Somaliya oo difaacday sababta Kooxda kormeerka ugu diideen kaydka hubka

0
Thursday November 15, 2018 - 10:45:49 in Wararka by
  • Visits: 337
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliya oo difaacday sababta Kooxda kormeerka ugu diideen kaydka hubka

    Lataliyaha amniga ee Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Cabdi Siciid Muuse Cali, ayaa qoraal uu ku daabacay Boggiisa Twitterka ku sheegay in uusan adduunka ka jirin in dad dibadda ka yimid ay booqdaan wixii ay doonaanna ka sameeyaan go

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Lataliyaha amniga ee Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Cabdi Siciid Muuse Cali, ayaa qoraal uu ku daabacay Boggiisa Twitterka ku sheegay in uusan adduunka ka jirin in dad dibadda ka yimid ay booqdaan wixii ay doonaanna ka sameeyaan goobaha xasaasiga ah ee ay dowlad leedahay.

Hadalkan ayaa jawaab u ah warbixin ku jirtay warbixintii Guddiga dabagalka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya iyo Eritrea ay shalay u gudbiyeen Golaha amaanka ee Qaramada Midoobey.

Warbixintooda qeybta Hubka ee Soomaaliya quseysay waxaa ay ku sheegeen in dhowr jeer laga hor istaagay in ay qiimeyn ku sameeyaan Keydka Hubka ee Dowladda Somaliya ee yaalla Xerada Xalane.

Waxa ay sheegeen in loo diiday in ay sawirro ka qaadaan, sidoo kale laga hor istaagay in ay Kaamirooyinka wax duuba la galaan.

Warbixinta ayaa waxaa ay ku sheegeen in xafiiska lataliyaha Madaxweynha uu saddex jeer u oggolaaday in ay galaan Bakhaarrada keydka Hubka ee Soomaaliya laakiin uu labo jeer oo kale u diiday.



Cabdi Saciid Muuse, ayaa sheegay in marna aysan macquul ahayn iyada oo aysan Dowladda Soomaaliya ka warqabin in la galo ama la ogaado xogta amaanka ee dowladda islamarkaana qolada baaritaanka wadday aysan ogeysiis hore bixin sidaasna loogu diiday in ay galaan.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip