Wiil dhunkashada ka caagay, maxay tahay sababta?

0
Thursday November 15, 2018 - 10:25:12 in Wararka by
  • Visits: 249
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wiil dhunkashada ka caagay, maxay tahay sababta?

    Waxaa jira sababo badan oo looga baqo dhunkashada ugu horeeysa balse in dhunkasho darteed loo dhinto caadiyan kama mid aha sababahaasi. Laakiinse Oli Weatherall waxa uu ka muujinayaa walaac xoogan in cunno banaanka u doonto sababtoo 22 jirkan waxa u

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa jira sababo badan oo looga baqo dhunkashada ugu horeeysa balse in dhunkasho darteed loo dhinto caadiyan kama mid aha sababahaasi. Laakiinse Oli Weatherall waxa uu ka muujinayaa walaac xoogan in cunno banaanka u doonto sababtoo 22 jirkan waxa uu xasaasiyad ku qabaa lawska. Markii uu caruurta ahaa ayaa waxaa uu isbitaal u galay saliidda lawska uu isticmaalay awgeed. Waxa uu leeyahay candhuuftayda ayaa aad u adkaatay taas oo sababtay in xitaa aan neefsan waayo. Tan iyo markaa wixii ka dambeeyay noloshiisa waa ay isbedshay, maarkii dhawaantaan ay soo bateena kiisaska cunooyinka laga qaado xasaasiaydda ayaa Oli Weatherall waxa uu Radio 1 u sharaxay sida uu ula qabsaday nolosha xasaasiyadda.

Oli Weatherall

Lahaanshaha sawirkaALAMYImage captionOli Weatherall


.Lahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES

Oli ayaa sharaxaya markii ugu horeeysay ee loola cararay isbitaalka kadib markii uu cunay Saliidda lawska taas oo noqotay qibaraddiisa ugu cabsida badanayd.

Xilligaasi ma uusan ka warqabin waxa ku dhacayay jirkiisa oo maqaarkiisa ayaa daldalaacay waxaa ka soo baxay nabro casaan ah oo waaweyn.

Waxa uu leeyahay ma ahan kiis sahlan oo la iska ilaalinayo cunidda lawska oo kaliya xitaa dhunkashada gabdhaha waxa ay noqon kartaa khatar kale sababtoo ah haddii ay gabadha aad dhunkanayo ay soo cuntay laws ama xitaa cuno ay ku jirto saliidiisa waxaa kuugu kici xasaasiyadda.

Faa'idada caafimaadka ee kala fogeynta dhulmada "dad ayaa u dhintay arintaas darteed," ayuu yiri Oli.

"Waa khatar dhab ah, taas oo ay dadku ku baraarugsanayn,"ayuu Oli intaasi sii raaciyay.

Oli Weatherall haatan cunada gacantiisa ayuu ku karsadaa oo banaanka cunto uma doonto.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip