HALKAAN KA AKHRISO WAA BOGGA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO KHAMIIS 15-KA NOVEMBAR 2018-KA

0
Thursday November 15, 2018 - 09:20:35 in Wararka by
  • Visits: 434
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO WAA BOGGA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO KHAMIIS 15-KA NOVEMBAR 2018-KA

    GOLAHA WASIIRADA BRITAIN OO TAAGEERAY HESHIIS KA BIXITAANKA UK EE MIDOWGA YURUB Wasiirada dowladda Britain ayaa ansixiyay heshiiska qabya qoraalka ee ay UK kaga baxayso Midowgga Yurub. Wasiirada ayaa ansixintan sameeyay ka di

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

GOLAHA WASIIRADA BRITAIN OO TAAGEERAY HESHIIS KA BIXITAANKA UK EE MIDOWGA YURUB Wasiirada dowladda Britain ayaa ansixiyay heshiiska qabya qoraalka ee ay UK kaga baxayso Midowgga Yurub. Wasiirada ayaa ansixintan sameeyay ka dib markii ay yeesheen 5 sacadood oo dood ah oo ay arrintan uga wadaxa ajoonayeen. Waxa ay sidoo kale golaha wasiirada Britain ay ansixiyeen qorsha qeexaya xiriirka ay mustaqbalka yeelan doonaan UK iyo midowga Yurub.

Rai'sul wasaaraha Britain Theresa May ayaa ku dhaw aaqday qorshahan cusub ee ay ansixiyeen golaha wasiirada.

Waxa ay Mrs May arrintani ku tilmaamtay tallaabo muhim ah oo ay si adag u rumaysan tahay in ay ku jirto danta qaranka.

Rai'sul wasaaraha Britain Theresa May ayaa inta ku dartay in heshiskan uu difaacayo shaqoo yiinka,ammaanka iyo sharafta dastuurka UK islamarkana uu dib u soo celinayo in Britain ay kontaroosho sharciyadeed iyo xudduudaheeda.

_104345153_5c788594-be54-4470-b198-8f3da554da69

Waxay xustay in go'aankan uu yahay khiyar adag gaar ahaan marka ay timado arrinta xuduuda waqooyiga Ireland.

Madaxa gudiga baarlamaanka Yurub u qaabilsan ka bixitaanka Britain ee Midowga Yurub Guy Verhofstadt ayaa sheegay in heshiiskan "uu suragal ka dhigayo ka bixitaan UK ee Midowga Yurub.

Mrs May ayaa lagu wadaa in shalay oo khamiis ah ay hadal ka jeediso baarlamaanka dalka Britain.

Heshiikan qabyada ah ee ka bixitaanka UK ee midowga Yurub oo ka koobna 585 bog ayaa imika la daabacay.

Ra'sul wasaaraha ayaa cadaadis adag oo ku saabsan heshiiska kala kulmaysa mucaaradka.

Waxaa sidoo kale jiray dhaliil uga imanaysay xubno xisbigeeda ka tirsan oo iyagu tageera ka bixitaan Britain ee Midowga Yurub.

ABIY AXMED OO KA HADLAY TILAABADII CUNAQABATEYNTA LAGA QAADAY ERITREA

Abiy Axmed Ra’iisul wasaaraha Itoobiya ayaa u mahadceliyay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey sida ay uga jawaabeen baaqa uu dalkiisa jeediyay ee ahaa in cunaqabataynta laga qaado dalka ay deriska yihiin ee Eritrea.

Tallaabadan ayaa imaaneysa xilli labada dal ay heshiis nabadeed gaareen.

Qoraal uu kusoo qoray bartiisa Twitterka Abiy Axmed wuxuu ku sheegay in dhammaan cunaqabataynada laga qaaday Eritrea ay dan ugu jirto dalalka geeska Afrika.

MAXUU KA YIRI MADAXWEYNE FARMAAJO CUNAQABATEYNTA LAGA QAADAY ERITREA?

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa soo dhoweeyay go’aanka Golaha ammaanka Qaramada Midoobay ee cunaqabateyntii saarneyd looga qaaday Eriteriya.

Madaxweynaha ayaa sheegay in cunaqabateynta hubka ee saarneyd Eriteriya looga qaaday dadaal wadajir ah oo ay sameeyeen,isagoona u mahad celiyay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay.

"Waxaan soo dhaweyneynaa hubka iyo bartilmaameedyada kale ee cunaqabateynta ee Eriteriya codsigeena wadajirka ah looga qaaday,Waanu uga mahad celineynaa golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay (UNSC),dadaalkooda waxtarka leh,Geeska Afrika ayaa si dhaqso ah u u sameynaya horumar iskaashi iyo mid dhaqaale,” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.

Tallaabadan golaha ammaanka ee Qaraamda Midoobey ayaa meesha ka saaraya cunaqabatayntii Eritrea ka saarnayd soo iibsashada hubka, shaqsiyaad dhaqaalahooda la xannibay iyo xayiraaddii dhanka socdaalka.

Wiil dhunkashada ka caagay, maxay tahay sababta?

file-20181113-194503-z44yzi-629x420 Waxaa jira sababo badan oo looga baqo dhunkashada ugu horeeysa balse in dhunkasho darteed loo dhinto caadiyan kama mid aha sababahaasi.

Laakiinse Oli Weatherall waxa uu ka muujinayaa walaac xoogan in cunno banaanka u doonto sababtoo 22 jirkan waxa uu xasaasiyad ku qabaa lawska.

Markii uu caruurta ahaa ayaa waxaa uu isbitaal u galay saliidda lawska uu isticmaalay awgeed. Waxa uu leeyahay candhuuftayda ayaa aad u adkaatay taas oo sababtay in xitaa aan neefsan waayo.

Tan iyo markaa wixii ka dambeeyay noloshiisa waa ay isbedshay, maarkii dhawaantaan ay soo bateena kiisaska cunooyinka laga qaado xasaasiaydda ayaa Oli Weatherall waxa uu Radio 1 u sharaxay sida uu ula qabsaday nolosha xasaasiyadda.

Oli ayaa sharaxaya markii ugu horeeysay ee loola cararay isbitaalka kadib markii uu cunay Saliidda lawska taas oo noqotay qibaraddiisa ugu cabsida badanayd.

Xilligaasi ma uusan ka warqabin waxa ku dhacayay jirkiisa oo maqaarkiisa ayaa daldalaacay waxaa ka soo baxay nabro casaan ah oo waaweyn.

Waxa uu leeyahay ma ahan kiis sahlan oo la iska ilaalinayo cunidda lawska oo kaliya xitaa dhunkashada gabdhaha waxa ay noqon kartaa khatar kale sababtoo ah haddii ay gabadha aad dhunkanayo ay soo cuntay laws ama xitaa cuno ay ku jirto saliidiisa waxaa kuugu kici xasaasiyadda.

"Waa khatar dhab ah, taas oo ay dadku ku baraarugsanayn,"ayuu Oli intaasi sii raaciyay.

Oli Weatherall haatan cunada gacantiisa ayuu ku karsadaa oo banaanka cunto uma doonto.

SHIRKAD AY MAAMULAAN MILITARIGA ITOOBIYA OO LAGU EEDEEYAY INAY HUBKA SHARCI DARRADA U GUDBIN JIRTAY SOOMAALIYA

Madaxii hore ee shirkadda Metec,Kinfe Dagnew ayaa shalay la xiray

Shirkad ay militariga Itoobiya maamulaan oo lagu magacaabo Metec ayaa lagu eedeeyay inay ku lug lahayd ganacsiga sharci darrada ee hubka, sida lagu sheegay barnaamij uu tebiyay telefishinka dowladda ee ETV.

Waxaa xabsiga la dhigay madaxii hore ee shirkadda Metec Janaraal Gen Kinfe Dagnew oo isku dayay inuu u xabsado dalka Suudaan.

Barnaamijka ayaa ku eedeeyay saraakiisha maamuleysay shirkadda inay hubka u safrin jireen dalka Soomaaliya.

Suleymaan Dedefo oo ah safiirkii hore ee Itoobiya u fadhin jiray Jabuuti ayaa barnaamij ka baxay ETV u sheegay in sannadkii 2016kii shirkadda Metec lagu tuhmay inay soo iibsatay labo maraakiib ah oo markii dambe ay u isticmaalayeen saraakiisha shirkadda inay hubka iyo aalabaha kale ee sharci darrada ah u dhoofiyaan dalalka Iiraan iyo Soomaaliya.

Wuxuu sheegay safiirka inuu warqad u qoray wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya si ay ula socdaan eedeymaha loo soo jeediyay shirkadda balse dowladda Itoobiya kama aysan hadlin arrintaasi.

Isniintii, xeer ilaaliyaha guud ee dalka Itoobiya Berhanu Tsegaye wuxuu shaaca ka qaaday in musuq maasuq baahsan lagu helay shirkadda kaddib markii shan bilood ah oo baaritaanno ah.

Waxaa la xiray 27 saraakiil oo shirkadda maamuleysay.

Itoobiya waxaa ka socdaa howlgallo ka dhan musuq maasuqa, waxayna ka qayb yihiin isbadallada taariikhiiga ah uu garwadeenka ka yahay ra’iisul wasaare Abiy Axmed.

Bishii Agosto ayay ahayd markii uu Ra’iisul wasaaraha heshiiskii qanddaraaska dhisitaanka biyo xireenka kala noqday shirkadda Metec isla markaasna siiyay shirkaddo shisheeye.

Xigasho: BBC

WASIIRKA WAXBARASHADA IYO MADAXA HAY’ADDA DFID OO KALA SAXIIXDAY HESHIIS SHAN MILYAN

Wasiirka waxbarashada xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdulahi Goodax Barre iyo madaxa hay’adda DFID ee Soomaaliya Phil Evans ayaa shalay magaalada Muqdisho ku kala saxiixday Shan Milyan oo dollar oo lagu tageerayo sidii loo horumarin lahaa waxbarashada gabdhaha.

Shantan Milyan ee dollar ayaa waxaa bixineysa hay’adda USAID ee laga lee yahay dalka Mareykanka, waxaana heshiiska goobjoog ka ahaa agaasimaha hay’adda USAID ee Soomaaliya.

Wasiirka waxbarashada xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdulaahi Goodax Barre ayaa sheegay in Shanta Milyan loogu talo galay in lagu horumariyo waxbarashada gabdhaha Soomaaliyeed.

"Waa guul weyn waxaan kala saxiixanay hay’adda DFID heshiis lagu horumarinayo waxbarashada gabdhaha Soomaaliyeed, Shantan Milyan waxaa si hordhac ah u bixin doonta dowladda Mareykanka gaar ahaan hay’adda USAID, shalay waxaa halkan joogay wakiil ka socda dowladda Mareykanka muddo 30 sano kadib”. ayuu yiri wasiirka waxbarashada.

Xukuumadda federaalka iyo wasaaradda waxbarashada ayaa waxaa ka go’an sidii loo xoojin lahaa xiriirka kala dhexeeya dowladaha caalamka.

Wasiirka waxbarashada xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdulaahi Goodax Barre ayaa ku guuleystay muddooyinkii dambe in heshiisyo lagu horumarinayo waxbarashada dalka uu la saxiixdo hay’addo caalami ah si loo horumariyo waxbarashada.

MADAXWEYNAHA OO SHEEGAY SHIRKA SADDEXAAD EE ISBAHEYSIGA GEESKA AFRIKA IN LAGU QABANAYO MUQDISHO

Madaxweynaha Somaliya, Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa sheegay shirka Saddexaad ee isbaheysiga Geeska Afrika in lagu qaban doono magaalada Muqdisho.

Farmaajo ayaa hadalkan sheegay kadib hadal uu warbaahinta ku siiyay magaalada Muqdisho, balse ma aanu sheegin waqtiga rasmi ahaan uu dhacayo shirkan.

Kulamadii ugu dambeeyay ee madaxda Geeska Afrika gaar ahaan wadamada Itoobiya, Somaliya iyo Eritrea ay ku yeesheen Asmara iyo Adis Ababa ayuu sheegay in guulo muhiim ah laga gaaray.

Jabuuti ayuu sheegay iney suuragal tahay iney ka soo qeyb gasho kulanka Muqdisho ka dhacaya, walow aaney goobjoog ka eheyn labadii kulan ee u dambeeyay.

"Shirkii ugu horeeyay Asmara ayuu ka dhacay, kii labaad Baxar daar ayuu ka dhacay, midka Saddexaad Muqdisho ayuu ka dhacayaa, waxaan isku dayaynaa shirkan inaan balaarino oo aan ku soo darno dalka Jabuuti”. ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Dhinaca Kale Madaxweynaha waxa uu soo hadal qaaday Isbadalka ka dhacay dalka Itoobiya 10kii bilood ee la soo dhaafay oo uu xafiiska maamulayay Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed.

Somaliya, Eritrea iyo Itoobiya ayaa ka shaqeynaya in isbedel weyn uu ku yimaado iskaashiga u dhaxeeya dalalka Geeska Afrika, hadii ay ahaan laheyd dhaqaalaha iyo ammaanka.

DOWLADDA DHEXE OO LAGU EEDEEYAY SOO IIBSHADDA HUB XAD DHAAF Ah

Dowladda Soomaaliya ayaa lagu eedeeyay in ay jabisay Cunaqabateynta hubka ee Saaraan, xilli dowladda Soomaaliya ay dadaal badan ay ugu jirto sidii looga qaadi lahaa Cunaqabateynta, Maadaama ay dagaal kula jirto AlShabaab.

Kooxdii Golaha Ammaanka u qaabilsanaa Cunaqabateynta Saaraan Soomaaliya ayaa warbixin ay soo saareen ku sheegay in dowladda Soomaaliya ay heshay 20,000 oo qori iyo 75 million oo rasaas ah, oo ay ku jiraan 70,000 oo ah RPG7.

Kooxda waxa ay sheegtay in Soomaaliya ay soo dhoofsatay Xad ka badan midka loo ogol yahay Soomaaliya.

Kooxda ayaa sidoo kale sheegtay in 21 Konteenar oo hub ah oo ay ku jiraan nooca Soomaalida u taqaanno "Baasuukaha in la geeyey gudaha Madaxtooyaddabishii May 2018 ee sanadkaan,islamarkaana loo diiday in ay Baaraan hubkaasi.

GOLAHA AMMAANKA EE QARAMADA MIDOOBAY OO ERITREA KA QAADAY CUNAQANATAYNTII SAARNAYD

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa isku raacay in cunaqabateynta saarneyd dalka Eritrea laga qaado.

Eritrea ayaa xayiraadahani lagu soo rogay sagaal sano ka hor, xilligaasi oo lagu eedeeyay in ay taageerto mintidiinta Soomaaliya ee AlShabaab.

Arrintan ayaa ku soo aadaysa iyadoo calaaqaadka gobolku uu soo hagaagayo, heshiis taariikhi ahna ay la galeen dalka ay dariska yihiin ee Itoobiya.

Qaraar qabyo ah oo ay Britain hor dhigtay Qaramada Midoobay ayaa sheegayay in kooxda Qaramada Midoobay u qaabilsan la socoshada arrintaas ay ku guul darraysteen in ay keenaan caddaymo lagu xoojiyo eedaymaha Eritrea loo soo jeediyay.

Tallaabadan golaha ammaanka ee Qaraamda Midoobey ayaa meesha ka saaraya cunaqabatayntii Eritrea ka saarnayd soo iibsashada hubka, shaqsiyaad dhaqaalahooda la xannibay iyo xayiraaddii dhanka socdaalka.

Dhawaan ahay ahayd markii hoggaamiyeyaasha dalalka Soomaaliya, Eritrea iyo Itoobiya ay kulan ku yeesheen magaalada Bahr Dar ee dalka Itoobiya, halkaasi oo ay kaga wada hadleen heeshisyadii ay ku kala saxiixdeen Asmara.

Waxyaabihii inta badan kulanka ka dib laga hadlayay waxaa ka mid ah arrinta la xiriirta suuragalnimada ah inay midoobaan dalalkan mustaqbalka.

Isbadalka maamul ee ka dahcay dalka Itoobiya oo ay coalad 20 sano kala dhaxeysay Eritrea ayaa sahlay in hadda xayiraadihii laga qaado xukuumadda Asmara.

XILDHIBAAN COSOBLE "GUDDOOMIYE C/WELI MUUDEY WAA AFDUUBTAY BAARLAMAANKA WUXUU KA DHIGAY DUGSI QUR’AAN….”

Xildhibaan C/qaadir Cosoble Cali oo ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka ayaa ku eedeeyay Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Baarlamaanka C/weli Muudey inuu sameeyay xadgudub ka baxsan xeer hoosaadka Baarlamaanka, isagoo sheegay inuu afduubtay Baarlamaanka.

Xildhibaan Cosoble oo la hadlayay telefishinka Dalsan TV, kaddib markii uu soo dhamaaday kulankii Baarlamaanka ayaa sheegay in Xildhibaanada Baarlamaanka ay shalay si aqlabiyad leh ku ansixiyeen qaraarkii ay soo jeediyeen Guddiga Maaliyadda ee ku aadanaa dib u eegista Miisaaniyadda sanadka 2018.

Hase ahaatee waxaa uu xusay in qalad aad u weyn sameeyay Guddoomiye kuxigeenka 1aad C/weli Muudey oo shir guddoominayay kulankii shalay.

"Shalay Baarlamaanka qalad aad u weyn ayaa ka dhacay oo uu sameeyay Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Baarlamaanka C/weli Muudey oo ah xeer taraar aad u qaldan, waxaa uu diiday xaqa ay leeyihiin Xildhibaanada oo uu xeer hoosaadka siinayo in Xildhibaanka ay ra’yi ku dari karaan soona jeedin karaan haddii toosan ay timaado”ayuu yiri Xildhibaan C/qaadir Cosoble Cali.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Guddoomiye C/weli Muudey uu diiday inay Xildhibaanada hadlaan, taasoo uu ku tilmaamay inay tahay afduub aad u weyn.

rw "Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Baarlamaanka waa afduubtay, Xildhibaanada inay hadlaan waa diiday Xildhibaanka dalbaday inuu hadlo oo wax saxo waa ka diiday, taasna waa arrin khilaafsan xeer hoosaadka, waa dhaqan aad u liitay oo xun oo aan loo baahneyn inuu Baarlamaanka ku sii socdo, anaga uma dooran Guddoomiye C/weli Muudey inuu Baarlamaanka ka dhigo dugsi qur’aan asiga leeyahay wixii uu doono marsiiyo”ayuu si kulul u yiri Xildhibaan C/qaadir Cosoble Cali oo ah Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Dibadda Baarlamaanka.

Ugu dambeyn Xildhibaan Cosoble ayaa sheegay in Guddoomiye kuxigeenka 1aad ay kala xisaabtamayaan tallaabada uu sameeyay, isla markaana ay kala hadli doonaan arrintan Guddoomiyaha Baarlamaanka, marka uu safarka ka soo laabto.XIGASHO:JOWHAR.COM

GUDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO LA KULMAY DHIGIISA DALKA QUBRUS

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa shalay la kulmay dhigiisa Turkish Republic of Northern Cyprus mudane Teberruken Ulucay.

Guddoomiyaha oo si diiran loogu soo dhaweeyay Magaalada Lefkosa ee caasimadda Jamhuuriyada Turkiga ee Waqooyiga Cyprus ayaa dhigiisa kala hadlay xoojinta xiriirka labada dhinac.

Sidoo kale waxa ay ka wada hadleen sidii wadajir la isaga kaashaan lahaa arrimaha hormarinta iyo aqoon kororsi dhex mara.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa inta uu ku sugan yahay Waqooyiga Cyprus waxa uu la kulmi doonaa Ra’isal wasaaraha iyo Madaxweynaha dalkaasi.

AKHRISO: MAXUU KA YIRI R/W KHEYRE CIYAARTA U DHAXEYSA SOOMAALIYA IYO ITOOBIYA ?

Ra’iisulwasaaraha dalka Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa guul u rajeeyay xulka kubadda cagta dalkeenna ee Xiddigaha Badweynta oo la cayaari doona Dhiggooda Ethiopia.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa twitter,ayuu ra’iisulwasaare Kheyre ku yiri ‘Waxaan guul u rajeynayaa xulkeenna kubbadda cagta kulanka ay la yeelanayaan dhiggooda Ethiopia”

Ra’iisulwasaare Kheyre ayaa intaas ku daray in mas’uuliyiinta,shacabka iyo qarankuba ay taageero la garab taagan yihiin Xulka Qaranka isla markaasna ay u rajeynayaan in ay guul kasoo hoyiyaan kullan ciyaareedkaasi.

Khadiijo Maxamed Diiriye Wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha ayaa iyana dhankeeda aad u amshalayy diyaar garowga ciyaartoyda dalkeena waxayna aad ugu rajaysay inay guul lagu farxo ay ka soo hoyiyaan ciyaarta galabta iyo ciyaaraha kale.

BAARLAMAANKA SOOMAALIYA OO ANSIXIYAY HINDISE SHARCIYEEDKA MIHNADLAYAASHA CAAFIMAADKA QARANKA

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa shalay ansixiyay hindise sharciyeedka golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka, waxaa kulanka shir guddoominaayay guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha shacabka mudane Cabdiweli Sheekh Ibrahim (Muudeey).

Hindise sharciyeedkan ayaa waxaa soo diyaariyay wasaaradda caafimaadka Soomaaliya, waxaana la marsiiyay habraacii golaha.

Dhammaan xildhibaanadii madasha fadhiyay ee 158 gaaraayay ayaa cod wada ogol ah ku ansixiyay, mana jirin xildhibaan diiday ama ka aamusay.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka ee Soomaaliya Drs Foosiyo Abiikar Nuur ayaa golha shacabka kaga mahad celisay ansixinta hindise sharciyeedkan oo hada ka dib noqonayo sharci,waxa ay tilshalayy muhiimada sharcigaan uu dalka u leeyahay iyo kaalinta uu ka qaadan karo hormarinta caafimaadka.

" Mudanayaal aad baa idiinkaga mahad celinaya ansixinta sharcigaan, wasaaradda caafimaadka hada ka dib waxa u fududaaneyso la xisaabtanka hay'addaha caafimaadka iyo dadka ku shaqeeya xirfadaan, sharcigaan waxa uu xakameynaya daawooyinka dalka soo galaya iyo ajaaniibta imaaneysa dalka". ayay tiri wasiir Foosiya.

Dhanka kale Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa loo qeybiyay hindise sharciyeedka dhismaha hay'adda dadka naafada ah oo mari doono aqrinta saddexaad.

MAXAY KUSOO DHAMAATAY CIYAARTII XULALKA SOOMAALIYA IYO ITOOBIYA

Ethiopia ayaa ku guuleysatay 40 ciyaar ka tirsaneyd isreebreebka Olympics U23 oo ka dhacday Addis Ababa.

Xulka martida ahaa ayaa ku bilaawday qaab ciyaareed xun, taasoo keentay in labo gool lagu nasiyo qeybtii hore.

Si kastaba ha ahaatee, xulka martida loo ahaa ee Ethiopia ayaa hogaanka ciyaarta dheereystay qeybta labaad, iyagoo ku daray laba gool kale.

Kullanka lugta labaad ee Ethiopia iyo Somalia ayaa lagu ciyaari doonaa dalka Djibouti oo ay marti ahaan u leeyihiin dalkeena 20 bishaan Novenber.

XAASASKA ALSHABAAB OO LAGA MUSAAFURINAYO BELEDXAAWO (DIGNIIN KA SOO BAXDAY ALSHABAAB)

Maamulka degmada Beledxaawo ee Gobolka Gedo ayaa amar ka soo saaray xaasaska u dhaxa ragga ka tirsan AlShabaab iyo carruurtooda, iyagoo ku wargeliyay inay si degdeg uga baxaan gudaha degmada.

Guddoomiyaha degmada Beledxaawo Maxamuud Xayd Cusmaan ayaa soo saaray amarka looga musaafurinayo degmadiisa xaasaska ay qabaan AlShabaab iyo carruurtooda.

Hase ahaatee AlShabaab ayaa ku hanjabay in haddii ay arrintandhacdo inay qaadi doonaan tallaabo aargudasho ah, waxayna la soo xiriireen ganacsatada iyo waxgaradka maamulka inay kala hadlaan sidii uu maamulka degmada uga laaban lahaa amarka.

Ganacsatada iyo odayaasha deegaanka ayaa la sheegay in maamulka degmada ay kala hadleen dalabka ka soo yeeray AlShabaab, waana lagu gacan seyray.

AlShabaab ayaa dhankooda ku dhawaaqay inay go’doominayaan degmada Beledxaawo, si la mid ah deegaanada kale ay u go’doomiyeen, waxaana arrintan walaac ka muujiyay dadka deegaanka.



TABABAR LOO SOO XIRAY SARAAKIIL KA TIRSAN CIIDANKA XOOGGA DALKA…

Magalada Muqdisho waxaa Shalay tababar loogu soo xiray Saraakiil ka tirsan Xubnaha Saadka iyo Taakuleynta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaliyeed,tababarkaas oo socday mudo Saddex Cisho ah.

Munaasabada tababarka loogu soo xirayay ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirka Gaashaandhagga Soomaaliya Xasan Cali Maxamed (Amar Dambe) iyo Taliyaha xoogga Sareeye Gaas Daahir Aadan Cilmi IndhaQarshe.

Madaxa hoggaanka Saadka iyo taakuleyntaCiidanka xoogga dalka Janeraal Maxamed Maxamuud Garabeey ayaa sheegay in maalmaha uu socday tababarkaan ay Saraakiishu wax badan ka faa’iideen,isla markaana Dad aqoonyano ah ay tababarkaas bixinayeen.

Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyed Sareeye Gaas Daahir Aadan Cilmi(IndhaQarshe) ayaa sheegay in tababarkaan uu yahay bilaawga turxaan bixinta ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya,isla markaana Sanadka soo socda ee 2019 laga bixi doono musuq maasuq ciddii lagu arkaana tallaaba laga qaadi doono.

Ugu dambeyn Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga oo tababarka soo xiray ayaa sheegay in marka la gaaro Sanadka 2019 dowladda Soomaaliya ay dib u howlgelin doonto Warshada Dharka Ciidanka soo saarta.

Madaxa hoggaanka Saadka iyo taakuleyntaCiidanka xoogga dalka Janeraal Maxamed Maxamuud Garabeey

FACEBOOK OO SABABAY IN LA XIRO BURCAD BADEED SOOMAALI AH

Barta Facebook ayaa sabab u noqotay in lagu ogaado mid kamid ah burcad badeeda Soomaaliya afduubka ka geysan jirtey isagoo ku nool dalka Maraykanka.

Maxamed Tahliil oo lagu eedeynayo inuu ka mid ah burcad b adeeda Soomaaliya ayaa lagu xirey magaalada New York kadib markii uu barta Facebook uu xiriir kula sameyey saxafi Maraykan ah Michael Scott Moore oo muddo labo sano kabadan afduub loogu haystay gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya.

Tahlil ayaa la xiriiray Moore isagoo ka codsaday in uu la saxibo,waxana uu Moore baaray sawirada u saaran qeybta uu ku leeyahay Tahliil Facebook waxana uu aqoonsaday inuu ka mid ahaa burcad badeedii ka afduubatay magaalada Gaalkacyo.

Moore ayaa ahaa weriye doonayay in uu warar ka sameeyo burcad badeednimada waxaana uu muddo labo sano iyo bar ah u afduubnaa burcad badeed Soomaali ah waxaana ugu dambeyntii lagu sii daayay markii ay hooyadii bixisay lacag madax furasho ah oo gaareysa 1.6malyan oo dollar.

BOGGA CAYAARAHA

MAXUU KA YIRI R/W KHEYRE CIYAARTA U DHAXEYSA SOOMAALIYA IYO ITOOBIYA ?

Ra’iisulwasaaraha dalka Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa guul u rajeeyay xulka kubadda cagta dalkeenna ee Xiddigaha Badweynta oo la cayaari doona Dhiggooda Ethiopia.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa twitter,ayuu ra’iisulwasaare Kheyre ku yiri ‘Waxaan guul u rajeynayaa xulkeenna kubbadda cagta kulanka ay la yeelanayaan dhiggooda Ethiopia”

Ra’iisulwasaare Kheyre ayaa intaas ku daray in mas’uuliyiinta,shacabka iyo qarankuba ay taageero la garab taagan yihiin Xulka Qaranka isla markaasna ay u rajeynayaan in ay guul kasoo hoyiyaan kullan ciyaareedkaasi.

Khadiijo Maxamed Diiriye Wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha ayaa iyana dhankeeda aad u amshalayy diyaar garowga ciyaartoyda dalkeena waxayna aad ugu rajaysay inay guul lagu farxo ay ka soo hoyiyaan ciyaarta galabta iyo ciyaaraha kale.

KOOXDA ROMA OO CIYAARYAHAN MUHIIM AH KA DOONEYSA MANCHESTER UNITED

Sida ay baahinayaan wararka ka imaanaya gudaha dalka England kooxda reer Talyaani ee Roma ayaa qorsheeneysa inay dalab ka gudbiso suuqa furmi doono bisha Janaayo xidiga Manchester United ee Ashley Young.

33 jirkan ayaa lagu wadaa in heshiiskiisa kooxda Manchester United uu soo idlaado dhamaadka xili ciyaareedkan, wuxuuna muhiim u yahay qorshaha Jose Mourinho ee kooxda Red Devils.

Laakiin saraakiisha kooxda Red Devils ayaa ilaa iyo haatan wax talaabo ah u qaadin in Ashley Young ay kaga saxiixdaan heshiis cusub uu ku sii joogayo garoonka Old Trafford.

Sida laga soo xigtay wargeyska "The Sun” ee dalka England kooxda Roma ayaa bartilmaameed ka dhiganeysa suuqa kala iibsiga jiilaalka saxiixa Ashley Young.

Wararka ayaa waxay intaas kusii darayaan in hadii ay diido Red Devils inay iibiso laacibkeedan, waxay qorsheeneysaa Roma in ay heshiis gaar ah la gaaraan, maadaama uu xur noqonayo suuqa xagaaga ee soo aadan.

Laacibka reer England ee Ashley Young ayaa ku soo sugnaa garoonka Old Trafford tan iyo 2011, kadib markii uu kaga soo biiray kooxda Aston Villa

WAFDI KA SOCDA CAF OO SOO GAARAY MUQDISHO IYO DOORASHADA XIRIIRKA KUBADDA CAGTA SOOMAALIYA OO…………

Muqdisho waxaa soo gaaray Wafdi uu hogaaminayo Saleemaan Waabari oo ka tirsan gudiga fulinta CAF.

Imaatinka wafdigan ayaa sabab u ah arinta la xiriirta doorashada guddoomiyaha iyo ku xigeenka xiriirka kubadda cagta Soomaaliya.

Doorashada waxaa xaq u leh in ay codeeyaan 25ka koox ee ka dhisan dalka, iyo saddex urur oo kala ah Ururka Garsoorayaasha, kan Macalimiinta iyo ururka Ciyaartooyda.


 

Carab-780x405

Xog hoose ayaa sheegeysa in maalinta bari ay doorashada ka dhici doonto hotel Jaziira.Sidoo kale waxaa goobta lagu dooran doonaa guddiga fulinta xiriirka kubdda cagta soomaaliya, waxaana xusid mudan in doorashadaan tan xigta ay noqon doonta mid cod ay ku yeeshtaan gobolada dalka




AYAA HELI KARA CIYAARTOYGAN OO KALE! KYLIAN MBAPPE OO AFAR CIYAARTOY KA SAMEEYAY HAL CIYAARTOY OO DHAMAYSTIRAN.

Kubbada cagta inta badan waxaa jira ciyaartoy lagu tilmaamo kuwo dhamaystiran laakiin haddana bini aadamka dhaliil lagama waayo waxaana soo baxa waxyaabo badan oo lagu dhaliilo oo la sheego in haddii uu halkaas ka fiicnaan lahaa uu noqon lahaa ciyaartoy dhamaystiran.

Laakiin da’yarka xulka qaranka France iyo kooxda PSG ee Kylian Mbappe ayaa isku dayay in uu afar ciyaartoy oo caalami ah uu midba ka soo qaato halka uu ugu fiican yahay si uu u sameeyo wax u muuqda ciyaartoy noqon lahaa mid aan abid kubbada cagta lagu arkeen.

Kylian Mbappe ayaa hal min hal meel ka soo doortay Lionel Messi, Cristiano Ronaldo, Neymar Jr iyo Buffon si uu mala awaal ahaan ugu sameeyo nooc uu noqon lahaa ciyaartoyga dhamaystiran ee kubbada cagtu yeelan lahayd.

Ugu horayn Kylian Mbappe ayaa Lionel Messi ka soo qaatay awooda lugtiisa bidix, waxa uu saaxiibkiisa Neymar Jr ka soo doortay awooda lugtiisa midig, wuxuuna Cristaino Ronaldo ka soo qaatay awoodiisa maskaxeed halka heerka shaqsiyadeed uu ka soo xushay Buffon.

Bal qiyaaso ciyaartoyga uu Kylian Mbappe soo doortay sida uu noqon lahaa, waxa uu yeelan laaha awood kubbad darbayneed oo labadiisa lugood la mid yihiin Messi iyo Neymar, waxa uu yeelan lahaa awood maskaxeed oo Ronaldo leeyahay wuxuuna ahaan lahaa shaqsi kubbada cagta oo dhan laga jecel yahay sida Buffon.

Kylian Mbappe ayaa markii uu nooca ciyaartoyga dhamaystiran soo xulayay waxa uu yidhi: "Lugta bidix ee Messi, lugta midig ee Neymar, maskaxda Cristiano Roanldo iyo heerka shaqsi ee Gianluigi Buffon”.

Fikrada Kylian Mbappe uu ku soo xushay shaqsiyga kubbada cagta ah ee uu u arki lahaa in uu dhamaystiran yahay ayaa muujinaysa sida uu u qiyaas fiican yahay isla markaana uu u qirsan yahay in ciyaartoy kastaaba uu ugu fiican yahay qaybta uu ka soo xushay.

Haddaba akhriste, haddii aad isku daydo in aad afar ciyaartoy oo kaliya ka soo saarto hal ciyaartoy oo dhamaystiran, afartee ciyaartoy ayay noqon lahaayeen? mid kastaba qaybteed ka soo qaadan lahayd?



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip