Dhageyso:-Tababar Loo Soo Xiray Saraakiil Ka Tirsan Ciidanka Xoogga Dalka+Sawirro

0
Wednesday November 14, 2018 - 23:05:15 in Wararka by
  • Visits: 431
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhageyso:-Tababar Loo Soo Xiray Saraakiil Ka Tirsan Ciidanka Xoogga Dalka+Sawirro

    Magalada Muqdisho waxaa Maanta tababar loogu soo xiray Saraakiil ka tirsan Xubnaha Saadka iyo Taakuleynta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaliyeed,tababarkaas oo socday mudo Saddex Cisho ah. Munaasabada tababarka loogu soo xirayay ayaa waxaa ka qeyb galay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magalada Muqdisho waxaa Maanta tababar loogu soo xiray Saraakiil ka tirsan Xubnaha Saadka iyo Taakuleynta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaliyeed,tababarkaas oo socday mudo Saddex Cisho ah. Munaasabada tababarka loogu soo xirayay ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirka Gaashaandhagga Soomaaliya Xasan Cali Maxamed (Amar Dambe) iyo Taliyaha xoogga Sareeye Gaas Daahir Aadan Cilmi Indha-Qarshe.

 
Madaxa hoggaanka Saadka iyo taakuleynta Ciidanka xoogga dalka Janeraal Maxamed Maxamuud Garabeey ayaa sheegay in maalmaha uu socday tababarkaan ay Saraakiishu wax badan ka faa’iideen,isla markaana Dad aqoonyano ah ay tababarkaas bixinayeen.

Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyed Sareeye Gaas Daahir Aadan Cilmi(Indha-Qarshe) ayaa sheegay in tababarkaan uu yahay bilaawga turxaan bixinta ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya,isla markaana Sanadka soo socda ee 2019 laga bixi doono musuq maasuq ciddii lagu arkaana tallaaba laga qaadi doono.

Ugu dambeyn Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga oo tababarka soo xiray ayaa sheegay in marka la gaaro Sanadka 2019 dowladda Soomaaliya ay dib u howlgelin doonto Warshada Dharka Ciidanka soo saarta.

Hoos Ka Dhageyso Codka kana Daawo Sawirrada.

Madaxa hoggaanka Saadka iyo taakuleynta Ciidanka xoogga dalka Janeraal Maxamed Maxamuud Garabeey

Audio Player
 
00:00
 
 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip