Golaha wasiirada Britain oo taageeray heshiis ka bixitaanka UK ee Midowga Yurub

0
Thursday November 15, 2018 - 10:31:20 in Wararka by
  • Visits: 346
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Golaha wasiirada Britain oo taageeray heshiis ka bixitaanka UK ee Midowga Yurub

    Wasiirada dowladda Britain ayaa ansixiyay heshiiska qabya qoraalka ee ay UK kaga baxayso Midowgga Yurub. Wasiirada ayaa ansixintan sameeyay ka dib markii ay yeesheen 5 sacadood oo dood ah oo ay arrintan uga wadaxaajoonayeen. Waxa ay sidoo kale

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirada dowladda Britain ayaa ansixiyay heshiiska qabya qoraalka ee ay UK kaga baxayso Midowgga Yurub. Wasiirada ayaa ansixintan sameeyay ka dib markii ay yeesheen 5 sacadood oo dood ah oo ay arrintan uga wadaxaajoonayeen. Waxa ay sidoo kale golaha wasiirada Britain ay ansixiyeen qorsha qeexaya xiriirka ay mustaqbalka yeelan doonaan UK iyo midowga Yurub. Rai'sul wasaaraha Britain Theresa May ayaa ku dhawaaqday qorshahan cusub ee ay ansixiyeen golaha wasiirada. Waxa ay Mrs May arrintani ku tilmaamtay tallaabo muhim ah oo ay si adag u rumaysan tahay in ay ku jirto danta qaranka. Rai'sul wasaaraha Britain Theresa May ayaa inta ku dartay in heshiskan uu difaacayo shaqooyiinka,ammaanka iyo sharafta dastuurka UK islamarkana uu dib u soo celinayo in Britain ay kontaroosho sharciyadeed iyo xudduudaheeda. Waxay xustay in go'aankan uu yahay khiyar adag gaar ahaan marka ay timado arrinta xuduuda waqooyiga Ireland.

Theresa MayLahaanshaha sawirkaHOC Image captionTheresa May

  1. "xagjiriin ka macaashay gargaarka UK"
  2. Dadka UK oo qabatimay taleefanada
  3. Ilmo saddex qof laga samaynayo ayay ogolaatay UK

Madaxa gudiga baarlamaanka Yurub u qaabilsan ka bixitaanka Britain ee Midowga Yurub Guy Verhofstadt ayaa sheegay in heshiiskan "uu suragal ka dhigayo ka bixitaan UK ee Midowga Yurub.

Mrs May ayaa lagu wadaa in maanta oo khamiis ah ay hadal ka jeediso baarlamaanka dalka Britain.

Heshiikan qabyada ah ee ka bixitaanka UK ee midowga Yurub oo ka koobna 585 bog ayaa imika la daabacay.

Ra'sul wasaaraha ayaa cadaadis adag oo ku saabsan heshiiska kala kulmaysa mucaaradka.

Waxaa sidoo kale jiray dhaliil uga imanaysay xubno xisbigeeda ka tirsan oo iyagu tageera ka bixitaan Britain ee Midowga Yurub.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip