Maxuu ka yiri Madaxweyne Farmaajo Cunaqabateynta laga qaaday Eritrea?

0
Thursday November 15, 2018 - 09:57:58 in Wararka by
  • Visits: 265
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxuu ka yiri Madaxweyne Farmaajo Cunaqabateynta laga qaaday Eritrea?

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa soo dhoweeyay go'aanka Golaha ammaanka Qaramada Midoobay ee cunaqabateyntii saarneyd looga qaaday Eriteriya. Madaxweynaha ayaa sheegay in cunaqabateynta hubk

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa soo dhoweeyay go'aanka Golaha ammaanka Qaramada Midoobay ee cunaqabateyntii saarneyd looga qaaday Eriteriya. Madaxweynaha ayaa sheegay in cunaqabateynta hubka ee saarneyd Eriteriya looga qaaday dadaal wadajir ah oo ay sameeyeen,isagoona u mahad celiyay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay.

"Waxaan soo dhaweyneynaa hubka iyo bartilmaameedyada kale ee cunaqabateynta ee Eriteriya codsigeena wadajirka ah looga qaaday,Waanu uga mahad celineynaa golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay (UNSC),dadaalkooda waxtarka leh,Geeska Afrika ayaa si dhaqso ah u u sameynaya horumar iskaashi iyo mid dhaqaale,” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.

Tallaabadan golaha ammaanka ee Qaraamda Midoobey ayaa meesha ka saaraya cunaqabatayntii Eritrea ka saarnayd soo iibsashada hubka, shaqsiyaad dhaqaalahooda la xannibay iyo xayiraaddii dhanka socdaalka.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip