Reer Boondheere & Reer Gaalkacyo "Dictionary" lahjada lagu tarjumayo ha loo gado.=Nasashada Jimcaha. Q-122aad=

0
Friday November 16, 2018 - 22:22:36 in Wararka by
  • Visits: 931
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Reer Boondheere & Reer Gaalkacyo "Dictionary" lahjada lagu tarjumayo ha loo gado.=Nasashada Jimcaha. Q-122aad=

    Caawa Gaalkacyo ayey ka shidan tahay. Reer Gaalkacyo, waa daacad ee annaga ayaan Fahmin. 1-Cali Wiiski oo Reer Gaalkacyo ah ayaa Booliska Minnesota-USA waxa ey Sawiradiisa ku soo dhajiyeen meel kasta , "WANTED- Nolol & Geeri" Ninkan Qo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Caawa Gaalkacyo ayey ka shidan tahay. Reer Gaalkacyo, waa daacad ee annaga ayaan Fahmin. 1-Cali Wiiski oo Reer Gaalkacyo ah ayaa Booliska Minnesota-USA waxa ey Sawiradiisa ku soo dhajiyeen meel kasta , "WANTED- Nolol & Geeri" Ninkan Qofkii arko ha soo sheego". Sawirkiisa oo la fool xumaaday ayuu habeenkii darbida ka fujiyay, kuna bedelay Sawirkiisa oo aad u qurxan, waxa uuna ku hoos qoray rag maxey ka yaqaaninn. War ilma adeerayaaloow, waa kan sawirkeyga saxda ah, kinu waa 7 sanno ka hor markii aan Dalka Mareykanka soo galay. (Fiiri Sawirka 1aad).



( Cali waa soo baxsaday, hadda Cali waa Ugaas NIDO, Saddax Xildhibaan ayuuna soo xulay)

2- Ina Geel Dudshe oo Reer Gaalkacyo ah ayaa Gabar Saaxibtii aheyd, Luul Ladan, ayuu khadka ka wacay, waxa ey ku tiri: i sug Aboowe Salaad ayaan Tukanayaa. Waxa uu ku yiri: Ok, Geenya la moodeey. Hal Saac ka dib ayuu ku yiri: Ku aaway ma dhameysatay Salaadii. Waxa ey ku tiri: Maya Abowe weli waan ku jiraa, hal rakco ayaa ii dhiman. Waxa uu ku yiri: Haye dhameyso, Qoodheey iyo Xeradeey waa reera Cibaado inantu. ( F.S: 2aad)

( Luul, hadda waa Xaaskiisii 3aad, mana Tukato)

3- Wiil Reer Gaalkacyo ah ayaa Saaxibtii Maano Cadey, Mobile ka wacay kuna yiri: Abaayo 3 Bil kuma arag, waana kuu xiisay, Goormeen kulmeynaa?. Waxa ey ku tiri: Allow, aanan kula kulmin, ma hilmaantay Kulankeenii ugu dambeeyay markaan muranay?. Ma Ninkii sida qof FICIIS ah ii feeray, maalintaa ayaan go’aansaday in aanan mar dambe kuu imaan.

Waxa uu ku yiri: Maxaa dhacay soow facey ma tihid. Waxa ey ku tiri: Sannad ahaan isku da’ waa nahay, laakin ani gabar aan ahay, ma ahan in aad i feertid.

Waxa uu ku yiri: Anniga hooyadey facaa iska celi ayey igu tiri, iimana kala saarin Rag iyo Dumar. ( F.S: 3aad)

( Reer Gaalkacyoow,Biri Mageydo adinkaan idinka maqalnay, ee Bilcaan Tumoowga dhaafa)

4- Kifaayo Kaalay, oo Reer Kaasa Bobolaare –Xamar degan, ayaa waxa ey khadka ka wacday wiil Reer Gaalkacyaa oo saaxibkeed ah waxa eyna ku tiri: Xabbibi qabow ayaa i haya. Waxa uu ku yiri: Shaah karso. Waxa ey ku tiri: Haddii adiga aan kula joogi lahaa maxaad sameyn leheyd?. Waxa uu ku yiri: Laba koob oo shaah ah ayaan noo diyaari lahaa. Waxa ey ku tiri: Qalbi, hadduu sheydaan na saddaxeyen lahaane? . waxa uu ku yiri: Saddax koob shaah ah ayaan noo diyaari lahaa. Waxa ey ku tiri: Ciyaalka xaafadda wax ka baro. Waxa uu yiri: Ma anigaa wax ka baranayo soow tii la yiri: Aduunyo waa Shaah iyo Sheeko. Waxa ey ku tiri: Marax weyn ayaad tahay. ( F.S: 4aad).

( Gabdhaha Reer Kaasa bobolaaroow, Wiilasha Reer Gaalkacyo, warka u jilciya ama Gabay & Maahmaahyo ugu dara si ey u fahmaan)

5-Wiil Reer Gaalkacyo ah ayaa saaxibtii Salmo yarey oo Reer Boondheere ah khadka ka wacay, kuna yiri: Naa Salmo Beryahan waa lagu waayay maxaa ku helay?.

Waxa ey ku tiri: Haddii aan kula joogi lahaa maxaad sameyn laheyd?. Waxa uu ku yiri: Ma anaa hilmaami kara, Qaskaaga ayaan u xiisay. Waxa ey ku tiri: Qajac, yur , Bax xageed ku aragtay Qaskeyga?, mar dambe ha isoo wicin. Waxa uu ku yiri: Subxaanka fudeyd badanidaa, Abaayo "dhibkaaga” baan u xiisay ayaan ula jeedaa. ( F.S: 5aad)

(Reer Boondheere & Reer Gaalkacyo "Dictionary” lahjada lagu tarjumayo ha loo gado)

6-Nin reer gaalkacyo ah, oo Ina Cadaani ey saaxibo ahaayen, ayaa USAID shaqo Turjubaan ah ka soo doontay, waxaa la yiri: Luqadda English-ka Xageed ku baratay? Goormeedse Baratay? Waxa uu yiri: Gaalkacyo ayaan ku bartay, ilaa yaraanteydii ayaan ku hadlayay. yaaba Gaalkacyo luuqadu kale ku sheekeysta.

Waxa la weydiiya, "Caano Garoor” ah maxaa lagu yiraa Af Ingriiska? Waxa uu yiri: "Milk after three days”. ( F.S: 6aad).

(Shaqadii in uu helay iyo in kale ha i weydiin).

Qore: Yahya Amir



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip