Madaxweynaha Puntland oo dhagax dhigay xarun wax lagu bari doono caruurta Agoonta ah (SAWIRRO)

0
Wednesday November 14, 2018 - 21:48:32 in Wararka by
  • Visits: 303
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Puntland oo dhagax dhigay xarun wax lagu bari doono caruurta Agoonta ah (SAWIRRO)

    Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta dhagax dhigay xarun ballaaran oo wax lagu bari doono carruurta agoonta ah iyo danyarta Puntland, mashruucan oo ay maalgalinayso Dawladda Kuwayd ayaa ah dhisme balaadhan oo ka kooban qe

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta dhagax dhigay xarun ballaaran oo wax lagu bari doono carruurta agoonta ah iyo danyarta Puntland, mashruucan oo ay maalgalinayso Dawladda Kuwayd ayaa ah dhisme balaadhan oo ka kooban qeybo kala duwan sida:- qeybta Jiifka, waxbarashada, caafimaadka iyo xafiisyo kala duwan.

Madaxweynaha Puntland iyo qaar ka mid ah labada gole ee Puntland iyo masuuliyiin kale ayaa ka qeyb galay dhagax dhigga mashruuca oo ay fulinayso Hay’adda ARC.

Masuuliyiinta ku hawlan hirgalinta mashruucaan balaaran ayaa madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ku ammaanay wada shaqaynta iyo soo dhoweyta uu u sameeyey si loo hirgaliyo mashruucaan wax ku oolka u ah bulshada reer Puntland.

Dhanka kale Madaxweyne Gaas oo khudbad ka jeediyey munaasibadda ayaa soo dhoweeyey hirgalinta mashruucan iyo cid walba oo keenaysa barnaamij wax tar u leh bulshada Puntland,

”Waxaa farxad noo ah dhagax dhigga mashruucan quruxda badan ee wanaagsan waana ku mahadsan tihiin sida aad u deeqsiinaysaan lacagta yar ee halka Milyan ah mashruuca intaas le’eg, mashruucani waxuu yahay mid aad wanaagsan, sababtu waxa weeye dadka aadka ugu nugul wax tarkiisii weeye, Puntland’na way ku baraarugsan tahay baahidaas ay qabaan agoonta iyo rajooyinka Puntland, cid kasta oo wax taraysana waan soo dhoweynaynaa,Puntland’na si wanaagsan bay idiin soo dhoweynaysaa idiinlana shaqayn doontaa inshaa Allah, waxaad naga furateen xil na saarnaa waxaana rajaynanaa in lasii wado wax tarka bulshada baahan, labo boqol iyo konton ( 250) agoon ah nafaqayntooda, waxbaridooda iyo wanaajintoodu waa wax aad u wanaagsan waana idinku garab taaganahay waxaana sii jeclaan lahayn in aad balaarisaan waxaan ogahay in sidoo kale Boosaaso laga fulinayo mashruucaan oo kale, sii wada mashruuca wixii Dawli ah, waan idinku taageeranaa anagoo kaashanayna Wasaaradda Waxbarashada”. ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

Advertisement



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip