Wasiirka Waxbarashada iyo Madaxa Hay'adda DFID oo kala saxiixday heshiis Shan Milyan (SAWIRRO)

0
Wednesday November 14, 2018 - 21:24:18 in Wararka by
  • Visits: 261
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Waxbarashada iyo Madaxa Hay'adda DFID oo kala saxiixday heshiis Shan Milyan (SAWIRRO)

    Wasiirka waxbarashada xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdulahi Goodax Barre iyo madaxa hay'adda DFID ee Soomaaliya Phil Evans ayaa maanta magaalada Muqdisho ku kala saxiixday Shan Milyan oo dollar oo lagu tageerayo sidii loo horumarin lahaa wa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka waxbarashada xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdulahi Goodax Barre iyo madaxa hay'adda DFID ee Soomaaliya Phil Evans ayaa maanta magaalada Muqdisho ku kala saxiixday Shan Milyan oo dollar oo lagu tageerayo sidii loo horumarin lahaa waxbarashada gabdhaha.

Shantan Milyan ee dollar ayaa waxaa bixineysa hay’adda USAID ee laga lee yahay dalka Mareykanka, waxaana heshiiska goobjoog ka ahaa agaasimaha hay’adda USAID ee Soomaaliya.

Wasiirka waxbarashada xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdulaahi Goodax Barre ayaa sheegay in Shanta Milyanloogu talo galay in lagu horumariyo waxbarashada gabdhaha Soomaaliyeed.

"Waa guul weyn waxaan kala saxiixanay hay’adda DFID heshiis lagu horumarinayo waxbarashada gabdhaha Soomaaliyeed, Shantan Milyan waxaa si hordhac ah u bixin doonta dowladda Mareykanka gaar ahaan hay’adda USAID, maanta waxaa halkan joogay wakiil ka socda dowladda Mareykanka muddo 30 sano kadib”. ayuu yiri wasiirka waxbarashada.

Xukuumadda federaalka iyo wasaaradda waxbarashada ayaa waxaa ka go’an sidii loo xoojin lahaa xiriirka kala dhexeeya dowladaha caalamka.

Wasiirka waxbarashada xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdulaahi Goodax Barre ayaa ku guuleystay muddooyinkii dambe in heshiisyo lagu horumarinayo waxbarashada dalka uu la saxiixdo hay’addo caalami ah si loo horumariyo waxbarashada.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip