dadka badankiisu la il daran yihiin.

Waxaa kaloo dhakhaatiirtu sheegeen in dadka markay cunteeyaan seexda siiba cashada kadib ay u nugul yihiin in cudurkani ku dhaco, hadaba ka fogoow inaad seexatid cuntada kadib, isku day inaad cuntaysid ugu yaraan saacad ama laba saac kahor intaadan seexan.

Xigasho:Baro Caafimaad



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip