Sawirka Cristaino Ronaldo Oo Uu Ka Soo Garab Muuqday Giorgio Chiellini
Cristiano Ronaldo ayaa door muhiim ah ka soo ciyaaray guushii ugu danbaysay ee ay kooxdiisa Juventus ka gaadhay AC Milan laakiin sawirka Cristiano Ronaldo ee kadib kulankii AC Milan ayaa baraha bulshada qabsaday kadib markii si lama filaan ah oo layaableh loo arkayGiorgio Chiellini oo gabi ahaanba qaawan oo ka soo ag muuqday sawirka Ronaldo.
Xidiga kooxda AC Milan eeRaoul Bellanova ayaa kulankii Juventus uga faa’iidaystay in uu sawir la galo xidiga uu dhiirogalinta ka dhigto ee Cristiano Ronaldo waxaynaGiorgio Chiellini iyo Ronaldo sawirkan galeen iyada oo Ronaldo uu feedho qaawan yahay balse uu surwaal gaaban xidhan yahay.
Xidiga kooxda AC Milan eeRaoul Bellanova ayaa baraha bulshada soo dhigay sawirka uu ugu faraxsanaa in uu Cristiano Ronaldo kula galay kadib kulankii labada kooxood, balse sawirkan ayaa noqday mid si waali ah aduunka ugu baahay kadib markii la arkay Giorgio Chiellini oo sawirka ka danbeeya oo socda isaga oo gabi ahaanba aan hal shaw dusha ka saarnayn.
Jamaahiirta kubbada cagta ayaa fikrado badan ka bixiyay sababta sawirka Cristiano Ronaldo iyo Raoul Bellanova uuGiorgio Chiellini uga soo daba muuqday isaga oo aan hal shay xidhnayn waxayna is waydiiyeen haddii qolalka labiska ciyaartoyda uu dhaqankani ka yahay wax iska caadi ah oo la aqbali karo.
Sawirka Cristaino Ronaldo Oo Uu Ka Soo Garab Muuqday Giorgio Chiellini
Cristiano Ronaldo ayaa door muhiim ah ka soo ciyaaray guushii ugu danbaysay ee ay kooxdiisa Juventus ka gaadhay AC Milan laakiin sawirka Cristiano Ronaldo ee kadib kulankii AC Milan ayaa baraha bulshada qabsaday kadib markii si lama filaan ah oo laya