Madaxweynaha oo sheegay shirka Saddexaad ee isbaheysiga Geeska Afrika in lagu qabanayo Muqdisho
Kulamadii ugu dambeeyay ee madaxda Geeska Afrika gaar ahaan wadamada Itoobiya, Somaliya iyo Eritrea ay ku yeesheen Asmara iyo Adis Ababa ayuu sheegay in guulo muhiim ah laga gaaray.
Jabuuti ayuu sheegay iney suuragal tahay iney ka soo qeyb gasho kulanka Muqdisho ka dhacaya, walow aaney goobjoog ka eheyn labadii kulan ee u dambeeyay.
"Shirkii ugu horeeyay Asmara ayuu ka dhacay, kii labaad Baxar daar ayuu ka dhacay, midka Saddexaad Muqdisho ayuu ka dhacayaa, waxaan isku dayaynaa shirkan inaan balaarino oo aan ku soo darno dalka Jabuuti”. ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.
Dhinaca Kale Madaxweynaha waxa uu soo hadal qaaday Isbadalka ka dhacay dalka Itoobiya 10-kii bilood ee la soo dhaafay oo uu xafiiska maamulayay Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed.
Somaliya, Eritrea iyo Itoobiya ayaa ka shaqeynaya in isbedel weyn uu ku yimaado iskaashiga u dhaxeeya dalalka Geeska Afrika, hadii ay ahaan laheyd dhaqaalaha iyo ammaanka.
Madaxweynaha oo sheegay shirka Saddexaad ee isbaheysiga Geeska Afrika in lagu qabanayo Muqdisho
Madaxweynaha Somaliya, Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa sheegay shirka Saddexaad ee isbaheysiga Geeska Afrika in lagu qaban doono magaalada Muqdisho. Farmaajo ayaa hadalkan sheegay kadib hadal uu warbaahinta ku siiyay magaalada Muqdisho, ba